Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadara), ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.
Wasiirka waxaa safarkiisa ku wehliya Agaasimaha Waaxda Qurbajoogta Soomaaliyeed, Mudane Ibraahim Guure Maxamed, iyo La-taliyaha Waaxda, Mudane Cabdisalaam Yuusuf Aadan.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka ahna Ku-xigeenka Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Mudane Ismaaciil Cabdulle Soomane, iyo xubno kale oo ka tirsan diblomaasiyiinta safaaradda.

Booqashada Wasiir Ku-xigeenka ayaa lagu wadaa inay diiradda saarto la falgalka jaaliyadda Soomaaliyeed, iyadoo kulamada uu la yeelan doono ay xoogga saarayaan xoojinta xiriirka qurbajoogta, hagaajinta adeegyada loo fidiyo, iyo kor u qaadista doorka ay jaaliyaddu ka qaadan karto horumarinta dalka iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah.

 

           

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la kulmay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed iyo Taliyaha ayaa isla falanqeeyey hawlaha khuseeya labada hay’adood, waxayna xuseen muhiimadda ay u leedahay shaqada Ciidanka Asluubta hay’adaha garsoorka.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu Guddoomiyuhu u sameeyey.

Degmada Deyniile oo loo magacaabay guddoomiye cusub

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Cabdirahman Macalim Xuseen u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Dayniile ee G/Banaadir, waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Dayniile laga qaaday Mudane Omar Mohamud Mahadale.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dayniile Mudane Abdirahman Moalim Hussein, in uu mudnaan siiyo harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa ka mid noqday 54 guddoomiye oo ka socday xiriirrada kubadda cagta Afrika, kuwaas oo ka qayb galay shir istiraatiiji ah oo heerkiisu  sareeyo.

Shirkan muhiimka ah oo ka dhacay magaalada Vancouver ee dalka Canada, hordhacna u ah Shirweynaha 76-aad ee  FIFA Congress oo dhawaan furmi doona, ayaa waxaa si wadajir ah u hoggaaminayay Madaxweynaha CAF, Patrice Motsepe iyo Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino. Wuxuuna noqday madal hoggaamiyeyaasha kubadda cagta Afrika ay si toos ah ula falgalaan madaxda ugu sarreysa ee kubadda cagta caalamka.

Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray horumarinta qaab dhismeedka kubadda cagta, xoojinta hannaanka maamul wanaagga, iyo ka faa’iidaysiga fursadaha kobaca ee xiriirrada xubnaha ka ah CAF. Arrimahan ayaana qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu doonayo in lagu hormariyo kubadda cagta Afrika.

Ka qaybgalka  Guddoomiye Cali Shiine ee shirkan muhiimka ah, ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee go’aan-qaadashada kubadda cagta caalamka, iyo dadaallada istiraatiijiga ah ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ugu jiro inuu ka dhex muuqdo hay’adaha CAF iyo FIFA.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 k𝐚 q𝐚𝐲𝐛 g𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay munaasabadda daahfurka Istaraatiijiyadda Tallaalka Qaaradda Afrika oo ay hoggaaminaysay Hay’adda Africa CDC.

Kulanka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayuu Wasiirku kusoo bandhigay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka gaartay xoojinta adeegyada tallaalka iyo horumarinta caafimaadka bulshada sanadihii u dambeeyay, waxa uu si gaar ah u xusay dhismaha Guddiga Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabeysha, oo uu guddoomiye ka yahay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamza Cabdi Barre, taas oo muujinaysa sida ay Dowladda uga go’an tahay ciribtirka cudurrada laga hortagi karo.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in heerka Tallaalka dalka uu gaaray 76%, taas oo ka tarjumaysa mudnaanta weyn ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso caafimaadka shacabka, gaar ahaan adeegyada tallaalka carruurta iyo bulshada nugul.

Mudane Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay dadaallada Dowladda ee ku aaddan kordhinta maalgelinta gudaha ee adeegyada caafimaadka, isaga oo xusay in barnaamijyada tallaalka lagu daray qoondada miisaaniyadda dowladda si loo xaqiijiyo joogteynta adeegyada aas-aasiga ah ee caafimaadka.

Wasiirka ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee ay bixiyaan bahwadaagta caafimaadka, gaar ahaan Gavi, the Vaccine Alliance, oo door weyn ka qaadata hubinta in carruurta Soomaaliyeed helaan tallaallada badbaadada nolosha.

Wasiirka ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta barnaamijyada tallaalka, kor u qaadidda caafimaadka bulshada iyo ka qayb qaadashada dadaallada heer qaaradeed ee lagu horumarinayo nidaamyada caafimaadka Afrika.

Wasiirka deegaanka oo shir muhiim ah uga qaybgalay Ethiopia

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay kalfadhiga SDG6 ee madasha ARFSD12, isagoo diiradda saaray saameynta isbeddelka cimilada iyo helitaanka biyo nadiif ah.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in caqabadaha sida isbeddelka cimilada, kororka magaalooyinka, iyo maalgelin la’aanta ay si weyn u saameeyeen sugnaanta biyaha ee Afrika, taasoo caqabad ku ah horumarka waara. Wuxuu adkeeyay baahida loo qabo xoojinta adkeysiga bulshada si loola tacaalo khatarahaas.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in helitaanka biyo nadiif ah uu si toos ah ugu xiran yahay awoodda bulshooyinka ee la qabsiga isbeddelka cimilada, taas oo muhiim u ah nolosha iyo horumarka guud.

Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah iyo maalgelinta, si loo xaqiijiyo yoolka SDG6 ee ah in dhammaan bulshada helaan biyo nadiif ah oo la isku halleyn karo.

     

Booliska oo Bulshada ka wacyigelinaya Maan-dooriyaha

Waxaa maanta Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir lagu qabtay kulan dood-wadaag ah oo ku saabsanaa la-dagaallanka maandooriyaha, doodaas oo ay dhex martay bulshada iyo Booliska.

Hoggaanka Xiriirka Bulshada oo soo qabanqaabiyey barnaamijkan ayaa himiladiisu ahayd diyaarinta qorshe lagula dagaallamo maandooriyaha, oo isticmaalkiisu aad ugu faafay dhallinyarada Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliye ku-xigeenka Qeybta Waliyow Cadde, Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Bulshada, Guddoomiyaha Degmada Waaberi iyo bulshada degmada Waaberi.

      

Shirka Taliyaasha Sirdoonka wadamada Bulshada Bariga Afrika oo Muqdisho ka furmay

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si rasmi ah u daahfuray shirka Taliyayaasha Talisyada Sirdoonka ee wadamada ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo socon doona 29–30 Abriil 2026.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha amni ee wadamada Bariga Afrika iyo guud ahaan gobolka, iyadoo la isla falanqeynayo caqabadaha jira iyo xoojinta iskaashiga sirdoonka.

Taliyaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, xaaladda guud ee gobolka, iyo muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta sirdoonka. Sidoo kale, waxa uu xusay horumarka laga gaaray dib-u-habaynta iyo soo kabashada Ciidanka XDS.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa uga mahadceliyay wufuudda ka soo qeyb gashay shirka, isagoo u rajeeyay in uu noqdo mid miro-dhal ah oo laga gaaro natiijooyin wax ku ool ah.

             

Wasiirka arrimaha Dibadda oo wadahdal Teleefoon la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jordan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa wada hadal dhanka telefoonka ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Boqortooyada Haashimiyadeed ee Jordan Mudane Ayman Safadi.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xaaladaha gobolka iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo xasilloonida, iyagoo sidoo kale dib u eegay xiriirka laba geesoodka ah, isla markaana waxa ay isla qaateen muhiimada ballaarinta iskaashiga dhinacyada la dagaallanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, iyo maalgashiga.

Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Jordan, iyagoo adkeeyay muhiimadda wadahadal joogto ah iyo iskaashi dhow, si loo horumariyo wada shaqeyn wax ku ool ah oo ku saabsan qeybaha mudnaanta leh, loona wajaho caqabadaha wadajirka ah ee saameeya xasilloonida gobolka iyo kobaca dhaqaalaha.

In ka badan 20 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Shabeellaha Hoose, Arbaco, 29 Abriil 2026: — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa 72-dii saac ee la soo dhaafay fuliyay hawlgal qorshaysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose,kuwaasi oo lagu beegsaday Xubno ka mid ahaa Khawarijta.

Hawlgalka oo isugu jiray dagaal toos ah iyo duqeyn, ayaa ka dhacay Deegaanka Buulo Cabdalla oo u dhexeeya Mubaarak iyo Ugunji, waxaana lagu dilay 22 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta oo uu ku jiray Horjoogihii Maleeshiyaadkaas, Cabdiraxmaan Jeeri, oo caan ku ahaa dhibaateynta Dadka Rayidka ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka waxaa ka go’an in la sii laba-jibbaaro howlgallada noocan oo kale ah, si loo ciribtiro haraadiga Khawaarijta—loona sugo Amniga guud ee Dalka.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhiga  waxay uga mahadcelinaysaa saaxiibbada caalamka taageerada ay siiyaan hawlgallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.