Kulankii labada gole Baarlamaan oo ka furmay xarunta VILLA Hargeisa

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Kulankii wadajirka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaas lagu wado in lagu ansixiyo dhamaystirka Dastuurka dalka.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 185 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 37 Senator oo ka tirsan Aqalka Sare,sida uu ku dhawaaqay guddoonka golaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoominaya kulanka wadajirka ah ee Labada Aqal.

Xildhibaanada iyo Senatorrada ayaa la filayaa inay ka doodaan isla markaana cod u qaadaan qodobada Dastuurka ee la horgeeyay Baarlamaanka, kuwaas oo qayb ka ah geeddi-socodka dhammeystirka Dastuurka dalka.

Dowladds Soomaaliya ayaa bixisay malaayiin dollar oo ah caymiska xoollaha iyadoo gaarsiisay qoysaska abaaruhu saameeyeen

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha,Lacagtan waxaa si toos ah loo gaarsiiyay xoolo dhaqatada dalka ee ka faa’iidaystay barnaamijka DRIVE ee caymiska xoolaha.

Lacagtan waxaa helay 17,734 xoolo-dhaqato ah oo is diwaangeliyay xilliyadii Gu’ga (April 2025) iyo Dayrta (October 2025).

Bixinta caymiskan waxay timid kadib markii tusmada abaaraha Takaful ee ku salaysan xogta dayax gacmeedka uu xaqiijiyay in roob la’aantii dhacday Dayrtii October–December 2025 ay si weyn u baabi’isay dhul daaqsimeedka gobollo badan, Xoolo dhaqatadii iibsatay caymiska abaaraha waxaa lacagaha si toos ah loogu shubay akoonnadooda moobilka.

Qoysaska helay lacagtan ma aheyn kaalmo la siiyay, balse waa dad horey u iibsaday caymiska Takaful, oo ah nidaam waafaqsan Shareecada Islaamka kuna dhisan mabda’a wadaagga khataraha iyo iskaashiga bulshada. Caymiska Takaful waa aalad maaliyadeed oo lagu xoojinayo adkeysiga dhaqaale ee xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.

Barnaamijka DRIVE waa tusaale ka mid ah hindisaha cusub ee Bangiga Adduunka ee la yiraahdo ‘AgriConnect’, kaas oo isku xiraya saddex arrin oo muhiim ah: 1-dib-u-habayn sharciyeed (sida hirgelinta Sharciga Takaful), 2-maalgelin guud iyo mid gaar, iyo 3-maalgashiga kaabayaasha dhijitaalka ah, Waxa uu si isku dhafan isugu xirayaa suuqyada xoolo-dhaqatada, adeegyada maaliyadeed, tignoolajiyada, iyo horumarinta xirfadaha.

Ra’iisulwasaare kuxigeenka XFS iyo maamulka gobolka Banaadir oo ka shiray dardargelinta hawlaha hortebinta u leh Caasimadda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan miro-dhal ah ku yeeshay caasimadda, iyagoo ka wada hadlay dardargelinta hawlaha hor-tebinta u leh caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray hirgelinta himilada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku aaddan xoojinta dowlad-dhiska, nabadgelyada, midnimada iyo daadejinta adeegyo bulsho oo tayo leh oo gaara dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Labada mas’uul ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo wadashaqeynta hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer gobol, si loo xaqiijiyo yoolalka qaran loona xoojiyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladdooda.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Gaalkacyo oo ku ssoo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Gaalkacyo oo ka tirsan Gobolka Mudugayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib markii 12 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose ,taas oo heshay 06 dhibcood.

Waa sanadkii lix iyo tobnaad ee warbaahinta qaranka ay qabaneyso tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan,kaas oo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Tartankaan waxaa habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho oo laga baahiyo.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka oo Muqdisho ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustafa Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa UNSOS, James Swan, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Agaasime Mustaf Dhuxulow ayaa la wadaagay wafdiga horumarradii ugu dambeeyay ee Hay’adda ee dhinaca adeeg bixinta, oo ay ka mid yihiin hirgelinta maaraynta amniga xuduudaha, casriyeynta adeegyada danabaysan ee hay’adda sida dal-ku-galka (ETAS), dalku-jooga iyo adeegyada baasaboor bixinta.
Agaasimaha ayaa xusay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu tayeynayo adeegyada, lagu xoojinayo hufnaanta, isla markaana lagu waafajinayo nidaamka socdaalka heerarka casriga ah.
James Swan ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud soo dhaweynta diirran iyo wada shaqeynta dhow oo ay la leeyihiin hay’adda. Waxa uu sidoo kale uu bogaadiyay nidaamyada cusub ee la hirgeliyay, isaga oo muujiyay inay si wanaagsan u soo dhoweynayaan horumarka lagu sameeyay casriyeynta iyo sugnaanta nidaamyada socdaalka.
Sidoo kale, Ergayga ayaa la wadaagay arrimo la xiriira xaaladaha dal-ku-galka iyo deggenaanshaha ee shaqaalaha Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan shaqaalaha kala duwan ee ka howlgala dalka.
    

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Mas’uuliyiinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan degmada Jalalaqsi ayaa si rasmi ah daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Sidoo kale, daahfurka waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Maamulka degmada.

 

      

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib markii 12 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Xamar-weyn oo la timid 06 dhibcood.

Waa sanadkii lix iyo tobnaad ee warbaahinta qaranka ay qabaneyso tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan,kaas oo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Tartankaan waxaa habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho oo laga baahiyo.

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Hantiwadaag oo hoostaga Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ku dilay horjoogihii qorsheeyay weerarkii Khawaarijta ee godka Jilacow, sidoo kalana ahaa maskaxdii iyo isku-duwihii weerarro argagixiso oo sababay dhimashada shacab, saraakiil iyo ciidamo ka tirsan hay’adaha amniga Qaranka.

Horjoogaha la dilay, oo adeegsan jiray magacyada Kamaaludiin Yuunis Maxamed, Saalim Nuur Sheekh Cabdiraxiim, Caraale iyo Cabdullaahi Xasan Cali, wuxuu ahaa hagaha shabakaddii fulisay weerarkii Godka Jilcaow (4 October, 2025), weerarkii naftii-halignimo ee Kulliyadda Jaalle Siyaad (09 July, 2025), iyo weerarkii Dugsiga Tababarka General Dhega-Badan – Xero Nacnac (10 December, 2025). Waxa uuna si toos ah u maamuli jiray shabakadihii fulin jiray falalka argagixiso.

Howlgalka xalay ayaa ahaa mid loogu aargudayay dhiigga shacabka, saraakiisha iyo ciidamada ku naf waayay weerarradii argagixiso, waxaana daba-galka dhagarqabahan ay qaadatay in ka badan 150 maalmood, iyada oo si gaar ah loo ilaalinayay badqabka shacabka, maadaama uu gabaad ka dhigan jiray goobo rayidku ku badan yihiin, gaar ahaan deegaannada Mubaarak, Ugunji, Daarusalaam, Hantiwadaag, Kurtunwaarey iyo Gendershe, ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Beegsiga lagu burburinayo shabakadaha argagixisada iyo horjoogeyaashooda waa ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa iyo xasillooni waarta oo dalka oo dhan ah. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

𝗚𝗢𝗗 𝗜𝗬𝗢 𝗚𝗔𝗕𝗔𝗔𝗗 𝗞𝗔𝗦𝗧𝗔 𝗢𝗢 𝗔𝗬 𝗚𝗔𝗟𝗔𝗔𝗡 𝗗𝗛𝗔𝗚𝗔𝗥-𝗤𝗔𝗕𝗘𝗬𝗔𝗔𝗦𝗛𝗔 𝗞𝗛𝗔𝗪𝗔𝗔𝗥𝗜𝗝𝗧𝗔, 𝗚𝗨𝗠𝗔𝗖𝗘𝗘𝗡𝗡𝗨 𝗪𝗨𝗨 𝗨𝗚𝗨 𝗚𝗔𝗟𝗔𝗬𝗔𝗔.

Dhammad

Hay’adda SoDMA oo kaalmo gaarsiisay Degmada Wisil

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Galmudug, ayaa maalintii 3-aad ee safarkiisa gurmadka Abaaraha ku gaaray Degmada Wisil ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Guddiga Abaaraha Degmada Wisil ku wareejiyay 125 Booyadood oo biyo-dhaamin ah, si loo gaarsiiyo dadka ku nool miyiga iyo deegaannada hoos yimaada degmada, kuwaas oo ay saameysay abaarta ka jirta halkaasi.

Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu gurmad biyo-dhaamin ah u sameeyay dadka ku nool deegaannada miyiga ah, halkaas oo uu kula kulmay qoysas ku sugan xaalad nololeed oo aad u adag. Wuxuu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed inay u gurmadaan walaalahooda ay abaartu saameysay.

   

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Ku xigeenka safiirka Mareykanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa Muqdisho kula kulmay ku xigeenka Safiirka Mareykanka, Chargé d’Affaires Justin Davis, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, is-dhexgalka siyaasadeed, iyo isku-duwidda diblomaasiyadeed ee lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay Mareykanka u aragtaa saaxiib istaraatiiji ah oo muhiim ah, iyadoo taageeradiisa joogtada ah ee dhinacyada bani’aadannimada iyo amniga ay weli door weyn ka qaadaneyso xasilloonida dalka iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.