Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Washington:- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa khudbad taabaneysa dhinacyo badan ka jeediyay fadhiga loo dhan yahay ee shirweynaha Bangiga Dunida ee matalaada kooxda 1-aad ee Afrika .

Kulankaan oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Bangiga Adduunka Ajay Banga, waxa uu ka mid yahay labada shir ee ugu muhiim san shirarka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka,iyadoo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay Bangiga Dunida ee matalaada kooxda 1-aad ee Afrika.

Wasiirka ayaa si gaar ah diiradda ugu saaray muhiimadda ay leedahay sare u qaadidda dakhliga gudaha, horumarinta nidaamka maareynta maamulka maaliyadda iyo hagaajinta hannanka maalgashiga dalka, xilli ay jiraan duruufo dhaqaale oo caalami ah iyo caqabado ku gadaaman Soomaaliya iyo dunida inteeda kale oo saameeyay ilaha dhaqaalaha.

Fadhiga Bangiga Adduunka ee Matalaada kooxda 1-aad ee Afrika waxaa inta badan lagu falanqeeyaa hannaanka maalgalin ee uu Bangigu siiyo qaaradda, iyada oo Dowladda Soomaaliya na ay ka mid tahay dalalka sida gaarka ah uga faa’idaysta fursadaha maalgalinta iyo mashaariicda horumarineed oo qaarkood hada ay si habsami leh uga soconayaan gudaha Dalka.

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Maamulka Degmada Buuhoodle,saraakiisha boliiska,kuwa daraawiishta iyo odayaasha dhaqanka ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay xaaladda amni ee degmadaasi iyo qaabka loo wajihi karo la-dagaalanka maandooriyaasha oo maalmahaam ku soo batay magaaadaasi.

Kulankaasi waxaa mudadii uu socsay la isla meel dhigay in dhinacyada ay khuseyso hoggaaminta bulshada ay meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka muqaaadaraadka,isla markaana la qabto oo maxkamad la soo taago cid kasta oo lagu helo ka ganacsi iyo cabiddamaandooriyaasha.

Dhinaca kale,saraakiisha ciidamada boliiska iyo kuwa daraawiisha ee u xilsaaran amniga ayaa la isku raacay in ay u howlgalaan soo qabqabashada kooxaha caadeystay ka ganacsiga khamrada iyo xashiishka.

Maalmahaan waxaa degmada Buuhodle ku soo badanaya dadka isticmaala maandooriyasha loo yaqaanno khamrada iyo xashiishka,kuwaas oo fara ba’an ku haaya bulshada ku dhaqan halkaasi.

Kulanka Ciidanka Boliiska oo looga hadlay xakameynta hubka sharci darada ah

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan C/Laahi ayaa shirguddoomiyay kulan todobaadle ah oo loo qabtay saraakiisha  hoggaanada ciidanka Boliiska ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee  dalka,gaar ahaan soo celinta amniga iyo xakamaynta hubka sharci-darrada ah ee lagu dhex wato gudaha caasimadda iyo deegaanada kale ee dalka.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo qaaday sida ay lama huraanka u tahay dib u dhiska iyo casriyeynta xarumaha shaqada ee ay ku howlgalaan ciidanka Boliiska.

Taliyaha Cidanka Boliiska ayaa ka mahadceliyay doorka ciidanka ee ku aadan sugidda amniga,wuxuuna intaa raaciyay in ciidanka Boliiska ay yihiin adeegayaal laf-dhabar u ah shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ka hortagga iyo La dagaallanka fikradaha Xagjirka ah ee wata rabshadaha Mudane Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar ayaa Magaalada Nairobi kula shiray Agaasimaha Guud ee Xafiiska Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Kuuriyada Koonfureed Mr. Wankyu Park iyo Ku xigeenkiisa Marwo Juyoung Baek.

Shirkaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, horumarinta barnaamijyada lagama maarmaasnka u ah dhalinyarada, kobcinta xirfadaha iyo dhisidda bulsho leh adkaysi oo laf-dhabar u ah ka hortagga xagjirnimada iyo soo celinta xasillooni waarta.

Labada dhinac ayaa is-weydaarsaday aragtiyo iyo tallooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sida loo abuuri karo fursado shaqo iyo wacyigelin bulsho, si loo yareeyo u nuglaanshaha dhalinyarada ee xagga marin-habaabinta iyo ku biirista kooxaha xagjirka

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Yuusuf Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha ururrada dhallinyarada ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Dhinacyadaasi ayaa ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta u dhaxeysa wasaaradda iyo dhallinyarada ,isla markaana loogu diyaargaroobi lahaa xuska maalinta qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed,taas oo ku began 15 ka May.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaalka Wasaaradda ee lagu xoojinayo hoggaaminta ajandaha qaran ee horumarinta dhallinyarada, iyadoo mudnaanta la siinayo wadatashi ka qaybgal dhab ah iyo dhisidda iskaashi wax ku ool ah oo u dhexeeya Wasaaradda iyo ururrada dhallinyarada dalka.

Kulankaasi oo ay sidoo kale ka hadleen Madaxa Waaxda Horumarinta Dhallinyarada Ayaan Cabdullahi iyo Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Maxamed Cali Siyaad waxaa intii uu socday la is dhaafsaday qodobbo la xiriira sida ugu habboon ee looga qeybqaadan karo horumarka dalka ,gaar ahaan kuwa khuseeya u diyaargarowga maalmaha qaran ,sida xuska malinta dhallinyarada.

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

Istanbul:  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dolmabahçe ee magaalada Istanbul waxa uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta, iyadoo Madaxweyne Xasan iyo Erdoğan ay dul-istaageen miro-dhalka iskaashiga maalgashi ee Soomaaliya iyo Turkiga oo meel sare gaaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Turkiga doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u dhiska, adeegyada bulshada iyo amniga.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxa ayna hambalyeeyeen billowga soo saarista shidaalka Soomaaliya oo markabkii qodi lahaa uu soo gaaray dalka.

Wafdi ka socda Baarlamaanka Soomaaliya oo Turkiga uga qaybgalaya shir caalami ah

Istanbul: Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga uga qeybgalay Shirweynaha 152-aad ee Baarlamaanada Aduunka oo si rasmi ah halkaasi uga furmay.

Shirkan oo ay ka qeyb galaayaan wakiilo ka socda Baarlamaanada Aduunka, waxaa Soomaaliya ku metelaya wafdi uu heerkiisu aad u sarreeyo oo uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka labaad Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Shirweynaha Baarlamaanada Aduunka ayaa sanadkan looga hadlayaa arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga caalamka, isbeddelka cimilada, horumar waara, dimuqraadiyadda, iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga baarlamaannada Aduunka.

       

Wasiirka cadaaladda oo qaabilay agaasimayaal ka socda dowlad goboleedyada

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin iskugu jira Agaasimayaal Guud iyo saraakiil sarsare oo ka socday dowlad-goboleedyada dalka, kuwaas oo booqasho shaqo ugu tagay Wasaaradda.

Kulankan muhiimka ah ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu dardargelinayo diyaarinta iyo hirgelinta Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa (NACS 2026–2030), iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray tallaabooyinka xiga ansixinta istiraatiijiyadda, oo ay ka mid yihiin diyaarinta qorshaha hawleed, xoojinta isku-duwidda hay’adaha, iyo dardargelinta fulinta howlaha mudnaanta leh.

Wasiirka ayaa bogaadiyay wadashaqeynta dhow ee u dhaxaysa bahda cadaaladda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, isaga oo si gaar ah u tilmaamay muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada horumarineed ee horyaalla hay’adaha cadaaladda dalka. Mas’uuliyiinta dowlad-goboleedyada ayaa dhankooda muujiyay sida ay uga go’an tahay hirgelinta istiraatiijiyadda, iyagoo soo bandhigay talooyin wax-ku-ool ah oo kor loogu qaadi karo fulinteeda iyo waxtarkeeda.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada in la sii xoojiyo wadashaqeynta iyo iskaashiga dhow, si loo hubiyo hirgelinta qorshayaasha qaran, gaar ahaan Istiraatiijiyadda La-dagaallanka Musuqmaasuqa, waxaa uu sidoo kale xaqiijiyay in Wasaaraddu qaadan doonto doorkeeda hoggaamineed ee dardargelinta iyo taageeridda istiraatiijiyaddan, iyadoo la xoojinayo isku-duwidda hay’adaha, kormeer joogto ah iyo isla-xisaabtan hufan.

   

Ciidanka Gorgor oo kaalmo ka qaybiyey Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor ayaa gargaar u fidiyay shacabka ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Baay, kadib dhibaatooyin isugu jira abaaro, cunno yari iyo xaalado amni oo saameeyay nolosha dadka deegaanka.

Goobaha ay Ciidamada gurmadkaan gaarsiiyeen waxaa kamid ah Mad-dhoos, Gomarey iyo tuuooyin kale oo ka tirsan gobolka Baay.

Gurmadkaan ayaa isugu jiray raashinka noocyadiisa kala duwan, biyo-dhaamin loo sameeyay shacabka, iyo adeegyo caafimaad oo degdeg ah, si loo yareeyo dhibaatada haysata dadka deegaanka.

   

Wasiirka arrimaha dibadda oo aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka India

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay isla markaana ka guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Safiirka Jamhuuriyadda Hindiya u qaabilsan Soomaaliya Dr. Adarsh Swaika kaas oo fadhigiisa rasmiga ah ee deegaan uu yahay Magaalada Nairobi Dalka Kenya.

Kulanka ayaa ayaa lagu gorfeeyay xiriirka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya, kaas oo salka ku haya iskaashi iyo is afgarad muddo dheer soo socday.

Labada dhinac ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in iskaashigan loo rogo mashaariic wax ku-ool ah oo miro dhal ah, si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah loona xaqiijiyo faa’iidooyin muuqda oo ay ka faa’iideystaan shacabka labada dal.

Wasiirka Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa ugu dambeyn Danjiraha u rajeeyay inuu si hufan oo guul leh u guto waajibaadkiisa Shaqo inta uu xilka hayo.