Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS

Baydhabo(Wargeyska Dalka):- Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyay Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Wafdigan ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeeddada safarka Guddoomiyaha ayaa la xiriirta xoojinta wadatashiyada siyaasadeed iyo ka qeybgalka geeddi-socodka Doorashooyinka ka socda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadaama uu yahay Musharrax u taagan xilka Madaxweynaha maamulkaasi.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Maamulka uu ka go’an yahay qabsoomidda Doorashooyin hufan, xor ah oo waafaqsan Dastuurka, isla markaana ay soo dhoweynayaan dhammaan Musharraxiinta iyo daneeyayaasha siyaasadeed.

Dhankiisa, Mudane Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay Masuuliyiinta iyo Shacabka reer Baydhabo soo dhoweynta diirran, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada shaqeynta, Midnimada iyo xasilloonida siyaasadeed si loo gaaro horumar waara.

      

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona Doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa tababar u bilaabay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, Guddiga ayaa Tababarro la mid ah ka wada Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaas oo lagu diyaarinayo Shaqaale doorasho oo ka qeyb qaata hirgelinta habsami u socodka doorashooyinka

Tababarradan ayaa waxaa howl-wadeennada ka shaqeynayo Doorashooyinka lagu barayaa:-

Sida loo diiwaangeliyo Codbixiyeyaasha,Maareynta Goobaha codbixinta,Habka tirinta Cododka iyo
Ilaalinta hufnaanta iyo daahfurnaanta Doorashada

Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa hore u shaaciyay in dhawaan ay Doorashooyin isku sidkan ka bilaaban doonaan Deegaanada Dowlad-Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland.

Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo dadaal ugu jirto sidii Barakacayaasha Guryo loogu dhisi lahaa

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Kulan muhiim ah ku qabatay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, iyadoo la yeelatay Hay’adaha UN-Habitat iyo ADHI Africa Holding Ltd. Kulanka waxaa hoggaaminayay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) iyo Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo horumarinta xalka Guryo waara oo adkaysi leh, isla markaana dabooli kara baahiyaha Barakacayaasha gudaha, Qoysaska dakhligoodu hooseeyo, iyo Bulshooyinka nugul.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay sii waddaa dadaallada lagu dardargelinayo horumarinta Magaalooyinka iyo Miyiga, kor u qaadidda Kaabayaasha Dhaqaalaha, iyo hirgelinta qorsheyn loo dhan yahay si loo hubiyo helitaanka guryo ammaan ah oo la awoodi karo.

Kulankan wuxuu muujinayaa muhiimadda iskaashi mideysan oo u dhexeeya Dowladda, Hay’adaha Caalamiga ah, iyo Ganacsatada, si loo gaaro xal waara oo wax ku ool ah oo wax ka taraya baahiyaha Guriyeynta ee Bulshada.

     

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Screenshot

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in 17 dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen badda u dhexeysa Aljeeriya iyo Spain.

Gudoomiyaha ayaa xusay in ay hayaan sawirradooda, isla markaana ka codsaday eheladooda in ay la soo xiriiraan.

” Waxaa halkan u joognaa geeri naxdin badan oo runtii naga soo gaartay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain, taas oo runtii ay ku geeriyoodeen 17-Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo xeebtaas ku tahriibayay, 17-kaas dhallinyaro sida xogta aan ku hayno 12-wiilal, 5-na waa gabdho dhallinyaro ah, da’dooduna waxay u dhaxeysaa 18-30,”.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa tacsi u diray ehalada Dhallinyarada geeriyootay iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna intaas ku sii daray in ay wali wadaan baaritaano ku aaddan in ay helaan macluumaad iyo xog intaan ka badan, isagoo ugu baaqay waalidiinta Dhallinyarada geeriyootay in ay hay’adda la soo xiriiraan si ay u helaan aqbaarta ubadkooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Dhiggiisa Boqortooyada Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa wadahadallo rasmi ah la yeeshay Dhiggiisa Saldanadda  Cumaan Mudane Sayid Badr bin Hamad Al Busaidi.

Kulanka oo ka shacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Cumaan oo ku taalo magaalada Muscat ayey labada wasiir wadahadalladooda diiradda ku saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga, si loo adkeeyo iskaashiga soo jireenka ah iyo danaha wadaagga ah ee labada dal ee walaalaha ah.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah oo lagu horumarinayo amniga, xasilloonida, iyo horumar waara.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Sayid Badr Al Busaidi, ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada adag ee dalkiisa uu u hayo midnimada, madax bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale waxa uu caddeeyay mowqifka Cumaan ee ah in aan la aqoonsan karin wax kasta oo ka baxsan nidaamka dowladeed ee Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay Boqortooyadda Cumaan doorka diblomaasiyadeed ee wax ku oolka ah iyo dadaallada ay ku bixiso dhiirrigelinta wada hadalada, dib u heshiisiinta, iyo xasilloonida gobolka.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Maxamed Xasan Maxamed, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Carabta, iyo Sheekh Faysal bin Cumar Al Marhoon, Madaxa Waaxda Carabta ee Cumaan, iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka kala socotay labada dhinac.

    

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay xafladda caleema saarka Ugaas Cabdirisaaq Faracadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad dhaqan oo lagu caleemo-saarayay Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, taasi oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hambalyo, bogaadin iyo duco u diray Ugaas Cabdirisaaq, isaga oo u rajeeyay in hoggaamintiisa dhaqn uu xoogga ku saaro kaalinta muhiimka ah ee dhaqanku ku leeyihiin ilaalinta nabadda, xalinta khilaafaadka iyo adkeynta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

“Sida munaasabaddani u kulmisay guud ahaan haldoorka bulshada soomaaliyeed, waxa ay tusaale u tahay in dadkeennu ay ka mideysanyihiin wada-dhalashada, diinta suubban, dhaqanka wanaagsan iyo isirka soomaalinimo, waxaana ahmiyad gaar ah siinaynaa wada shaqeynta hoggaanka dhaqanka, maadaama ay laf dhabar u yihiin dib u heshiisiinta, dowlad dhiska iyo xasilloonida dalka”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyay Boqorada, Ugaasyada, Imaanyada, Malaaqyada iyo hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ee Munaasabadda kasoo qayb galay in ay waqtigooda u huraan mideynta bulshada iyo ilaalinta qiyamka suuban ee ummadda soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah, horumarsan, barwaaqo ah oo mideysan.

                        

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah

Muqdisho,(Wargeyska Dalka);- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay kulan wadatashi Qaran ah si loo horumariyo Qaab-dhismeedka Maareynta Khataraha iyo Habraaca U-hoggaansanaanta Amniga Saaybarka, kaas oo ay kasoo qeyb galeen wakiilo ka socda Hay’adaha Dowladda, Bahda Waxbarashada, Shirkadaha gaarka loo leeyahay, Bulshada Rayidka iyo khubaro farsamo.

Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd in la helo talooyin iyo aragtiyo lagu horumarinayo hannaan dhammaystiran oo xoojiya amniga Saaybarka Dalka, ilaaliya kaabeyaasha dhijitaalka ah ee muhiimka ah, isla markaana xaqiijiya maareynta khataraha iyo u-hoggaansanaan wax ku ool ah oo ka dhex jirta dhammaan qaybaha.

Isagoo ka hadlay kulanka, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, ayaa ka hadlay muhiimadda in si qoto dheer loo eego Dukumentiyada: “Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan daneeyayaasha inay waqti geliyaan, si taxaddar leh u eegaan Dukumentiyadan, si qoto dheer u falanqeeyaan, una soo gudbiyaan aragtiyo dhammaystiran oo ku saabsan qodob kasta.”

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Xildhibaan Axmed Diiriye, oo si rasmi ah u furay kulanka, ayaa muujiyay muhiimadda sii kordheysa ee Amniga saaybarka xilli ay Teknoolojiyaddu si weyn u saameyneyso Nolosha:
“Adeegsiga Teknoolojiyadda waa mid si joogto ah u kobcaya, wuxuuna saameyn ku leeyahay dhinacyo badan oo Nolosha ah sida Waxbarashada iyo Ganacsiga. Haddii aan laga gaashaaman, horumarradu waxay keeni karaan khataro. Sidaa darteed, dejinta hannaanka maareynta khataraha iyo habraaca u-hoggaansanaanta Amniga saaybarka waa mid muhiim ah. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa loo xilsaaray inay hoggaamiso dadaalkan iyada oo matalaysa Dowladda.”

Kulanka ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga Hay’adaha si loo wajaho khataraha sii kordhaya ee saaybarka loona dhiso nidaam Dhijitaal ah oo adkaysi leh. Ka qaybgalayaashu waxay ka doodeen aqoonsiga khataraha, habraacyada u-hoggaansanaanta, iyo doorka Hay’adaha kala duwan.

Kulanka ayaa muujiyay doorka muhiimka ah ee dadaallada isku-dubaridka ah ee wax looga qabanayo qataraha Amniga saaybarka ee soo kordhaya iyo dhisidda nidaam dhijiitaal ah oo adkeysi leh. Ka qaybgalayaashu waxay ka doodeen aqoonsiga khataraha, habraacyada u-hoggaansanaanta, iyo kaalinta Hay’adaha kala duwan.

Natiijooyinka ka soo baxa kulankan wadatashiga ah ayaa gacan ka geysan doona dhammeystirka hannaanka Maareynta Khataraha iyo Habraaca U-hoggaansanaanta Amniga Saaybarka, kaas oo door muhiim ah ka qaadan doona xoojinta Amniga Dhijitaalka ah ee Dalka.

       

Soomaaliya oo hirgelisay ilaalinta siyaasadda bedqabka Rayidka Xilliyada Colaadaha

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Maanta qaabilay Wafdi heer sare ah oo ka socday Xarunta Ilaalinta Rayidka ee Xilliyada Colaadaha (CIVIC), oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Afrika ee Hay’adda, Mudane Vianney Bisimwa. Kulanka intii uu socday, Wasiirka iyo Mudane Bisimwa ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta ku aaddan ilaalinta bed-qabka Rayidka, yareynta waxyeellada Rayidka xilliyada hawl-gallada Ciidan, iyo Horumarinta hab-raacyo waafaqsan Xeerarka Dalka iyo Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadannimada.

Heshiiskan ayaa taageeraya hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bed-qabka Rayidka xilliyada Hawl-gallada Ciidan iyo Colaadaha Hubeysan, taas oo Soomaaliya ka dhigeysa Dalkii ugu horreeyay Afrika ee dhaqan-geliya siyaasad noocan ah. Waxa kale oo uu heshiisku xoojinayaa Tababarka, wacyigelinta iyo awood-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, si loo xaqiijiyo in hawl-gallada loo fuliyo si waafaqsan Sharciga, xirfad sare, taxaddar, isla-xisaabtan iyo ilaalinta karaamada Rayidka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay mudnaan gaar ah siineyso ilaalinta bed-qabka Rayidka, isagoo xusay in siyaasaddan ay ka tarjumeyso sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in dhammaan hawl-gallada Amniga lagu hago ilaalinta Nolosha, Karaamada, Xuquuqda iyo bed-qabka Shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxaa ka go’an xoojinta ilaalinta bed-qabka Rayidka, kor u qaadista kormeerka iyo isla-xisaabtanka hawl-gallada Ciidan, iyo la-shaqeynta Hay’adaha Qaranka, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibbada Caalamka, si dib-u-habeynta Hay’adaha Amniga Soomaaliya loogu saleeyo hannaan waafaqsan Sharciga, isla markaana ku dhisan mas’uuliyad iyo kalsooni Dadweyne.

Munaasabadda saxiixa waxaa dhanka Wasaaradda goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda; halka dhanka Xarunta CIVIC ay ka socdeen Agaasimaha CIVIC ee Soomaaliya, Mudane Ahmed Ibrahim, Danjire Maman Sambo Sidikou, S/Gaas Bashir Yuusuf, iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dhinac.

      

Guddoomiyaha Aqalka Sare “Munaasabad Dhaqan oo tan lamid ah weligey ma’arkin, waana Astaan muujineyso Midnimo”

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ka qeyb galay Munaasabadda Caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde), ayaa si qoto dheer uga hadlay doorka Dhaqanka ee Dowladnimada iyo Bulshada.

Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in munaasabaddan ay tahay mid ka duwan kuwii hore, islamarkaana muujineysa heerka ay gaarsiisan tahay Midnimada iyo Wadajirka Bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu xusay in isu imaatinka Madaxda, Culimada, iyo Duubabka Dhaqanka ay caddeyn u tahay sida Dhaqanku u yahay tiir mideeya Bulshada, kana qeyb qaata xasilinta iyo Horumarka Dalka.

Sidoo kale, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladnimada casriga ah aysan ka maarmin kaalinta hoggaanka Dhaqanka, maadaama ay door weyn ku leeyihiin xalinta Khilaafaadka, Nabadaynta, iyo ilaalinta Wadajirka Bulshada.

Ugu dambeyn, wuxuu Hambalyo u diray Ugaas Cabdirisaaq, isaga oo Alle uga baryay inuu ku guuleeyo xilka loo doortay, islamarkaana uu noqdo hoggaan mideeya Bulshada, kana shaqeeya Nabad iyo horumar waara.

Ka Qeybgalka Madaxweynaha ee Caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq: Fariin Mideyn, Dhaqan iyo Dowladnimo Isku Sidkan

Ka qeybgalka Xasan Sheekh Maxamuud ee caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi wuxuu xambaarsan yahay fariin ka weyn Munaasabad Dhaqameed—waa tilmaam muujineysa isku xirnaanta Dowladnimada iyo Dhaqanka.

Faaladdu waxay si cad u muujineysaa in Hoggaanka Sare ee Dalka uu aqoonsan yahay kaalinta ay leeyihiin Duubabka Dhaqanka, gaar ahaan nabadaynta, xalinta khilaafaadka, iyo mideynta Bulshada. Tani waxay xoojineysaa kalsoonida u dhexeysa Dowladda iyo Shacabka.

Sidoo kale, Munaasabaddan waxay muujisay muhiimadda isku-dhafka Dowlad casri ah iyo dhaqan sugan, iyadoo la tilmaamay in labadaas ay yihiin tiirarka horumarka iyo xasilloonida Dalka.

Gunaanadkii, ka qeybgalka Madaxweynaha waa fariin ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed oo ku saabsan in midnimo, is-ixtiraam, iyo wadajir ay yihiin furaha Soomaaliya Nabad iyo Horumar leh.