Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shir muhiim ah oo uu guddoomiyey Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha guud ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo si qota dheer looga dooday arrimaha amniga, horumarinta mashariicda iyo adeegyada bulshada.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale si rasmi ah u ansixiyay laba siyaasadood oo muhiim u ah horumarka gobolka, kuwaas oo kala ah Siyaasadda Guriyeynta iyo Siyaasadda Fasaxa Dhismaha oo ay diyaarisay Wasaaradda Howlaha guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Labadan siyaasadood waxaana loogu talagalay in lagu xoojiyo qorsheynta in tayada dhismaha magaalooyinka kor loo qaado, iyo in la habeeyo nidaamka oggolaanshaha dhismaha.
Golaha Wasiirrada ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay hirgelinta siyaasadaha la ansixiyey, si loo dardargeliyo horumarka iyo bilicda magaalooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.


