Ka Qeybgalka Madaxweynaha ee Caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq: Fariin Mideyn, Dhaqan iyo Dowladnimo Isku Sidkan

Ka qeybgalka Xasan Sheekh Maxamuud ee caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi wuxuu xambaarsan yahay fariin ka weyn Munaasabad Dhaqameedโ€”waa tilmaam muujineysa isku xirnaanta Dowladnimada iyo Dhaqanka.

Faaladdu waxay si cad u muujineysaa in hoggaanka sare ee Dalka uu aqoonsan yahay kaalinta ay leeyihiin Duubabka Dhaqanka, gaar ahaan nabadaynta, xalinta Khilaafaadka, iyo mideynta Bulshada. Tani waxay xoojineysaa kalsoonida u dhexeysa Dowladda iyo Shacabka.

Sidoo kale, Munaasabaddan waxay muujisay muhiimadda isku-dhafka Dowlad casri ah iyo dhaqan sugan, iyadoo la tilmaamay in labadaas ay yihiin Tiirarka horumarka iyo xasilloonida Dalka.

Gunaanadkii, ka qeybgalka Madaxweynaha waa fariin ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed oo ku saabsan in Midnimo, is-ixtiraam, iyo wadajir ay yihiin furaha Soomaaliya Nabad iyo horumar leh.

ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย 

Kulanka Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha eeย  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Muqdisho ku Shir-guddoomiyay kulanka hoggaanka sare ee Wasaaradda, kaas oo looga hadlay xoojinta Amniga iyo Horumarinta Shaqada Wasaaradda.

Agaasimaha Guud Maxamed Shire ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan howlaha Wasaaradda, isagoo carrabka ku adkeeyay hirgelinta qaab-dhismeedka cusub iyo nidaamka isla-xisaabtanka.
Kulanka waxaa lagu goโ€™aamiyay in la hagaajiyo isgaarsiinta gudaha, lana adeegsado email-lada rasmiga ah si loo sugo sirta iyo hufnaanta Shaqada. Sidoo kale waxaa laga hadlay caqabadaha Gaadiidka, iyadoo Wasiirku ballan qaaday in la xallin doono.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa faray masuuliyiinta inay xoojiyaan Wada-Shaqeynta Hayโ€™adaha Amniga, isla markaana la joogteeyo kulamada kormeerka shaqada si loo dardargeliyo howlaha Wasaaradda.

ย ย ย 

 

Hoggaamiyaha koonfur Galbeed oo daah-furay Qorshaha Isbeddelka Koonfur Galbeed iyo Siyaasadda Xalka Waara

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐›๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฒo ๐“๐จ๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐“๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š

Muqdiso(Wargeyska Dalka);-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Xassan Isaaq ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray munaasabad ballaaran oo lagu xusay Todobaadka Caalamiga ah ee Tallaalka, kaas oo ah olole Sannadle ah oo Caalamka oo dhan laga hirgeliyo si kor loogu qaado wacyiga Bulshada loona muujiyo doorka muhiimka ah ee Tallaalku ku leeyahay badbaadinta Nolosha, gaar ahaan Carruurta daโ€™doodu ka yar tahay shanta sano.

Ololahan Caalamiga ah ayaa diiradda saaraya dhiirrigelinta Bulshada si ay uga faaโ€™iideystaan adeegyada tallaalka, iyadoo la xasuusinayo in Tallaalku yahay mid ka mid ah hababka ugu waxtarka badan ee looga hortagi karo cudurrada faafa ee halista ah. Hal-ku-dhigga sanadkan ayaa ah: โ€œJiil kasta, Tallaalku waa difaac la isku halleyn karo,โ€ taasoo muujineysa muhiimadda ay leedahay in jiil kasta helo Tallaal dhammaystiran si loo xaqiijiyo Caafimaadkooda Mustaqbalka.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qeyb galay masโ€™uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda, Agaasime waaxeedyo kala duwan, Agaasimaha Isbitaalka Banaadir, iyo wakiillo ka socday Hayโ€™adaha Caalamiga ah ee taageera adeegyada Caafimaadka sida WHO iyo UNICEF. Sidoo kale waxaa goobta joogay khubaro caafimaad, Dhakhaatiir iyo Xubno ka tirsan bahda Caafimaadka Soomaaliyeed.

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa la soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan horumarka laga gaaray adeegyada Tallaalka dalka, iyadoo la tilmaamay in dadaallada wadajirka ah ee Wasaaradda iyo Hayโ€™adaha la shaqeeya ay keeneen koror muuqda oo ku yimid tirada Carruurta la Tallaalay, isla markaana si weyn hoos loogu dhigay Cudurrada faafa ee halista ah. Waxaa si gaar ah loo xusay Cudurrada sida Jadeecada, Dabeysha (polio) iyo Gowracatada oo hore saameyn weyn ugu lahaa Bulshada balse hadda si weyn loo xakameeyay.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta Bulshada, gaar ahaan Waalidiinta, si ay u fahmaan in Tallaalku yahay badbaado nololeed oo Carruurta ka difaaca Cudurro sababi kara naafo ama dhimasho. Masโ€™uuliyiinta ayaa caddeeyay in adeegyada Tallaalka ay yihiin kuwo bilaash ah oo laga heli karo xarumaha Caafimaadka ee Dalka oo dhan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka goโ€™an tahay xoojinta iyo ballaarinta adeegyada tallaalka si loo gaaro dhammaan Carruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Deegaannada fog-fog. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in la sii laba jibbaarayo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada Caafimaadka guud ahaan Dalka.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa ugu baaqay Waalidiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Hooyooyinka, inay si joogto ah Carruurtooda ugu geeyaan Xarumaha Caafimaadka si ay u helaan tallaallada lagama maarmaanka ah, isagoo xusay in Tallaalku yahay difaac sugan oo lagu badbaadin karo nolosha carruurta laguna xaqiijin karo Bulsho caafimaad qabta oo Mustaqbal leh.

ย ย ย ย ย ย ย ย 

 

Boliiska Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga labada Ciidan

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa Dalka Jabuuti kulan kula yeeshay Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Carabinieri ee Dowladda Talyaaniga, kuwaas oo uu hoggaaminayay Sarreeye Guuto Andrea Taurelli Salimbeni.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada ciidan, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, qalabaynta, iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha sare ee Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo sagootiyay Cutubyo ka tirsan Ciidanka oo ku biiraya howl-gallada ka dhanka ah Argagixisada

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa sagootiyay Cutubyo ka tirsan Ciidanka oo ku biiraya howl-gallada Dalka looga ciribtirayo Argagixisada.

Taliyaha oo la hadlayay Ciidamada ayaa ugu horreyn ku booriyay inay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Alle, isla markaana ku dadaalaan cibaadada. Sidoo kale, wuxuu faray inay ka soo hooyaan guulo waaweyn dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Waxa uu sidoo kale Ciidankan oo ay u dhammaystiran yihiin waajibaadkooda Ciidanimo, kula dardaarmay maadaama ay u taagan yihiin ilaalinta shacabka, inay dhowraan badbaadada dadka rayidka ah isla markaana caawiyaan kuwa nugul.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qaybo badan oo kamid ah Dalka ka wada howl-gallo ballaaran oo lagu ciribtirayo Argagixisada lagana saarayo Deegaannada ay weli kaga sugan yihiin Dalka.

Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo ka socota Muqdisho

Muqdish(Wargeyska Dalka):-Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo lagu Caleema saarayo Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde), oo ah Ugaaska Beel weynta Murusade,taas oo ay ka qeybgalayaan Madaxda ugu sarreysa Dalka.

Munaasabadda waxaa ka qeygalay Madaxda ugu sarreysa Dalka oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale goob joog ka ah Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiin, Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Marti Sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in Caleema-saarkani uu yahay astaan muujinaysa qiimaha Taariikhda iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

โ€œMunaasabaddan waxay calaamad u tahay taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah, doorka Dhaqankuna wuxuu laf-dhabar u yahay Dowlad-dhiska Dalkeenna.โ€ayuu yiri wasii Daaโ€™uud Aweys

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Xoosh ayaa xusay in Dowladdu ay muhiimad gaar ah siinayso doorka Dhaqanka, isagoo tilmaamay in uu qayb weyn ka qaato dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene ayaa sheegay in Dhaqanka Soomaaliyeed uu yahay tiir muhiim u ah Dowlad-dhiska, isla markaana ay munaasabaddan muujinayso Midnimada Bulshada.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa isaguna tilmaamay in munaasabaddan Caleema-saarka ay isu keentay Madaxda Qaranka, Madaxdii hore iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Ugaas Maxamed Ugaas Axmed ayaa yiri;- โ€œDhaqanka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo waa isku xiran yahay, maanta waxaan u joognaa caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi.โ€

Garaad Jaamac Garaad Cali, โ€œCaleema-saarka Dhaqanka koonfureed tixgelin gaar ah ayaa lasiiyaa waayahaan aadbaan ugu faraxsanahay arrintaas.โ€

Munaasabadda Caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde), oo hadda socota waxaa khudabada kala duwan ka jeedinayo Madaxda Dowladda, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiinta iyo dhammaan Martida kala duwan ee qeyb galeysa oo sheegay muhiimada ay Dhaqanku ku dhax leeyihiin Bulshada iyo kaalintooda Dowlad dhiska.

 

 

Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee KGS oo qaabilay guddoomiyaha Urur siyaasadeedka SINCAD

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Kullan la yeeshay Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka SINCAD, Mudane Maxamuud Khaliif Jabiye oo uu wahliyey Musharaxa Xisibiga oo ka tartamaya DKGS Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim (Geesey).

Kullanka ayaa diirada lagu Saaray Sidii loo dardar-gelin lahaa Howlaha Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay Shaqo Xoogan ka socoto.

Hoggaamiye Jibriil ayaa ku Ammaanay Urur siyaasadeedka SINCAD sida ay ugu diyaarsan yihiin ka qeybgalka Doorashada DKGS, isagoo hadalkiisa ku daray Muhiimada ay leedahay in laga wada Shaqeeyo Xasilloonida iyo Maamul wanaagga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha Xisbiga Qaran ee SINCAD Mudane Maxamuud Khaliif Jabiye, ayaa dhankiisa Ka mahadceliyey kullanka, isagoo tilmaamay in Gudigga Doorashooyinka ay ku howlan yihiin sidii ay si deg-deg ah ugu qaban lahaayeen Doorasho Loo Siman yahay.

ย ย 

Danjiraha Soomaaliya ee Nigeria oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Abuja : Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria mudane Maxamed Cusmaan Maxamed ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Bola Ahmed Tinubu, oo ka guddoomay xaflad rasmi ah.

Madaxweynaha ayaa si diirran u soo dhoweeyay Danjiraha cusub, isaga oo muujiyay sida ay Dowladda Nigeria uga goโ€™an tahay xoojinta iyo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada mudnaanta leh sida ganacsiga, amniga, horumarka waara, iyo is-dhaafsiga dhaqanka.

Danjire Maxamed Cusmaan ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha soo dhoweynta diirran, isaga oo caddeeyay sida ay uga goโ€™an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, isla markaana ka shaqeyn doona kobcinta iskaashi miro-dhal ah oo dan u ah labada shacab, Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nigeria ayaa mar kale adkaynaysa sida ay Dowladda Soomaaliya uga goโ€™an tahay horumarinta xiriirrada caalamiga ah ee ku dhisan ixtiraam is-dhaafsi ah, iskaashi wax-ku-ool ah, iyo dan-wadaag.

ย ย ย ย ย ย 

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray degmada Xuddur ee Gobolka Bakool

Xuddur- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqasho ku tagay degmada Xuddur ee Gobolka Bakool, Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaraha magaalada Xuddur ku soo dhaweeyay Saraakiisha Guutada 9-aad, maamulka Xuddur iyo Shacabka Degmada.

Taliye Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa dhiiragalin ugu tagay Cutubyo cusub oo tababar ugu socdo dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee magaalada Xuddur.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in Cutubyadaan cusub dhawaan loo soo xiri doono tababar, isla markaana ay ka mid noqon doonaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, Taliyaha ayaa Ciidanka cusub faray in looga baahan yahay in ay isku furaan degmooyinka gobolka Bakool.