Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Kulan muhiim ah ku qabatay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, iyadoo la yeelatay Hay’adaha UN-Habitat iyo ADHI Africa Holding Ltd. Kulanka waxaa hoggaaminayay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) iyo Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo horumarinta xalka Guryo waara oo adkaysi leh, isla markaana dabooli kara baahiyaha Barakacayaasha gudaha, Qoysaska dakhligoodu hooseeyo, iyo Bulshooyinka nugul.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay sii waddaa dadaallada lagu dardargelinayo horumarinta Magaalooyinka iyo Miyiga, kor u qaadidda Kaabayaasha Dhaqaalaha, iyo hirgelinta qorsheyn loo dhan yahay si loo hubiyo helitaanka guryo ammaan ah oo la awoodi karo.
Kulankan wuxuu muujinayaa muhiimadda iskaashi mideysan oo u dhexeeya Dowladda, Hay’adaha Caalamiga ah, iyo Ganacsatada, si loo gaaro xal waara oo wax ku ool ah oo wax ka taraya baahiyaha Guriyeynta ee Bulshada.


