Baydhabo(Wargeyska Dalka):- Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyay Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Wafdigan ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Ujeeddada safarka Guddoomiyaha ayaa la xiriirta xoojinta wadatashiyada siyaasadeed iyo ka qeybgalka geeddi-socodka Doorashooyinka ka socda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadaama uu yahay Musharrax u taagan xilka Madaxweynaha maamulkaasi.
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Maamulka uu ka go’an yahay qabsoomidda Doorashooyin hufan, xor ah oo waafaqsan Dastuurka, isla markaana ay soo dhoweynayaan dhammaan Musharraxiinta iyo daneeyayaasha siyaasadeed.
Dhankiisa, Mudane Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay Masuuliyiinta iyo Shacabka reer Baydhabo soo dhoweynta diirran, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada shaqeynta, Midnimada iyo xasilloonida siyaasadeed si loo gaaro horumar waara.


