Wafdi ka socda Baarlamaanka Soomaaliya oo Turkiga uga qaybgalaya shir caalami ah

Istanbul: Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga uga qeybgalay Shirweynaha 152-aad ee Baarlamaanada Aduunka oo si rasmi ah halkaasi uga furmay.

Shirkan oo ay ka qeyb galaayaan wakiilo ka socda Baarlamaanada Aduunka, waxaa Soomaaliya ku metelaya wafdi uu heerkiisu aad u sarreeyo oo uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka labaad Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Shirweynaha Baarlamaanada Aduunka ayaa sanadkan looga hadlayaa arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga caalamka, isbeddelka cimilada, horumar waara, dimuqraadiyadda, iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga baarlamaannada Aduunka.