Wasaaradda Hawlaha Guud XFS oo taageertay ansixinta baarlamaanka ee dastuurka dalka

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhoweynaysaa ansixinta ay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku meel mariyeen dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guuud Xil. Ayuub Ismaaciil ayaa tallaabadaan taariikhiga ah ku tilmaamay in ay  dhammaystireyso qabyo-tirkii dastuurkii KMG, isla markaana saldhig u noqoneysa heshiis bulsho oo caddeynaya awoodaha iyo waajibaadka heerarka kala duwan ee hay’adaha federaalka.

“Ansixinta iyo dhameystirka waxay xoojinaysa mabaadi’da dowlad-wanaagga, isla xisaabtanka iyo midnimada qaranka, iyadoo dhidibada u aasaysa nidaam dowladeed oo ku saleysan sharci, hufnaan iyo wadajir” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guuud.

Golaha Samata-bixinta oo soo dhoweeyay ansixinta dastuurka dalka

Bayaanka ka soo baxay Golaha Samatabixinta waxa uu u qornaa sidatan:-

 

Wasiirka Ganacsiga XFS oo la kulmay qaar kamid ah ganacsatada dalka

Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay qaar kamid ah ganacsatada ka howlgasha gudaha dalka.

Kulankaasi mudadii uu socday waxaa looga hadlay dagaalada ka socda Bariga Dhexe iyo saameynta ay ku yeelan karaan adeegyada dhanka ganacsiga ee ay u baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed.

“Anaga iyo ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ka tashanay saameynta dagaalka ka socda Bariga Dhaxe uu ku yeelan karo dalkeenna iyo sida aan uga gaashaaman laheyn” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga.

Wasiirka ayaa tilmaamay in lagu jiro xaalad abaar ah iyo gudashada waajibaadka bisha Ramadaan,sidaa daraadeed,waxa uu ka codsaday ganacsatada in loo dhimriyo bulshada oo aan la saarin culeys dhanka adeegyada ah ee ay u baahan yihiin.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo dhoweysay ansixinta dastuurka dalka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS  iyo madaxda kale ee wasaaradda ayaa soo dhoweeyay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhameystirka Dastuurka dalka.

Wasaaradda ayaa ansixinta dastuurka ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah oo lagu qabyo-tiray dastuurkii KMG ahaa, looguna saldhigay heshiis bulsho oo kala asteynaya awoodaha iyo waajibaadka heerarka hay’adaha federaalka ah, isla markaana xoojinaya dowlad-wanaagga, isla xisaabtanka iyo wadajirka qaranka.

“Ansixinta Dastuurkaan waxay astaan u tahay marxalad cusub oo lagu xaqiijinayo dowlad ku dhisan sharci adag iyo kalsooni dadweyne, taas oo saldhig u ah shaqada Wasaaradda ee ku aaddan helidda maamullo ku yimaada rabitaan bulsho, horumarinta nidaamka federaalka, xoojinta dib-u-heshiisiinta iyo midnimada bulshada.

Qoraalkaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu yiri “wasaaradda waxaa ka go’an hirgelinta qodobada dastuurka, si loo dardargeliyo dhismaha dowlad adag, mideysan oo waarta”.

Madaxda Hir-shabeelle oo boogaadiyay go’aanka 2-da aqal ee ansixinta dastuurka dalka

War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay, isla markaana hambalyo loogu diray go’aanka taariikhiga ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen Dastuurka dalka 04/03/2026, kaas oo si rasmi ah meesha uga saaray Dastuurkii Ku-meelgaarka ahaa.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri“Tallaabadaan taariikhiga ah waxay ka dhigan tahay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, una horseedaysa xasillooni siyaasadeed, horumar dhaqaale, hufnaan iyo nidaam dowladnimo oo dhammaystiran. Hirshabeelle waxay u aragtaa ansixinta Dastuurka mid ka tarjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhismaha dowladnimo waarta iyo adkeynta midnimada qaranka”.

war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Maamulka Hirshabeelle uu bogaadinayo shacabka Soomaaliyeed, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha dowladda oo muujiyay dadaal, dulqaad iyo go’aan geesinimo leh oo lagu xaqiijiyey guushan u soo hoyatay qaranka.

Ugu dambayn, Hirshabeelle waxay caddeysay inay markale garab taagan tahay dhammaan dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya, laguna ilaalinayo sharafka, karaamada iyo wadajirka qaranka.

Wanla weyn oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaanka

Degmada Wanla weyn oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib markii 14 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe ,taas oo heshay 6 dhibcood.

Waa sanadkii lix iyo tobnaad ee warbaahinta qaranka ay qabaneyso tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan,kaas oo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Tartankaan waxaa habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho oo laga baahiyo.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Dhinaca kale, Waxaa la soo saaray isku aadka wareegga 2-aad ee Tartanka cilmiyeedka warbaahinta Qaranka.

Sida ku cad Jadwalka habeen dembe waxaa dhici doona labo tartan.

 

Xukuumadda oo ahmiyad siinaysa daryeelka Agoonta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay kulan affur wadareed loogu sameeyay carruurta Agoonta ah ee Qaranka, kaas oo kusoo beegmay munaasabadda Xuska Maalinta Agoonta Caalamka oo sannad walba la xuso maanta oo kale.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda carruurta Agoonta ah ay tahay waajib Qaran oo saaran dowladda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in Xukuumaddu ay sii xoojinayso barnaamijyada taageerada iyo dib-u-dhiska adeegyada bulshada ee quseeya agoonta.

“In badan ubadkeenna kamid ah ma helaan waxbarasho ku filan oo laga yaabo in waalidkood noolyahay balse uusan waxba u qaban karin, dalkeennu waxa uu soo maray duruufo adag, carruurta Soomaaliyeed waa ubax usoo baxaya dalkeenna waxaanna loo baahanyahay in la garab istaago oo loo hiiliyo”. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo dardaaran iyo dhiirrigelin u jeediyey carruurta agoonta ah, ayaa ku boorriyay in ay xoojiyaan rejadooda ayna yeeshaan himilo fog, kana faa’iideystaan waxbarashada iyo fursadaha la heli karo si ay u noqdaan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in isku filnaanshaha amniga iyo dhaqaalaja lagu gaari karo dhismaha qaran xooggan oo bulshadiisa afaca oo daryeela ubadkiisa iyo agoontiisa, taasi oo u baahan in dhammaan loo istaago mucaarad iyo muxaafadba.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal badan galisay sidii loo xaqiijin lahaa nidaamka dowladnimada taasi oo ay ugu horayso dhamaystirka dastuurka dalka oo muddo dheer Ku-meelgaar ahaa.

Maanta waxa aynu taagnay tiir adag oo dalkeenna muhiim u ah, waxa aynu dhamaystirnay dastuurkii dalkeenna oo muddo dheer lasoo waday, kaasi oo aysan hirgalintiisa qeyb ka noqon dhaqaale iyo gacmo shisheeye, waa tiir wayn oo ka mid ah kuwa ay bulshadu heshiiska ku tahay, waxaanna inoo hartay in aynu dhamaystirno wada-hadallada iyo in afti dadweyne loo qaado”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare.

         

Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka oo soo dhowaysay Ansixinta Baarlaamaanka ee dhamaystirka Dastuurka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa si weyn u soo dhaweysay ansixinta rasmiga ah ee Dastuurka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay cod aqlabiyad ah maanta ku meel mariyeen Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda  ayey ku sheegtay in ansixinta Dastuurka ay tahay guul taariikhi ah oo soo gabagabeynaysa geeddi socod dib u eegis ah oo socday in ka badan 13 sano.

Mudadaas ayaa la tilmaamay in ay ka soo qayb qaateen hay’adaha dowliga ah, dowlad goboleedyada, khubaro sharci iyo dastuur, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa uga mahadcelisay Labada Aqal ee Baarlamaanka, guddiyadii dastuurka, hay’adaha fulinta, dowlad goboleedyada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed doorkii ay ku lahaayeen geeddi socodkan muhiimka ah.

Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay bogaadisay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka oo hoggaamin muuqata ka qaatay dardargelinta iyo dhammaystirka Dastuurka, iyadoo ku tilmaantay tallaabadan mid xoojinaysa dimuqraadiyadda, midnimada qaranka iyo hirgelinta nidaam dowladeed oo sharci ku dhisan.

Baarlamaanka JFS oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhamatstirka Dastuurka dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xildhibaanada iyo Senatorrada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah oo yeesheen ku ansixiyey dhamaystirka Dastuurka  dalka,
Kulan ay sida wadajirka ah u yeesheen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa lagu meel mariyey Dastuurka kaddib cod aqlabiyad ah.

Wadar ahaan 222 xubnood oo ka kala tirsan labada Aqal ayaa ka qeyb qaatay codbixinta, kuwaas oo kala ahaa 185 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 37 Senator oo Aqalka Sare ah,Xubnahaasi ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyey ansixinta Dastuurka dalka.

Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, isagoo sheegay in Dastuurka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si sharci ah loo ansixiyey, isla markaana uu ka dhaqan geli doono dalka.

Ansixinta Dastuurkan ayaa ah tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah dhameystirka hannaanka dowlad dhisidda, xoojinta hay’adaha dastuuriga ah, iyo adkeynta nidaamka federaalka ee dalka.

Kulankii labada gole Baarlamaan oo ka furmay xarunta VILLA Hargeisa

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Kulankii wadajirka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaas lagu wado in lagu ansixiyo dhamaystirka Dastuurka dalka.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 185 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 37 Senator oo ka tirsan Aqalka Sare,sida uu ku dhawaaqay guddoonka golaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoominaya kulanka wadajirka ah ee Labada Aqal.

Xildhibaanada iyo Senatorrada ayaa la filayaa inay ka doodaan isla markaana cod u qaadaan qodobada Dastuurka ee la horgeeyay Baarlamaanka, kuwaas oo qayb ka ah geeddi-socodka dhammeystirka Dastuurka dalka.