Danjiraha Soomaaliya ee Nigeria oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Abuja : Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria mudane Maxamed Cusmaan Maxamed ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Bola Ahmed Tinubu, oo ka guddoomay xaflad rasmi ah.

Madaxweynaha ayaa si diirran u soo dhoweeyay Danjiraha cusub, isaga oo muujiyay sida ay Dowladda Nigeria uga go’an tahay xoojinta iyo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada mudnaanta leh sida ganacsiga, amniga, horumarka waara, iyo is-dhaafsiga dhaqanka.

Danjire Maxamed Cusmaan ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha soo dhoweynta diirran, isaga oo caddeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, isla markaana ka shaqeyn doona kobcinta iskaashi miro-dhal ah oo dan u ah labada shacab, Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nigeria ayaa mar kale adkaynaysa sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta xiriirrada caalamiga ah ee ku dhisan ixtiraam is-dhaafsi ah, iskaashi wax-ku-ool ah, iyo dan-wadaag.