Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Ku xigeenka safiirka Mareykanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa Muqdisho kula kulmay ku xigeenka Safiirka Mareykanka, Chargé d’Affaires Justin Davis, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, is-dhexgalka siyaasadeed, iyo isku-duwidda diblomaasiyadeed ee lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay Mareykanka u aragtaa saaxiib istaraatiiji ah oo muhiim ah, iyadoo taageeradiisa joogtada ah ee dhinacyada bani’aadannimada iyo amniga ay weli door weyn ka qaadaneyso xasilloonida dalka iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Boqor Cabdalla binu Al-Xuseen, Boqorka Urdun iyo Sheekh Tamiim binu Xamad, Amiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar.

Hoggaamiyeyaashu waxa ay ka wadahadaleen xaaladda gobolka, xiisadaha iyo iskahorimaadyada milatari ee Bariga Dhexe, iyagoo muujiyey muhiimadda ay leedahay dejinta xaaladda, yareynta xiisadaha iyo xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey mowqifka adag ee Soomaaliya ee ku aaddan garab istaagga Dowladda Qatar iyo Boqortooyada Urdun oo dowladda Iiraan kala kulmay duqeymo gardarro ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey mowqifka carbeed ee mideysan, isagoo muujiyey in weerar kasta oo lagu qaado dhulka dalalkaas walaalaha ah uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, caqabadna ku noqonaya nabadda iyo xasilloonida mandiqadda.

 

Hirgelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee Socdaalka Gudaha Dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay hirgelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee Socdaalka Gudaha Dalka, kaas oo lagu xoojinayo nidaamka maamulka iyo habsami-u-socodka howlaha socdaalka gudaha dalka.

Agaasimaha Guud ayaa booqday terminaalka laga dhoofo ee duulimaadyada gudaha, halkaas oo uu warbixin faahfaahsan kaga dhageystay madaxda Waaxda Xuduudaha, taas oo la xiriirtay habraaca cusub, heerka diyaargarowga farsamo iyo sida adeegga loogu fududeynayo muwaadiniinta ku safraya gudaha dalka.

Saaka waxaa si rasmi ah loogu adeegey dadkii ugu horreeyay ee ku safrayay gudaha dalka, kuwaas oo loogu adeegay Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyada oo nidaamkaan loo maray hannaan waafaqsan tilmaamaha socdaalka sharciga ah.

Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in hirgelintan ay door muhiim ah ka qaadanayso horumarinta nidaamka socdaalka gudaha, xoojinta amniga xuduudaha iyo la socodka dhaqdhaqaaqa dadka si waafaqsan sharciga. Sidoo kale, waxa uu faray saraakiisha iyo shaqaalaha inay muujiyaan dulqaad iyo tixgelin gaar ah inta ay muwaadiniintu la qabsanayaan nidaamka cusub, si adeeggu u noqdo mid hufan oo waxtar leh

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan, waxaana ugu horreyn ergayga uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya warbixin ka siiyey howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, taageeridooda dowladda iyo sidoo kale guud ahaan shaqooyinka ay dalka ka haayaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horreyn ergayga uga mahadceliyey howlaha uu dalka ka haayo gaar ahaan taageerada xafiiskiisa uu siiyo hay’adaha dowladda, ayaa waxa uu warbixin ka siiyey howlaha Baarlamaanka gaar ahaan arrimaha la xiriira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu sheegay in dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka ay meel wanaagsan mareyso islamarkaana ay ku howlanyihiin Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal.

Ugu dambeyn, waxaa la isla gartay in lasii xoojiyo lana joogteeyo wada shaqeynta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Hawlgal lagu dilay dhagarqabayaal katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kuwa UPDF, ayaa ka saaray maleeshiyaad argagixiso ah oo ku dhuumaaleysanaysay deegaannada Mubaarak iyo Daaru Salaam ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkan, oo qayb ka ah howlgallada Bedar, ayaa shacabka ku dhaqan deegaannadan looga dulqaaday heeryo cadow oo in muddo ah saarnayd.

Intii uu socday hawlgalka, waxaa lagu dilay dhagarqabayaal ka tirsanaa kooxaha argagixisada, kuwaas oo ku howlanaa dhibaataynta shacabka.

Ciidanka XDS waxaa ka go’an ciribtirka maleeshiyadaha argagixisada ee khatarta ku ah amniga shacabka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan nabad iyo amni la isku halleyn karo.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan in howlgallada ka dhanka ah argagixisada ay sii wadi doonaan ilaa laga xaqiijiyo amniga, xasiloonida, iyo nabada guud ahaan dalkeenna.

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Muqdisho (WARGEYSKA DALKA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf, oo dhowaan loo soo magacaabay Wakiilka Unicef ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Marwo Landra, la wadaagay guulaha hirgalay ee ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran, isaga oo xusay in Soomaaliya ay gashay marxalad dib-u-habeyn iyo dhismaha dowladnimada ah gaar ahaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029 (NTP) oo ah qaab-dhismeedka ugu weyn ee hagaya mudnaanta horumarineed ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyay hey’adda UNICEF, taageeradeeda ku aaddan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, nafaqada carruurta, iyo hirgelinta sidii biyo nadiif ah lagu gaarsiin laha bulshada nugul, gaar ahaan deegaannada ay saameeyeen abaaraha.

Marwo Sandra Lattouf, ayaa dhankeeda muujisay sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqaynta ka dhexaysa hey’adda UNICEF, iyo sidii ay uga taageeri lahayd adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan caafimaadka iyo tallaalka carruurta, la dagaallanka nafaqo-darrada, horumarinta waxbarashada iyo kordhinta helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowrka.

 

 

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka ee loogu talagalay dadka ay abaartu saameysay.

Guddiga ayaa kulan la qaatay ganacsatada deegaannada Galmudug, iyagoo uga warbixiyay xaaladda abaarta ka jirta deegaannada maamulkaas.
Intii uu kulanku socday, ganacsatada ayaa bilaabay uruurinta lacago loogu talagalay in gurmad lagu gaarsiiyo qoysaska ay abaartu saameysay.

Xubnaha guddiga ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka abaarta ah ay ka jirto qeybo ka mid ah deegaannada Galmudug, isla markaana ay saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyadaba. Waxay bulshada iyo ganacsatada ugu baaqeen in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo walaalahooda ay dhibaatadu heysato.

Sidoo kale, xubnaha Guddiga Gurmadka Abaaraha iyo Guddoomiyaha Hay’adda Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa kormeer ku tagay deegaanno ka tirsan Galmudug, halkaas oo ay ku arkeen xaalado bani’aadannimo oo aad u liita, kuwaas oo ay sababtay abaarta ka jirta deegaannadaas.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa yiri: “Waxaan indhahayga ku arkay xoolo bakhtiyay oo ay xoolo kale cunayaan, waxaana degmada Baxdo ku wareejiyay 100 booyadood oo biyo-dhaamin u sameynaya dadka ay abaaruhu saameeyeen.”

 

Diinsoor oo ku ssoo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib markii 08 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Marka ee Gobolka Sh/Hoose ,taas oo heshay 06 dhibcood.

Tartankaan waxaa habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho oo laga baahiyo.

Waa sanadkii lix iyo tobnaad ee warbaahinta qaranka ay qabaneyso tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan,kaas oo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal bartilmaameed ah ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo muddo dheer lagu raad-joogay.

Howlgalkan guuleystay ayaa ka dhacay deegaanka Hantiwadaag oo hoostaga Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Faahfaahin dheeraad ah goor dhow la soco.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo shacabka la wadaagtay ogeysiis muhiim ah

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay in dhammaan duulimaadyadii qorshaysnaa maalinka barito ah oo taariikhdu ku beegantahy 2 March 2026 ay sidoodii u jiraan, aysana HDRS kawarqabin wax isbedel ah oo kuyimid dhammaan duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibadaba.

Wararka la isla dhexmaraayo baraha bulshada waxa ay HDRS u cadaynaysaa shacabka Soomaaliyeed in aysan waxba kajirin oo duulimaadyadu caadi yihiin dhammaan garoomada diyaaradaha wadanka.