MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Arusha- Wargeyska Dalka- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Arushaee dalka Tanzania, halkaasi oo uu kaga qayb galayo Meertada 25-aad ee Shir madaxeedka sanadlaha ah ee Madaxda Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha, Bariga Afrika,(EAC).

Madaxweynaha ayaa kulanka ka jeedindoona khudbad ku saabsan xoojinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo isku xirka bulshooyinka dalalka xubnaha ka ah Ururka, isaga oo kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dalalka gobolka ee Shirka ka qayb galaya.

Shir madaxeedka 25-aad ee Madaxda Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa sanadkan lagu falanqeynayaa ajandayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga dalalka gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga, ganacsiga iyo siyaasadda.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee marxuum Janaraal Maxamed Cali Abokor oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa sarkaal muddo dheer u soo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, isla markaana ka qayb-qaatay dadaalladii lagu tayeeynaayey ciidamada Soomaaliyeed,kaas oo soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray eheladii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka, isaga oo Alle uga baryay inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo eheladiisa iyo guud ahaan Ciidamada Qalabka Sida.

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey  oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib markii 10 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Dhahar oo iyaduna heshay 6 dhibcood.

Waa sanadkii lix iyo tobnaad ee warbaahinta qaranka ay qabaneyso tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan,kaas oo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Tartankaan waxaa habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho oo laga baahiyo.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Cali Xaaji Aadan  ayaa daahfuray mashruuc dhinaca indhaha ah oo diiradda saaraya ilaalinta iyo daryeelka aragga carruurta ee dhigata dugsiyada dalka.

Mashruucaan oo ay iska kaashaday hey’adaha Direct Aid , Human Appeal iyo wasaaradda Caafimaadka XFS,waxaa ujeedku yahay in kor loo qaado wacyigalinta ardayda iyo in baaritaanno xagga indhaha ah lagu sameeyo  aragga ardayda dugsiyada ee dalka.

Kulanka daahfurka oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradaha waxbarashada,Caafimaadka iyo marti sharaf kale,waxaaka hadlay Wasiirka Caafimaadka XFS Cali Xaaji Aadan.

Mashruucaan ayaa lagu wadaa in laga bilaabo Gobolka Banaadir,iyadoo kadibna loo gudbi doono gobolada dalka,waxaana barnaamijkaan oo loo qorsheeyay in ka badan laba boqol oo kun oo arday ah,qeyb ka noqon doona macalimiinta dugsiyada ee dalka.

Barnaamij lagu afurinaayo dadka barakacayaasha ah oo ka socda Muqdisho

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maalin kasra si rasni ah loga fuliyaa barnaamij samofal ah oo loogu talagalay in lagu taageero dadka barakacayaasha ah iyo kuwa taagta daran ee ku nool degmooyinka gobolka.

Barnaamijkaan xagga samofalka ah waxaa soo abaabulay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,kaas oo lagu quudiyo dadka masaakiinta ah ee ku jira xeryaha ay degan yihiin dadka barakacayaasha ah.

Madaxa Shaqaalaha Gobolka Banaadir Maxamed Afrax oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in maalin kasta ay quudiyaan kun qoys oo kamid ah barakacayaasha ku dhaqan gudaha Muqdisho.

Malinimadii shalay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa raashin afur ah oo bisil gaarsiiyay qoysas ku sugnaa aagga hotel Ramadaan oo kulmiya degmooyinka Yaqshid,kaaraan iyo Hilawaa.

Madaxweynaha Soomaaliya oo xubnaha 2-da Aqal xalay ku maamuusay kulan afur ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan affur ah ku maamuusay, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dadaalka, dulqaadka iyo mas’uuliyadda ay muujiyeen muddadii ay socotay shaqada Qaran ee dhammeystirka Dastuurka dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guushan ay tahay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dowladnimada, midnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka, isaga oo adkeeyey in Dastuurka la dhammeystiray uu saldhig u noqon doono dhismaha hay’adaha dowliga ah, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dowladnimo ee ku dhisan sharciga iyo isla xisaabtanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey khubaradii Soomaaliyeed iyo guddiyadii farsamo ee ka shaqeeyey in la gaaro heshiis qaran oo ku saleysan danaha shacabka Soomaaliyeed, iyada oo aan loo baahan kaalmo shisheeye, waxa uuna ku boorriyey Xildhibaannada iyo dhammaan hay’adaha dowladda in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta si loo xaqiijiyo dowladnimo dhameystiran oo ka tarjumaysa rabitaanka iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.

     

Kaaraan iyo Deyniile oo u gudbay wareegga 3-aad ee tartan cilmiyeedka Ramadaanka

Degmada Kaaraan ayaa xalay tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ka reebtay degmada Dharkeynleey,halka Degmada Daayniile ay iyaduna ka adkaatay dhigeeda Daarusalaam.

Degmooyinka Kaaraan iyo Daayniile ayaa kala helay 10 dhibcood iyo 16 dhibcood,halka Dharkeynleey iyo Daarusalaam oo laga badiyay ay keensadeen 6 dhibcood iyo 14 dhibcood.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ayaa waxa uu galay sanadkii lix iyo tobnaad ,iyadoo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo dhoweysay ansixinta dastuurka

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS ayaa soo dhoweynaysaa ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee loo qaaday dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ansixinta dastuurka ayaa lagu sheegay in y tahay tallaabo taariikhi ah oo lagu qabyo-tiray dastuurkii KMG ahaa,iyadoo saldhig looga dhigay heshiis bulsho oo kala asteynaya awoodaha iyo waajibaadka heerarka kala duwan ee hay’adaha federaalka.

Qoraalkaan taageerada ah ee ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta  ayaa lagu xusay in dadaalka ku aadan ansixinta dastuurka ay xoojinayaan dowlad-wanaagga, isla xisaabtanka iyo wadajirka qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Dekaddaha XFS oo ka mahad celiyey ansixinta heshiiska fududeynta Gaadiidka ee Badaha

Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirada uga mahad celiyey ansixinta heshiiska Fududeynta Gaadiidka Badda Caalamiga ah ee FAL ,kaas oo ahaa halbeegyadii hortabinta ee la dajiyay 1965-tii.

Wasiirka ayaa xusay in Ku biirista FAL 1965, muhiimaddeedu tahay fududeynta iyo mideynta habraacyada maraakiibta marka ay imanayaan ama ka baxayaan dekedaha caalamiga ah, si loo yareeyo dib-u-dhacyada, loona kordhiyo hubantida iyo waafajinta heerarka caalamiga ah.

Wasiirka Wasaaradda ayaa wada dadaal lagu xoojinaayo sii dhameystirka howlaha muhiimka u ah ilaalinta baddda iyo inaan lala jaanqaado shuruucda caalamkaa ee badaha.

Golaha Wasiirrada XFS oo ka hadlay xaaladda dalka iyo qodobbo kale

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa looga hadlay amniga dalka, gurmadka xaaladda abaaraha, hawlgaladdii ugu dambeeyay ee ciidamada xoogga dalka ay kula wareegeen deegaanno horleh, iyo warbixinno ku saabsan nidaamka casriyaynta dowladnimada iyo dardargalinta adeeg bixinta dowladda.

Kulanka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha XJFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey heshiisyo caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal muhiim ah, kuwaas oo kala ah;

1- Heshiis is-afgarad oo ku saabsan ka dhaafista dal-ku-galka Baasaboorka Diblumaasiga, una dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan.

2- Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka kuna saabsan arrimaha caafimaadka.

3- Heshiis is-afgarad oo ku saabsan Habraaca dib-u-eegista iskaashiga dalalka Afrika.

4- Heshiiska 1965 ee fududeynta Socdaalka Caalamiga ah ee Gaadiidka Badda (Fal 1965).

5- Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Isbaaniya (Spain) kuna saabsan wadatashiyada siyaasadeed, iyo Xeer-nidaamiyehiisa.

6- Heshiis u dhaxeeya Soomaaliya iyo hey’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamka ee ku saabsan dhaqangalinta dammaanadaha la xiriira heshiiska ka hortagga ee faafitaanka hubka niyuukleerka, iyo barakatooladiisa dheeraadka ah.

7- Heshiiska Qaramada Midoobay ee ka Ganacsiga sharci Darrada ah ee

Daawooyinka Maanka dooriya iyo kuwa maanka saameeya, 1988.

8- Siyaasadda Maareynta wax-qabadka mideysan ee hay’adaha dowladda.

9- Xeer-nidaamiyaha Hay’adda Daryeelka Agoonta shudadada, Naafada iyo Hawlgabka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Golaha Wasiirrada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Mudane Aadan Isaaq Cali iyo Mudane Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdimannaan oo loo dalacsiiyey darajada safiirrinimo.