Degmooyinka Kismaayo iyo Dhuusamareeb oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka Ramadaanka

Degmada Kismaayo ayaa xalay Tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ka reebtay degmada Warta-nabadda,halka Degmada Dhuusamareeb ay iyaduna ka adkaatay dhigeeda Xaradheere.

Degmada Kismaayo ayaa heshay 10 dhibcood,halka Degmaga Dhuusa mareeb ay iyaduna keensatay 12 dhibcood tartan ay la galeen Warta-nabadda iyo Xaradheere oo helay 4 iyo 6 dhibcood.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ayaa waxa uu galay sanadkii lix iyo tobnaad ,iyadoo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga “Horumarka Soomaaliya”, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer sare ah oo si guul leh u qabsoomay, looguna talagalay Diblomasiyiinta laga aqoonsan yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kas oo qaybgalka ballaaran ee Danjirayaasha iyo wakiillada caalamiga ah ayaa muujiyay qoto dheeraanta xiriirrada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo kalsoonida dib loo cusboonaysiiyay ee ku aaddan jihada iyo horumarka dalka.

Wasiirku waxa uu u mahadceliyay Diblomaasiyiinta asigoo u muujiyay qaddarin ku aaddan wada shaqeyntooda, ka qeybgalka firfircoon iyo taageeradooda joogtada ah, xilli ay Soomaaliya dardargelinayso dadaalladeeda nabadeed, dowlad dhisidda, iyo mudnaanta horumarinta dhaqaalaha.

                              

Xildhibaanadda labada aqal ee BJFS oo maanta ka dooday cutubyada 12-aad iyo 13-aad ee dastuurka

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 23-aad ee wadajirka ah, waxaana Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenada labada aqal.

Guntanka ama kooramka kulanka wadajirka ah ee maanta oo ku furmay 172-xildhibaan oo labada aqal ah, waxa uu ajendihiisu ahaa dib u eegista dastuurka, marxaladda labaad, soo jeedimaha wax ka baddalka dastuurka gaar ahaan cutubka 12-aad oo ka hadlaya difaaca iyo amniga qaranka iyo sidoo kale cutubka 13-aad oo ka hadlaya qodobo guud.

Intaasi ka dib Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dood xasaasi ah ka yeeshay qodobada labada cutub, waxaana waxyaabaha aad looga dooday ka mid ahaa qodobada ka hadlaya ciidamada qalabka sida.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyey ka doodista guud ahaan 13-ka cutub ee dastuurka, wuxuuna u mahadceliyey Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka dalka oo inta dooda cutubyada dastuurka ay socotay wakhti badan geliyey si wanaagsanna uga dooday qodobada cutubyada dastuurka iyo guddiga Baarlamaanka labadiisa aqal u qaabilsan dib u eegista iyo la socodka dastuurka iyo sidoo kale Guddiga Madaxa-banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

              

Wasiirka hawlaha guud XFS oo kormeeray dhismaha jidadka ka socda Dhuusamareeb

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf , oo ay weheliyaan Wasiirka Hawlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudan Wasiir Axmed Dhiblaawe Casir Iyo Agaasiamaha Guud mudane Maxamed Cabdi Cilmi , ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay jidadka dhismahoodu ka socdo magaalada Dhuusamareeb.

Intii uu socday kormeerku, Wasiirku shirkadda fulinaysa mashruuca ayaa Wasiirka iyo wafdiga la socday si faahfaahsan uga warbixiyay heerka uu marayo dhismaha jidadka, qorshaha lagu dhammaystirayo, iyo yoolalka horumarineed ee mustaqbalka dhow la hiigsanayo.

Wasiir Ayuub Ismaaciil Yuusuf iyo wafdigiisa ayaa bogaadiyay dadaalka iyo xirfadda ay shirkadda Buruuj ku bixinayso hirgelinta mashruucan muhiimka ah, iyagoo xusay in dhismaha jidadkani uu door muuqda ka qaadanayo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, isla markaana uu noqon doono dhaxal horumarineed oo wax ku ool ah.

            

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhagaystay hoggaanka ururrada aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka doorashooyinka dadweynaha, xoojinta dimuqraadiyadda, iyo ka-qaybgalka bulshada ee arrimaha siyaasadda, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed oo ku dhisan wadashaqeyn, si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo daahfuran, loona dhiso hay’ado dowladeed oo ku yimaadda rabitaanka shacabka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay ka go’an tahay dhageysiga dhammaan daneeyayaasha siyaasadda dalka, si loo helo aragti mideysan oo lagu wajahayo amniga dalka arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dowlad-dhiska.

Xukuumadda Dan Qaran ayaa ku hawlan dhamaystirka doorashada tooska ah ee dowladaha hoose, iyada oo la filayo in muddo kooban degmooyin badan oo dalka looga qabto doorashada cod iyo qof ee goleyaasha deegaanka.

             

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka warbixiyay kulan u dhexeeyay Turkiga iyo dalalka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulankaasi looga arrinsaday guulaha laga gaaray xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya Turkiga iyo wadamada Afrila oo ay ku jirto Dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in kulankaasi si gaar ah looga hadlay siii ambaqaaididda howlaha lagu xoojinaayo dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada ee ay u baahan yihiin dhinacyadaasi.

Mudane Daa’uud Aweys waxa uu caddeeyay in la isku afgartay dardargalinta nidaamka  wadashaqeyneed ee lagama maarmaanka u ah xagga dibolomasiyadda iyo jiritaanka dalalka Afrika iyo Turkiga.

Wasiirku waxa uu ka dhawaajiyay in si gaar ah looga hadlay Xirirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyo kaalinta dalkaasi uu ka qaatay dowlad dhiska Somaaliya iyo samotabixinta dadka iyo dalka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac waxa uu isagoo ka faa’ideysanaaya kulankaasi dhexmarat Afrika iyo Turkiga uu ka mahadceliyay waxqabadka dowladda Turkiga ee ku asdan Soomaaliya,wuxuuna intaa raaciyay in shacabka dalkaasi iyo dowladdiisa ay u hayaan abaal weyn oo aan la iloobi doonin.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo lagu soo dhoweeyay Jiddah

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa gaaray Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudi Carabiya,halkaas oo loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.

Wasiiru Dowlaha ayaa ka qeybgali doona kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka OIC,kaas oo looga hadlaayo qodobbo dhowr ah oo ay ku jiraan arrimaha Falastiin iyo kuw kale oo khuseeya danaha ururkaasi.

Mudane Cali Balcad waxaa Magaalada Jiddah ku soo dhoweeyay Qunsulka Soomaaliya ee Jiddah Dr.C/Weli Xirsi C/lle,Sii hayaha ergayga joogtada ee Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka C/Raxiin Cismaan Cilmi iyo xubno kale oo ka tirsan qunsuliyadda.

Danjire Cabdinuur Daahir oo waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan,

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah u gudbiyey nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Danjiranimo, waxaana ka guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane, Jeyhun Bayramov.

Munaasabadda guddoonsiinta waraaqaha oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Azerbaijan, waxaa wasiirka iyo Safiirka ay halkaasi ku yeesheen kulan isbarasho, iyagaoo ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Sidoo kale dhinacyadaasi ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, dhaqaalaha, iyo iskaashiga Caalamiga.

Safiirka ayaa u mahadceliyay dowladda Azerbaijan ,isagoo sheegay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxaysa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan.

 

Wasiirada 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 XFS oo ka hadlay ilaalinta nidaamka sharci ee ganacsiga

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa Xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Kullanka oo ay qeyb ka ahaayeen khubaro laba dhinac ah oo ka socda wasaaradahaasi ayaa waxaa looga hadlay horumarinta iyo dardargelinta dadaallada lagu xoojinayo ganacsiga Soomaaliyeed, si loo helo sal sharci oo aas-aas u noqda arrimaha ganacsiga dalka.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray dejinta hannaan sharci oo ku aaddan xallinta murannada iyo khilaafaadka ganacsi iyo sameynta maxkamado u gaar ah arrimaha ganacsiga.

Waxaa hoosta laga xarriiqay in Wasaaradda Cadaaladda qaadato doorka dhismaha maxkamadahaas iyo dejinta habraacyada sharci ee lagu maamuli doono, halka Wasaaradda Ganacsiguna ay soo dhameystiri doonto xeerarka lagama maarmaanka u ah ganacsiga iyo ilaalintiisa.

Labada wasiir, waxa ay  isla garteen in la magacaabo guddi howleed farsamo oo ka kooban labada Wasaaradood, si ay u diyaariyaan hanaankii lagu hirgelin lahaa arrimahaas.

Degmada C/Casiis oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

Degmada C/Casiis oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib markii 12 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir,taas oo heshay 4 dhibcood.

Tartankaan oo habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxaa si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka,iyadoo sidoo kale laga  dhageysto Radio Muqdisho.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ayaa waxa uu galay sanadkii lix iyo tobnaad ,iyadoo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.