Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay isla markaana ka guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Safiirka Jamhuuriyadda Hindiya u qaabilsan Soomaaliya Dr. Adarsh Swaika kaas oo fadhigiisa rasmiga ah ee deegaan uu yahay Magaalada Nairobi Dalka Kenya.
Kulanka ayaa ayaa lagu gorfeeyay xiriirka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya, kaas oo salka ku haya iskaashi iyo is afgarad muddo dheer soo socday.
Labada dhinac ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in iskaashigan loo rogo mashaariic wax ku-ool ah oo miro dhal ah, si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah loona xaqiijiyo faa’iidooyin muuqda oo ay ka faa’iideystaan shacabka labada dal.
Wasiirka Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa ugu dambeyn Danjiraha u rajeeyay inuu si hufan oo guul leh u guto waajibaadkiisa Shaqo inta uu xilka hayo.


