Muqdisho,(Wargeyska Dalka);- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay kulan wadatashi Qaran ah si loo horumariyo Qaab-dhismeedka Maareynta Khataraha iyo Habraaca U-hoggaansanaanta Amniga Saaybarka, kaas oo ay kasoo qeyb galeen wakiilo ka socda Hay’adaha Dowladda, Bahda Waxbarashada, Shirkadaha gaarka loo leeyahay, Bulshada Rayidka iyo khubaro farsamo.
Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd in la helo talooyin iyo aragtiyo lagu horumarinayo hannaan dhammaystiran oo xoojiya amniga Saaybarka Dalka, ilaaliya kaabeyaasha dhijitaalka ah ee muhiimka ah, isla markaana xaqiijiya maareynta khataraha iyo u-hoggaansanaan wax ku ool ah oo ka dhex jirta dhammaan qaybaha.
Isagoo ka hadlay kulanka, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, ayaa ka hadlay muhiimadda in si qoto dheer loo eego Dukumentiyada: “Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan daneeyayaasha inay waqti geliyaan, si taxaddar leh u eegaan Dukumentiyadan, si qoto dheer u falanqeeyaan, una soo gudbiyaan aragtiyo dhammaystiran oo ku saabsan qodob kasta.”
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Xildhibaan Axmed Diiriye, oo si rasmi ah u furay kulanka, ayaa muujiyay muhiimadda sii kordheysa ee Amniga saaybarka xilli ay Teknoolojiyaddu si weyn u saameyneyso Nolosha:
“Adeegsiga Teknoolojiyadda waa mid si joogto ah u kobcaya, wuxuuna saameyn ku leeyahay dhinacyo badan oo Nolosha ah sida Waxbarashada iyo Ganacsiga. Haddii aan laga gaashaaman, horumarradu waxay keeni karaan khataro. Sidaa darteed, dejinta hannaanka maareynta khataraha iyo habraaca u-hoggaansanaanta Amniga saaybarka waa mid muhiim ah. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa loo xilsaaray inay hoggaamiso dadaalkan iyada oo matalaysa Dowladda.”
Kulanka ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga Hay’adaha si loo wajaho khataraha sii kordhaya ee saaybarka loona dhiso nidaam Dhijitaal ah oo adkaysi leh. Ka qaybgalayaashu waxay ka doodeen aqoonsiga khataraha, habraacyada u-hoggaansanaanta, iyo doorka Hay’adaha kala duwan.
Kulanka ayaa muujiyay doorka muhiimka ah ee dadaallada isku-dubaridka ah ee wax looga qabanayo qataraha Amniga saaybarka ee soo kordhaya iyo dhisidda nidaam dhijiitaal ah oo adkeysi leh. Ka qaybgalayaashu waxay ka doodeen aqoonsiga khataraha, habraacyada u-hoggaansanaanta, iyo kaalinta Hay’adaha kala duwan.
Natiijooyinka ka soo baxa kulankan wadatashiga ah ayaa gacan ka geysan doona dhammeystirka hannaanka Maareynta Khataraha iyo Habraaca U-hoggaansanaanta Amniga Saaybarka, kaas oo door muhiim ah ka qaadan doona xoojinta Amniga Dhijitaalka ah ee Dalka.


