Booliska oo Bulshada ka wacyigelinaya Maan-dooriyaha

Waxaa maanta Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir lagu qabtay kulan dood-wadaag ah oo ku saabsanaa la-dagaallanka maandooriyaha, doodaas oo ay dhex martay bulshada iyo Booliska.

Hoggaanka Xiriirka Bulshada oo soo qabanqaabiyey barnaamijkan ayaa himiladiisu ahayd diyaarinta qorshe lagula dagaallamo maandooriyaha, oo isticmaalkiisu aad ugu faafay dhallinyarada Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliye ku-xigeenka Qeybta Waliyow Cadde, Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Bulshada, Guddoomiyaha Degmada Waaberi iyo bulshada degmada Waaberi.

      

Shirka Taliyaasha Sirdoonka wadamada Bulshada Bariga Afrika oo Muqdisho ka furmay

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si rasmi ah u daahfuray shirka Taliyayaasha Talisyada Sirdoonka ee wadamada ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo socon doona 29–30 Abriil 2026.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha amni ee wadamada Bariga Afrika iyo guud ahaan gobolka, iyadoo la isla falanqeynayo caqabadaha jira iyo xoojinta iskaashiga sirdoonka.

Taliyaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, xaaladda guud ee gobolka, iyo muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta sirdoonka. Sidoo kale, waxa uu xusay horumarka laga gaaray dib-u-habaynta iyo soo kabashada Ciidanka XDS.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa uga mahadceliyay wufuudda ka soo qeyb gashay shirka, isagoo u rajeeyay in uu noqdo mid miro-dhal ah oo laga gaaro natiijooyin wax ku ool ah.

             

Wasiirka arrimaha Dibadda oo wadahdal Teleefoon la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jordan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa wada hadal dhanka telefoonka ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Boqortooyada Haashimiyadeed ee Jordan Mudane Ayman Safadi.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xaaladaha gobolka iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo xasilloonida, iyagoo sidoo kale dib u eegay xiriirka laba geesoodka ah, isla markaana waxa ay isla qaateen muhiimada ballaarinta iskaashiga dhinacyada la dagaallanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, iyo maalgashiga.

Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Jordan, iyagoo adkeeyay muhiimadda wadahadal joogto ah iyo iskaashi dhow, si loo horumariyo wada shaqeyn wax ku ool ah oo ku saabsan qeybaha mudnaanta leh, loona wajaho caqabadaha wadajirka ah ee saameeya xasilloonida gobolka iyo kobaca dhaqaalaha.

In ka badan 20 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Shabeellaha Hoose, Arbaco, 29 Abriil 2026: — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa 72-dii saac ee la soo dhaafay fuliyay hawlgal qorshaysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose,kuwaasi oo lagu beegsaday Xubno ka mid ahaa Khawarijta.

Hawlgalka oo isugu jiray dagaal toos ah iyo duqeyn, ayaa ka dhacay Deegaanka Buulo Cabdalla oo u dhexeeya Mubaarak iyo Ugunji, waxaana lagu dilay 22 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta oo uu ku jiray Horjoogihii Maleeshiyaadkaas, Cabdiraxmaan Jeeri, oo caan ku ahaa dhibaateynta Dadka Rayidka ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka waxaa ka go’an in la sii laba-jibbaaro howlgallada noocan oo kale ah, si loo ciribtiro haraadiga Khawaarijta—loona sugo Amniga guud ee Dalka.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhiga  waxay uga mahadcelinaysaa saaxiibbada caalamka taageerada ay siiyaan hawlgallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Kenya ee u fadhiya Dalka Soomaaliya

Muqdisho, Arbaco, 29 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Kenya u qaabilsan Dalka Soomaaliya, Mudane Cyprian Kubai Iringo, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga Labada Dal, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarinta xiriirka Diblomaasiyadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro Kooxaha Khawaarijta, iyo Horumarka laga sameeyay sugidda Amniga guud ee Dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan amniga xuduudaha iyo ilaalinta danaha ay wadaagaan labada dal.

Danjire Cyprian Kubai Iringo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda diirran, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Kenya xoojinta wada-shaqeynta labada dal, si loo sugo Amniga loogana hortago khataraha Argagixisada.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Safiir Ku-xigeenka Kenya Mudane Ilyaas Barre Shiil.

     

 

Wasiirka Warfaafinta ee XFS oo Kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya 29-ka April 2026 — Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyadoo labada mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada Warbaahinta, Dhaqanka iyo Fanka.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Danjiraha uga mahadceliyey doorka muhiimka ah ee Dowladda Shiinaha ay ka qaadato taageerada Madax-Bannaanida, Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u xusay Mashaariicda horumarineed ee Shiinaha ay ka taageerto Dalka.

Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta Iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka, gaar ahaan taageerada Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, oo ah astaan muhiim u ah kobcinta Fanka iyo ilaalinta Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Hay’adaha Warbaahinta labada dal, is-weydaarsiga Khibradaha Xirfadeed, Tababaridda Suxufiyiinta iyo Horumarinta kaabeyaasha Warbaahinta, si loo taageero dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhanka Wacyigelinta Bulshada, xoojinta Midnimada Qaranka iyo Horumarinta Warbaahin Casri ah oo wax ku ool ah.

Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa faahfaahin ka bixiyey Mashaariicda kala duwan ee Dowladda Shiinaha ay ka fuliso Soomaaliya, oo ay ku jiraan taageerada Bani’aadannimo iyo Mashaariic Horumarineed oo door muhiim ah ka qaata Dib-u-dhiska Dalka. Waxa uu sidoo kale caddeeyey sida ay Dowladda Shiinaha uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga labada Dal ee dhinacyada Warbaahinta, Dhaqanka iyo Fanka, si loo xoojiyo xiriirka Saaxiibtinimo iyo iskaashi ee soo jireenka ah ee u dhexeeya Labada Dal.

Ugu dambayn, Labada Mas’uul ayaa isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta Mustaqbalka ee dhinacyada Warbaahinta iyo Dhaqanka, si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha loona taageero Horumarka Bulshada Soomaaliyeed.

   

Hogaamiyaha KM Koonfur Galbeed oo Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi Heerkiisu sareeyo oo ka socda Qaramada Midoobay

Baydhabo – 29 Abriil 2026: Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah, Mudane Tom Fletcher, oo booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada Gargaarka Bani’aadannimo, wax ka qabashada saameynta Abaaraha, iyo taageerada Dadka barakacay ee ku nool Deegaanada Koonfur Galbeed.
Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Mudane Jibriil uga mahadceliyay Qaramada Midoobay doorka muuqda ee ay ka qaadato taageerada Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay baahida loo qabo in la kordhiyo gurmadka degdegga ah iyo mashaariicda horumarineed ee wax ka tari kara xaaladaha Bani’aadannimo ee sii kordhaya.
Tom Fletcher ayaa adkeeyay sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan xaaladaha nugul.
Waxa uu tilmaamay in booqashadiisu ay qayb ka tahay qiimeyn lagu sameynayo baahiyaha dhabta ah ee ka jira goobaha ay saameeyeen Abaaraha iyo colaadaha, iyada oo kulankan hogaamiye jibriil ay kala qeyb galeen Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada.
     

“Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala

Koofur Galbeed, waxaa ka socda hardan Dimuquraadi ah oo aad u xoog badan, kaas oo ay ku baratamayaan dhamaan daneeyayaasha Doorashooyinka isku sidkan.
Waxaa jooga Siyaasiyiin iska soo horjeeda, waxaa jooga dhamaan Ururada Siyaasadeed ee diiwaan gashan, waxaa jooga taageerayaal ka kala yimid Soomaaliya oo dhan oo kala taageeraya Tartamayaasha.
Qof iyo koox kasta si aan cabsi lahayn ayuu u ololaynayaa, una taageerayaa cidda uu doono.
Baydhabo, Hoteellada iyo Xaafadaha waa mashquul, waxaana meel kasta ka socda Shirar iyo abaabul iska soo horjeeda oo Nabad ah.
Rajo cadaaladeed, sinaan iyo xorriyad ayay dareemayaan dhinacyada oo dhan.
Majirto koox Siyaasadeed oo afkaar iyo aragti ay qabto uga maqan Baydhabo ama xitaa aan qayb ka ahayn hardanka Siyaasiga ah ee socda.
Qaar badan oo ka mid ah Siyaasiyiinta isku kooxaha ah ama kala kooxaha ah ee Baydhabo wada jooga wax ka yar Labo bilood ka hor qoryo ayay isku siteen, ismana salaamaynin haddii ay iska soo hor baxaan, balse Maanta si Nabad ah, xorna ah ayay kuraasta ugu tartamayaan.
Dhacdooyinka Koonfur Galbeed, waxeey dirayaan dhawr fariimood.
1- Waxa ay si cad u muujinayaan nooca Doorasho ee muddo dheer Dawladdu ay Dadka Soomaaliyeed u balanqaadaysay.
2-Waxa ay beeninayaan doodihii kuwa mucaaradsan Dawladda ee isku dayayay in ay marin habaabiyaan Bulshada, Dawladana sumcad xumeeyaan.
3- Waxa ay rajo iyo yididiilo galinayaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee dib u helaya xuquuqdooda ah in ay iyagu go’aamiyaan mustaqbalkooda.
4- Waxa ay fursad iyo rajo siinayaan dhamaan Siyaasiyiinta danaynaya in ay kartidooda ku tartamaan, si ay talada Dalka uga qayb galaan.
5- Waxa ay cuqdada iyo cabsida ka saarayaan Dadka isku deegaanka ah, balse kala aragtida ah, kuwaaas oo horay ugu soo joogay in aragtidooda darteed loo xiray ama loo xannibay.
Fiiro Gaar ah (FG): Sawirada ku lifaaqan halkaan hoose, waxaa ka muuqda qaar ka mid ah Musharaxiinta Xilka Hogaamiyaha Koofurgalbeed, kuwaas oo ah ”Labeenta Deegaanka, waxaa kale oo ka muuqda hogaamiyayaasha iyo taageerayaasha Ururada Siyaasadeed ee diiwanagashan, kuwaas oo kala taageeraya Musharaxiinta tartamaya.
Dalkeenna rajo iyo iftiin ayaa ka hor muuqda, Amniga ayaa soo hagaagaya, Dhaqaalaha ayaa dhismaya, Sumcadda Dawladda ayaa sare u kacaysa, talada ayaa Shacabka u dhawaanaysa.
Waxaan muddanahay dhamaanteen in aan horay u socono, Alle ku tiirsano, cabsida yarayno, kalsoonina ku hawlgalno – Alle ayaa leh mahad oo dhan.
Waxaa qoray, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala)
    

Marwada Madaxweynaha oo dhiirrigelin u samaysay Carruur agoon ah

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sahro Cumar Xasan ayaa maanta booqasho ku tagtay deegaanka Jaziira, halkaas oo ay qado ugu sameysay carruur agoon ah oo ay iyadu gacanta ku hayso.

Booqashadan ayaa ahayd mid muujineysa naxariis iyo garab istaag ay Maamo Sahro u fidisay carruurta, iyadoo si gaar ah ula qaadatay waqti ay kula kulanto, ugana waraysato xaaladooda.

Intii ay munaasabaddu socotay kooxda fanka ee Hiddo ayaa halkaas ka qaaday hees si qoto dheer uga hadleysa dareenka hooyonimo ee Maama Sahra Cumar Xasan iyo kaalinta weyn ee ay ka qaadatay daryeelka iyo gacan ku haynta carruurta agoonta ah.

          

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la kulmay Danjiraha Shiinaha

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Muqdisho H.E. Wang Yu, iyagoo ka wada hadlay qalabaynta xabsiyada, horumarinta isgaarsiinta iyo tababaridda saraakiisha Ciidanka Asluubta.

Sidoo kale, labada masuul ayaa isla soo qaaday taageerada agoonta ku jirta xarunta degmada Afgooye oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.