Duqa Magaalada Muqdisho oo la kulmay Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨,(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka Drs. Maryan Qaasim iyo Xubno ka tirsan Guddiga oo booqasho gogol-xaar u ah wada-shaqeyn ku soo gaaray Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa Xubnaha Guddiga ugu hambaliyeeyay magacaabista iyo ansixintooda oo uu ku tilmaamay miro-dhalka dadaal muddo dheer soo socday oo lagu hawlgelinayay Guddigan oo ah mid baahi weyn loo qabo, wuxuuna ballanqaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu si joogta ah ula shaqeyn doono Guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Drs. Maryan Qaasim ayaa ka mahadnaqday soo-dhawaynta kal-furnaanta leh ee ay kala kulmeen Duqa Magaalada, iyadoo caddeysay in booqashadooda ay billow u tahay wada-shaqaynta ay Hay’adaha Dawladda la sameynayaan oo ay ku soo hormareen Maamulka Gobolka Banaadir maadaama ay Caasimaddu tahay Xaruntii uu Guddigu ku hawlgalayay.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka Mudane Maxamed Haaruun, Xubnaha Guddiga oo ay ka mid ahaayeen Mudane Farxaan Maxamed Jimcaale, Mudane Cali Cilmi, Agaasimaha Guud ee Guddiga Mudane Mustafa Maxamuud, iyo Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Cabdullahi Dhaaley.

    

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojinaya iskaashi ku aaddan horumarinta Khayraadka dabiiciga ah

Beijing (Wargeyska Dalka):- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa kulan wax-ku-ool ah la qaadatay Masuuliyiinta Hay’adda Sahanka Juqraafiyeed ee Shiinaha (China Geological Survey), oo ah Hay’ad Qaran oo hormuud ka ah daraasaadka Dhulka, xogta Juqraafiyeed iyo maamulka Khayraadka dabiiciga ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada Dal, gaar ahaan dhinacyada Tababarrada, kobcinta xirfadaha, is-dhaafsiga aqoonta farsamo iyo dhismaha awoodda Hay’adaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Khayraadka dabiiciga ah iyo Deegaanka.

Hay’adda China Geological Survey ayaa door muhiim ah ku leh taageeridda Dalalka Afrika, iyada oo ka gacan siisa maaraynta Dhulka, qorsheynta Magaalooyinka, sugnaanta Biyaha Dhulka hoostiisa mara, la tacaalidda Abaaraha soo noqnoqda iyo yaraynta khataraha dabiiciga ah. Sidoo kale, Hay’addu waxay qayb ka tahay hirgelinta hindisaha Belt and Road Initiative, oo lagu xoojinayo kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo iskaashiga horumarineed ee Caalamiga ah.

Danjire Dr. Hodan Osman Abdi ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda ay Soomaaliya siinayso dhismaha Hay’ado awood leh iyo diyaarinta Khubaro Soomaaliyeed oo leh xirfado sare, si ay uga faa’iidaystaan fursadaha horumarineed ee Caalamka. Waxay sidoo kale muujisay baahida loo qabo iskaashi wax ku ool ah oo ka taageera Soomaaliya maamulka Dhulka, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, la qabsiga isbeddelka Cimilada iyo kor u qaadidda tayada adeegyada Dowladeed.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada sii xoogeysanaya ee lagu ballaarinayo xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo xoogga la saarayo aqoonta, farsamada iyo horumar waara

    

 

Dowladaha Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinayo iskaashiga dhinacyada Gaadiidka iyo Isgaarsiinta

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Muscat kulan kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Macluumaadka ee Cumaan Said bin Hamoud Al Maawali.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada Gaadiidka, Isgaarsiinta, iyo Tiknoolajiyadda macluumaadka (ICT) si loo horumariyo isku xirnaanta labada dal, loona taageero isbeddelka dhijitaal ah ee Soomaaliya, isla markaana loo dardargeliyo horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

Labada Wasiir waxay isla qaateen in la sii xoojiyo loona qoto dheereeyo iskaashiga Hay’adaha, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay fududeynta ka qaybgalka Ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo xoojinta wada shaqeynta farsamo, taas oo lagu doonayo in lagu gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo la jaanqaadaya himilada Soomaaliya ee ah inay noqoto xarun ganacsi, isku xirnaan iyo hal-abuur dhijitaal ah oo Gobolkaa.

        

Guddiga Doorashooyinka oo Magaalada Afgooye ka furay Tababar Howl-Wadeennada Doorashooyinka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka daah-furay Tababar loogu talagalay Howl-Wadeennada ka shaqeyn doona Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee la qorsheynayo in ay ka qabsoomaan Degmadaasi.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray tayeynta Aqoonta iyo Xirfadaha Howl-Wadeennada, iyadoo la barayo habraacyada muhiimka ah ee Doorashooyinka, sida diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, maareynta goobaha Codbixinta, habka tirinta Codadka iyo ilaalinta hufnaanta iyo daahfurnaanta geeddi-socodka Doorashada.

Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa horey u shaaciyay in dhawaan ay si isku xiran uga bilaaban doonaan Doorashooyin ka dhaca Dowlad-Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo la dardargelinayo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Dalka.

    

W/ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud QM ee Arrimaha Gargaarka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa Maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Tom Fletcher Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo.

Soo dhoweyntan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle. Wafdigan ayaa ka qeyb galaya wadahadallo ku saabsan baahiyaha Bani’aadannimo ee Dalka ka jira, hormarinta Gargaarka iyo Maalgelinta.

Mudane Tom Fletcher booqashadiisa Soomaaliya waxay socon doontaa  27-ka Abriil ilaa    1-da May, waxaana lagu wadaa inuu booqasho ku tago Magaalada Baydhabo, isaga oo u kuurgali doona xaaladaha Bani’aadannimo ee ka jira halkaas.

     

Shir lagu heshiisiinayo Beelo ku dagaallamay Gobolka Mudug oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay Shir ballaaran oo lagu heshiisiinayo Beelo walaalo ah oo hore ugu dagaallamay Gobolka Mudug, kaas oo ay ka qeybgaleen Siyaasiyiin, Isimada Dhaqanka, Cuqaal, Saraakiil Ciidan, Aqoonyahanno, Dhallinyaro iyo Haween ka kala socday Beelaha daga Galbeedka Mudug.

Shirkan oo muhiim ah ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi,iyadoo gogosha uu dhigay Xildhibaan/Wasiir Maxamed Faarax Nuux.

Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira nabadeynta, dib-u-heshiisiinta, xoojinta wada noolaanshaha Bulshada, iyo horumarinta deegaanada ay wada degaan labada Beelood.

Sidoo kale, kulanka ayaa xoogga lagu saaray dardargelinta iskaashiga Bulshada, xoojinta amniga, ka hortagga colaadaha soo noqnoqda, iyo kor u qaadidda wada shaqeynta dhinacyada Dhaqanka, siyaasadda iyo Amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo ka soo jeeda labada Beelood ayaa door muuqda ka qaatay kulanka, iyagoo si wadajir ah ugu baaqay in la ilaaliyo Nabadda, lana xoojiyo Midnimada iyo is-aaminaadda Bulshada.

Dhankooda, Isimada Dhaqanka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xalinta khilaafaadka iyadoo loo marayo wada hadal iyo isfaham joogto ah, halka Saraakiisha ciidamada iyo hay’adaha amniga ay ballanqaadeen inay ka shaqeyn doonaan sugidda Amniga iyo taageeridda dadaallada Nabadeed.

Gabagabadii, dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay Shirka ayaa isla qaatay is-afgarad buuxa iyo qodobo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo Nabad waarta, xasillooni, iskaashi Bulsho iyo horumar ka hirgala deegaanada ay wada degaan Beelaha Leelkase iyo Sacad.

      

Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha XFS oo soo gebogebeysay wejiga 2-aad ee watashiga Qaran

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay wejigii labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga.

Wejigan labaad waxaa lagu qabtay magaalada Laascaanood ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, iyo magaalada Gaalkacyo.

Soo gabagabeynta, wejigan waxay tallaabo muhiim ah u tahay sidii ajandaha Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga, oo saldhiggiisu yahay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2250, loogu turjumi lahaa waaqica Soomaaliya iyo baahiyaha dhabta ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wadatashiyadani waxay muujiyeen in dhallinyaradu aysan ahayn oo keliya ka faa’iideystayaal, balse ay yihiin go’aan curiyayaal muhiim ah oo kaalin muuqata ka qaadan kara ka hortagga colaadaha, nabadeynta, dib u heshiisiinta, ka qaybgalka bulshada, wada noolaanshaha, soo kabashada, iyo xasilloonida dalka iyaga oo aragtidooda iyo soo jeedimahooda lagu dhisayo Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga.

Wadatashiyadan ayaa isu keenay dhallinyaro iyo daneeyayaal muhiim ah si looga doodo doorka dhallinyarada ee nabadeynta, dib u heshiisiinta, xasilloonida deegaanka, shaqo abuurka, ka qaybgalka bulshada, isdhexgalka, amniga bulshada, iyo dowlad wanaagga heer deegaan iyo mid qaranba.

       

Taliyaha Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya oo lagu soo dhoweeyay Taliska Guud ee Ciidanka XD

Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Madeey Nuureey Sheekh (Ufurow), ayaa maanta Taliska Guud ee Ciidanka XDS ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Turkiga ee Soomaaliya, S/Gaas Kalkan Sebahattin.

Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo ay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta, gaar ahaan dhinacyada tababarka, tayeynta ciidanka, iyo horumarinta howlaha amniga.

Labada Taliye ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo door weyn ka qaadanaya dib-u-dhiska iyo kobcinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, S/Guuto Madeey Nuureey Sheekh (Ufurow) ayaa uga mahadceliyay S/Gaas Kalkan Sebahattin booqashada qiimaha leh ee uu ku yimid Taliska Guud, isagoo xusay in taageerada Dowladda Turkiga ay tahay mid muuqata oo wax ku ool ah.

         

Dowladaha Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinaya Iskaashiga Maalgashiga Istiraatiijiga ah

Muscat,(Wargeyska Dalka), Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay Magaalada Muscat Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan, Cabdulsalam bin Mohammed Al-Murshidi, si loo xoojiyo iskaashiga maalgashi ee u dhexeeya labada Dal.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo furi lahaa maalgashi ka imanaya Cumaan oo lagu sameeyo Soomaaliya, gaar ahaan qaybaha leh fursadaha sare sida Xoolaha, kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha badda (blue economy), duulista hawada, iyo Warshado kale oo istiraatiiji ah.

Waxaa sidoo kale la isla qaatay muhiimadda ay leedahay abuuridda jawi ku habboon iskaashi u dhexeeya Dowlad iyo ganacsiyo gaar loo leeyahay (public–private partnerships), iyo soo jiidashada maalgelin muddo dheer ah.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen dariiqooyin wax ku ool ah oo lagu gaari karo maalgashi nidaamsan, taasoo muujinaysa kalsoonida sii kordheysa ee Caalamku ku qabo dhaqaalaha Soomaaliya iyo doorka istiraatiijiga ah ee ay ka ciyaarto isku xirka Afrika iyo Khaliijka.

Kulankan wuxuu muujinayaa dadaalka joogtada ah ee Soomaaliya ay ugu jirto inay diblomaasiyadda Dhaqaale ka dhigto tiir muhiim u ah kobaca Qaranka, isla markaana ay iskaashiyada Caalamiga ah ugu beddesho maalgashi dhab ah oo la taaban karo.

      

Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed oo booqday fariisimaha CXD ay ku leeyihiin Magaalada Waajid ee Gobolka Bakool

Bakool(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin Magaalada Waajid ee Gobolka Bakool.

Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa Degmada Waajid ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS, kuwaas oo warbixin ka siiyay xaaladda Amni iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Ujeedka safarka Taliyaha ayaa ahaa dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Argagixisada iyo dhiirrigelinta geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo ku booriyay inay xoojiyaan dagaalada Dalka looga ciribtirayo Argagixisada.

Ugu dambeyntii, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan gaar ah la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Waajid, isagoo sidoo kale noqday taliyihii ugu horreeyay ee kormeer shaqo ku taga Magaaladaas.