Muxuu Guddoomiyaha SoDMA ku soo arkay Cadaado?

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay weheliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, isla markaana safar shaqo oo la xiriira gurmadka abaaraha ku maraya deegaannada Galmudug, ayaa gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha Hay’adda waxuu kulan la qaatay Guddiga Abaaraha Degmada, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda abaarta iyo saameynta ay ku yeelatay bulshada, wuxuuna ballan qaaday in Hay’addu sii xoojin doonto taageerada loo fidinayo dadka ay abaartu saameysay.

Sidoo kale, wafdiga uu hoggaaminayo Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa u gudbay degmada Baxdo, halkaas oo uu Guddiga Abaaraha Baxdo ku wareejiyay 100 Booyadood oo biyo ah si loo gaarsiiyo qoysaska nugul ee ku nool degmada iyo deegaannada hoos yimaada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha oo ku guda jira safarkiisa shaqo, ayaa qiimeyn iyo u kuurgalid ku sameeyay heerka ay abaartu u saameysay dadka xoolo-dhaqatada ah, si loo xoojiyo qorsheynta iyo dardargelinta gurmadka loo fidinayo bulshada nugul.

       

Ciidamada Xoogga Dalka oo la faray in ay ka qeyb qaataan gurmadka Abaaraha

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa faray dhammaan cutubyada kala duwan ee Ciidanka XDS in ay si buuxda uga qayb qaataan gurmadka iyo taakuleynta shacabka ay saameeyeen abaaraha ka jira qaybo ka mid ah dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kormeeray dhismaha xarunta wasaaradda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Mudane Cabdulqaadir Cali ayaa kormeer iyo la socodka heerka shaqada ku tagay dhismaha cusub ee xarunta dhexe Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka ah ee Degmada Boondheere, kaasi oo ay soo gaba-gabagabowday dib u dhiskeeda.

Intii uu booqashada ku guda jiray Agaasimaha Guud waxuu warbixin faahfaahsan ka dhageystay Injineerada gacanta ku haya howsha dhamaystirka kuwaas oo si joogto ah ula socda heerka dhismaha, baahiyada ay tahay in laga jawaabo si ugu dambeyn loogu guuro, Agaaaimaha Guud ayaa ku bogaadiyey shaqada socota isaga oo adkeeyey ahmiyadda in si degdeg lagu dhameystiro, loona qalabeeyo waxaa kale uu u mahadceliyey saxiibada caalamiga ah ee gacan ka geystay, weliba sii wada hirgelinta dhismahan.

Xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo 35 sano burbursaneyd ayaa dib u howlgalinteeda waxay door weyn ka qaadan doontaa dardargelinta iyo tayeynta hawlaha Wasaaradda iyada oo fududeyn doonta isku-duwidda shaqada, kor u qaadi doonta hufnaanta maamulka, kana caawin doonta wasaaradda hirgelinta himilooyinkeeda iyo ujeeddooyinkeeda istiraatiijiyadeed, si adeegyo hufan oo wax ku ool ah loogu gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

       

Safiirka aan deganeyn ee Botswana oo waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay

Danjiraha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika, Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka Botswana Dr. Phenyo Butale.

Danjire Maxamed Sheekh ayaa Wasiirka Guddoonsiiyay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ee Dalka Botswana, halkaas oo uu ka noqon doono Safiir aan daganeyn.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dalka Botswana ayuu Danjire Maxamed Isaaq ku guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibada Dalkaas nuqul kamid ah Warqadaha Safiirnimo, Waxaana sidoo kale uu gaarsiiyay Wasiirka salaan uu ka waday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya.

  

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Dhuusamareeb: Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug soo gaarsiiyey Kaararka codbixiyaasha hore loo diiwaangeliyey, si la isugu diyaariyo doorashada tooska ah ee golayaasha deegaanka.

Cismaan Geelle Jaamac oo ka mid ah hawlwadeenada guddiga ayaa sheegay in kaararka codbixiyaasha laga qaybindoono degmooyinka Dhuusamareeb, Guriceel, Xeraale, Xarardheere, Cadaado iyo Gaalkacyo.

Guddiga ayaa hore doorasho toos ah uga qabtay gobolka Banaadir dhamaadka sanadkii 2025, haatana waxaa la diyaarinayaa doorashooyinka dowladaha hoose ee dowlad goboleedyada

  

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo daahfuray Howlgalka Cusub ee ” Howlgalka Hillaac”

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):-WAR-SAXAAFADEED

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa daahfuray Hawlgal cusub oo loogu Magac daray “Hawlgalka Hillaac”, kaas oo ka socda Deegaanno ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka, oo Garab ka helaya Ciidamada AUSSOM ee Uganda iyo Saaxiibbada Caalamka, ayaa fulinaya Hawlgallo lagu burburinayo Saldhigyada Muhiimka u ah Khawaarijta, laguna jarayo Marinnada ay u adeegsadaan dhaqdhaqaaqyadooda gurracan, si loo wiiqo awooddooda isla markaana loo sifeeyo Haraadiga Khawaarijta ee dhagarta ka soo maleega Deegaannadaas, iyadoo la xaqiijinayo Nabadda Shacabka iyo Amniga Goobaha wax-soo-saarka muhiimka u ah Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa Geesinimada iyo Naf-hurka Ciidanka Qaranka, kuwaas oo iyagoo gudanaya waajibka soonka go’aansaday in ay sii wadaan dadaalkooda lagu xoraynayo dalka argagixisada.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in “Hawlgalka Hillaac” uu sii socon doono ilaa laga ciribtiro Khawaarijta caqabadda ku ah Nabadda, Horumarka iyo Dowladnimada Soomaaliya.

Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la kulmay Saraakiil ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Kulan la yeeshay U-qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya Antonino Mazzocca

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo adkeynta Xiriirka iyo Iskaashiga u dhexeeya Labada Ciidan.

Taliyaha XDS ayaa Dowladda Talyaaniga uga Mahadceliyay Taageerada joogtada ah ee ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan dhinacyada Tababarka iyo qalabaynta.

Dhankiisa, U-qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Talyaaniga, Captain (Navy) Antonino Mazzocca, ayaa caddeeyay in Dowladdiisu ka go’an tahay sii wadidda Taageerada iyo Iskaashiga, iyadoo la tixgelinayo Muhiimadda ay Nabadda iyo Xasilloonidu u leeyihiin Soomaaliya.

   

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XJFS oo Ka Tacsiyeynaysa Geerida Danjire Axmed Cabdalla Maxamed

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay Tacsi Tiiraanyo leh u diraysaa Qoyska, Ehelada, iyo Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Danjire Axmed Cabdalla Maxamed, oo Xalay ku Geeriyooday Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka.

Danjire Axmed wuxuu ahaa Diblomaasi Soomaaliyeed oo si Sharaf iyo Hufnaan leh ugu adeegay Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo Xilal Diblomaasiyadeed ka soo qabtay Dalalka Tunisia, Aljeeriya, iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, gaar ahaan Muddadii uu ka howlgalayay Magaalada Riyadh. Intii uu ku jiray Waayihiisa Shaqo, wuxuu door muuqda ka qaatay xoojinta joogitaanka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Horumarinta Xiriirrada Laba Geesoodka ah ee Dalkeenna la leeyahay Waddamadaas.

Waxaa si weyn loogu xusuusan doonaa Daacadnimadiisa, Xikmaddiisa, iyo u heellanaantiisa adeegga Dadweynaha.
Ka hor intii uusan ku biirin mihnadda Diblomaasiyadda, wuxuu ahaa Bare soo saaray Jiilal badan oo Soomaaliyeed, sidoo kalena wuxuu ahaa Suxufi Xirfaddiisa ka bilaabay Qeybta Afka Carabiga ee Radio Muqdisho. Noloshiisa waxay astaan u ahayd u adeegidda Aqoonta, Qarannimada, iyo Bulshada.
Geeridiisu waxay reebtay Raad muuqda oo ka mid noqon doona Taariikhda Diblomaasiyadda Soomaaliyeed. Wuxuu ka tegay Qoys ku suntan adeegga Qaranka, oo uu ka mid yahay Wiilkiisa Towfiiq Axmed Cabdalla, oo ka tirsanaa Shaqaalaha qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgalay Dalka Masar. Geeridiisa waxaa si qoto dheer uga tiiraanyoonaya bahda diblomaasiyadda, bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibaddaba, iyo dhammaan intii la soo shaqeysay ama garanaysay.

Wasaaraddu waxay mar kale tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyskiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan ehelka  uu ka baxay Marxuumku Xilligan Adag.
Ilaahay ha u Naxariisto, Janatul Firdawsana haka waraabiyo, Samir iyo Iimaanna haka siiyo dhammaan intii ka Tiiraanyeysan Geeridiisa.

 

Degmada Yaaqshiid oo u gudubtay Wareega Labaad ee Tartan Aqoonneedka Bisha Ramadaan.

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Degmada Yaaqshiid oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u gudubtay Wareegga labaad ee Tartan Aqoonneedka Bisha Ramadaan, kaddib markii 12 Dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Boosaaso ee Gobolka W.Bari,taas oo heshay 4 Dhibcood.

Tartankaan oo Habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxaa si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka,iyadoo sidoo kale laga  dhageysto Radio Muqdisho.

Tartan Aqoonneedka Bisha Ramadaan ayaa waxa uu galay sanadkii Lix iyo Tobnaad ,iyadoo Sanadkaan ay si Wadajir ah u taaba-gelinayaan Maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Sanad kasta Barnaamijka Tartan Aqoonneedka Bisha Ramadaan waxaa ka qeybgala 32 Degmo oo kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya,waxaana Degmadii ku guuleysata Tartankaasi lagu Abaalmariyaa Koobab,Lacago iyo Abaalmarinno kale sida Shahaadooyin muujinaya kaalinta Aqoon ee ay gaareen Dhallinyarada Jiilasha Cusub ee soo koroya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururada Siyaasadda Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda dalka, kuwaasi oo uu kala hadlay xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo xoojinta hannaanka curdunka ah ee dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ka dhageystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan horumarinta nidaamka doorashooyinka iyo sidii loo xaqiijin lahaa ka qaybgal siyaasadeed oo loo dhan yahay, isaga oo ku booriyay in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta, isla markaana ay si firfircoon uga qayb qaataan doorashooyinka qof iyo cod ee la qorsheynayo in laga qabto gobollada dalka.

Dhankooda, Madaxda Ururrada siyaasadda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay midnimada, wadatashiga iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeed, si loo xaqiijiyo dowladnimo dhameystiran iyo hannaan dimuqraadi ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qayb galay, Ra’iisulwasaare Kuxigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macalin iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane C/xakiim Maxamed Yuusuf.