Wasiir dowlaha arrimaha dibadda oo qaabilay wafdi ka socda Hawlgalka UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday Hawlgalka Kala-guurka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Madaxa Hawlgalka, Mudane Raisedon Zenenga.

Wasiiru-dowlaha ayaa wafdiga u sheegay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta hay’adaha dowladda, si loo dardargeliyo horumarka, nabadda iyo xasilloonida dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale muujiyey sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta joogtada ah, si loo hubiyo in taageerada caalamiga ah ay la jaanqaaddo mudnaanta qaran ee Soomaaliya, isla markaana ay gacan ka geysato xasillooni iyo horumar waara.

  

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay wakiilka UNICEF ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr Maryam Qasim, ayaa maanta kulan la qaadatay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf, si loo xoojiyo iskaashiga iyo wadashaqeynta u dhexeeysa Guddiga iyo UNICEF.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda carruurta iyo xoojinta nidaamyada qaran ee lagu daryeelo laguna dhowro xuquuqdooda.

Marwo Sandra Lattouf oo soo dhoweysay kulanka, ayaa muujisay in hey’adda UNICEF ay diyaar u tahay taageeridda hay’adaha qaran si loo xoojiyo ilaalinta carruurta loona kobciyo isla-xisaabtanka.

Ugu dembayn Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Xaquuqul Insaanka Dr Maryam Qasim ayaa adkaysay sida ay uga go’an tahay Guddiga ilaalinta xuquuqda carruurta si aan loogu koobin aragti iyo ballan-qaad.

 

Hoggaamiyaha KMG ee Koofur Galbeed oo qaabilay Musharax Madaxweyne Cabdicasiis Jawaari

Baydhabo (Wargeyska Dalka): Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Musharax Madaxweyne Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Kulankan ayaa ahaa wadatashi siyaasadeed iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda guud ee siyaasadeed, geeddi-socodka Doorashooyinka iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wadajirka iyo xasilloonida Deegaannada.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa soo dhoweeyay Musharaxa, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Doorashooyinka ay ku dhacaan jawi hufan, Caddaalad ah, isla markaana waafaqsan Shuruucda Dalka.

Musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran, wuxuuna carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada Horumarinta Dowladnimada, Nabadda, iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee Hoggaamiye Jibriil ku xoojinayo wadatashiyada siyaasadeed iyo diyaar garowga Doorashooyinka Dalka.

     

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo qaabilay Wafdi ka socda UN Women

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UN Women, oo ay hoggaaminaysay Marwo Anna Mutavati, Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee UN Women.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo UN Women, gaar ahaan horumarinta doorka Haweenka ee hoggaaminta, ka qeybgalka Siyaasadda, iyo kobcinta barnaamijyada taageera Xuquuqda Haweenka iyo Gabdhaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey UN Women dadaallada ay ku taageerayaan Haweenka Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii laba jibbaaro taageerada la xiriirta horumarinta Haweenka, si ay door muuqda uga qaataan dhismaha Dowladnimo iyo Nabadda Dalka.

Dhankeeda, Marwo Anna Mutavati, ayaa bogaadisey horumarka ay Dowladdu ka sameyneyso Arrimaha Haweenka, waxayna ballan-qaadeen in ay sii xoojinayaan wada shaqeynta iyo taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Isku-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Marwo Aminakeyf Ahmed.

    

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Cumaan, intii uu ku guda jiray safarkiisa rasmiga ah ee uu ku tagay Saldanada Cumaan, halkaas waxaa ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Cumaan, Mudane Bashiir Xasan Xaaji.

Intii uu Wasiirka ku guda jiray booqashada, waxa uu la kulmay Shaqaalaha Safaaradda, waxa uu dib u eegis ku sameeyay howlaha diblomaasiyadeed iyo adeegyada qunsuliyadeed, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, isla markaana ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista hufnaanta, xirfadda, iyo bixinta adeegyo waqtigooda ku habboon oo loo fidiyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiir Cabdisalaan waxa uu faray in la sameeyo horumarin gaar ah oo ku saabsan xaaladaha shaqada, iyo heerarka adeegyada, taas oo qayb ka ah ajandaha ballaaran ee Wasaaradda kaas oo lagu casriyeynayo Safaaradaha Soomaaliya, si ay u matalaan danaha Qaranka isla markaana u bixiyaan adeegyo la isku halayn karo oo diiradda saaraya Muwaadiniinta ku nool Dalka.

Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan oo Diiwaangalinta Codbixiyaasha ka bilaabay Deegaanka Galbarwaaqo ee Gobolka Mudug

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan iyo Soohdimaha Qaranka ayaa Maanta Diwaangalinta Codbixiyaasha ka bilaabay Deegaanka Galbarwaaqo ee Gobolka Mudug oo ka tirsan Degmada Hobyo.

Maamulka iyo qeybaha Bulshada ayaa saaka saf u galay Diwaangalinta Codbixiyaasha oo u diyaar garoobaya Doorashooyinka Qof iyo Codka alle Idinkii.

Guddiga Doorashooyinka ayaa wada dardargalinta Diwaangalinta Codbixiyaasha Deegaanada hoos yimaada Degmada hobyo.

      

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Casho Sharaf ku maamuusay Duubabka Dhaqanka Soomaaliyeed

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad Casho Sharaf ah oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay Duubabka Dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaasi oo isaga yimid guud ahaan Dhulka soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Odayaasha Dhaqanka ku bogaadiyey doorkooda togan ee nabadeynta, dib u heshiisiinta, Dowlad-Dhiska iyo ilaalinta Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ayaa la wadaagay guulaha ay Dowladdu ka xaqiijisay dhinacyada Amniga, dimuquraadiyeynta, Dowlad-Dhiska iyo daadejinta Maamulka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in aan marnaba laga tanaasuli karin in Shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo awoodda Doorashada hoggaamiyeyaashooda siyaasadda, isaga oo ku booriyay Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan hirgelinta Doorashooyinka loo dhanyahay ee Qof iyo Cod, si loo xaqiijiyo matalaad dhab ah iyo hannaan dimuqraadi ah oo hufan.

“Waxaan ku adagnahay oo aan marnaba laga tanaasulikarin in Dadka soomaaliyeed ay helaan Xuquuqdooda Dastuuriga ee Doorashada hoggaamiyaha ay doonayaan 57 sano kaddib. Doorashooyinkii aan loo dhammeyn ee Dalka kasoo dhacay waxaan ka dhaxalnay dhibaatooyin badan oo Amni-darro ugu horreysay”.

Dhankooda, qaar ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey Casuumaadda iyo Maamuuska uu siiyey ayaa ku bogaadiyay guulaha muuqda ee laga gaaray Amniga, dagaalka Khawaarijta, dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha, dimuquraadiyeynta iyo daadajinta Maamulka.

                           

Muxuu yahay Barnaamijka muhiimka ah ee Muqdisho ka daahfurtay Wasaaradda Qoyska XFS

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa Maanta magaalada Muqdisho ku daah furtay Mashruuca Barnaamijka Wadajirka Nabadda iyo Ilaalinta Haweenka ee (WPP-II), kaas oo socon doona muddo laba sano ah.

Waxaa kulanka daah furka kalmado ka jeediyay Goerge Conwey Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna Iskuduwaha Bani’aadannimada iyo Deegaanka ee Xafiiska Qaramada Midoobey Marwo Anna Mutavati, Isuduwaha Bariga iyo Koonfurta Qaaradda Afrika ee Hay’adda UN Women, Madaxa Hay’adda UNDP Mr Lionel Laurens, Madaxa Barnaamijyada Hay’adda UN Women Marwo Rukia, Wasiiradda Haweenka ee DXDFS iyo Marwo Sahra oo ku hadashay magaca bulshada Rayidka, waxaana si rasmi ah u daah furay Mashruuca Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-makhsuumi.

Mashruuca Maanta la daahfuray ayaa loogu tagalaglay in wax looga qabto guud ahaan xaqiijinta Horumarinta Arrimaha Haweenka iyo in la xoojiyo ka-qaybgalka Haweenka ee Nabad-Dhisidda, Hoggaaminta, iyo go’aan qaadashada. Sidoo kale Mashruucu wuxuu diiradda saarayaa in Haweenka lagu taageero dhaqangelinta Sharuuc, siyaasado iyo hannaan nabadeed oo ka dhigaya ka-qaybgalkooda mid muuqda oo wax ku ool ah, si loo helo Nabad waarta iyo Bulsho loo wada dhanyahay.

Mashruucan waxaa hoggaamineysa Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay fulinayaan UN Women iyo UNDP, isla markaana ay taageerada farsamo ay bixinayso UNTMIS, waxaana Wajigiisa labaad ee Mashruucan uu ka dhashay casharradii iyo guulihii laga bartay wejigii koowaad, waxaana lagu xoojinayaa isku-duwidda hawlaha muhiimka ah ee ku saabsan Horumarinta Arrimaha Haweenka ee heer federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, iyadoo kor loo qaadayo doorka Haweenka iyo adkaynta nidaamyada ilaalinta iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka.

Dhinaca kale Mashruucan waxaa uu si toos ah u gaari doonaa 6,000 oo Qof, halka saameyntiisa guud ay gaari karto ilaa 42,000 oo Qof, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo, gabdhaha, Dumarka Naafada ah, Dadka laga tirada badan yahay, iyo Barakacayaasha.

Mashruuca Waxaa laga fulin doonaa guud ahaan Dalka oo dhan muddo 24 bilood ah, taas oo ka dhigaysa Mashruuc leh saameyn Qaran oo xooggan oo kuna wajahan Nabad, Caddaalad, iyo xoojinta Xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed.

    

Guddiga Dooorashooyinka Qaranka oo soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan Doorashooyinka K/Galbeed

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray Warsaxaafadeed ku saabsan kordhinta muddada kama-dambeysta ah ee soo gudbinta Liisaska musharaxiinta iyo cayimidda Maalinta Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Muscat kula kulmay hoggaanka sare ee ASYAD

Muscat,(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali ayaa magaalada Muscat ee Dalka Cumaan kula kulmay hoggaanka sare ee Kooxda ASYAD oo ay ka wada hadleen iskaashi horumarineed oo dhexmara labada Dal.

Wasiirka iyo Wafdigiisa, waxaa  qaabilay Agaasimaha Guud ee ASYAD, Cumar bin Maxamuud Al-Mahrazi, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale oo sare, waxayna wadahadalladooda diiradda ku saareen iskaashi ku saabsan horumarinta Dekadaha, saadka isku dhafan, iyo maalgashi la jaanqaadaya mudnaanta Dhaqaale ee Soomaaliya.

Labada dhinac, waxay sidoo kale ka wada hadleen fursado wax ku ool ah oo lagu kordhin karo waxqabadka Dekedaha, lagu xoojin karo isku xirka Ganacsiga, isla markaana looga faa’iidaysan karo awoodda Badda ee Soomaaliya, iyada oo la tixgelinayo meesha istaraatiijiga ah ee ay kaga taallo isku xirka Badda Cas, Gacanka, iyo Bariga Afrika.

Kooxda ASYAD ayaa muujisay diyaar garow ay ku gelayso iskaashi farsamo iyo qaabab maalgashi oo nidaamsan.

Kulankan wuxuu muujinayaa dadaalka joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay noqoto xarun marin-badeed oo tartan leh oo heer Gobol ah, iyadoo iskaashiyada istaraatiijiga ah loo rogo horumar muuqda oo dhinaca kaabayaasha iyo kobaca Dhaqaalaha ah, si waafaqsan ajandaha Diblomaasiyadda Horumarka.