Wasaaradda amniga oo bulshada ku bogaadisay la shaqeynta hay’adaha amniga

Wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadisay u hoggaansanaanta awaamiirta hay’adaha amniga iyo ku gacan-siinta shaqadooda, ayaa dhanka kale masuuliyiinta heerarka kala duwan ee dowladda ku wargelinaysa xoojinta habraacyada amniga gaadiidka, si looga hortago isku dayada naf-la-caariga ah ee kooxaha Khawaarijta.

Wasiirka hawlaha guud iyo madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah oo 60-km

Dhuusamareeb: Wasiirka hawlaha guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta Dhuusamareeb uga qayb galay munaasabadda daah-furka dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo deegaanka Qaradhi, taasi oo dhererkeedu gaarayo 60-KM.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu ku muujiyay sida ay uga go’an tahay maamulkaGalmudug horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dhismaha waddooyinka oo laf-dhabar u ah isku socodka bulshada iyo kobaca ganacsiga, isaga oo xusay in mashruucan uu door weyn ka qaadan doono isku xirka deegaanada, fududeynta socodka iyo sare u qaadista fursadaha horumarineed ee Galmudug.
Mashruucan dhismaha waddada Dhuusamareeb iyo Qaradhi ayaa waxaa maalgelinaya Midowga Yurub, waxaana munaasabadda daah-furla mashruuca ka qayb galay, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee maamulka Galmudug.
     

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo yeeshay Kulan ku saabsan Xoojinta Iskaashiga Dhinaca Warbaahinta

Ankara(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo uu wehliyo Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Magaalada Ankara kulan kula yeeshay Wasiirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Turkiga, Mudane Burhanettin Duran.

Kulanka Labada dhinac waxaa looga hadlay Xoojinta Iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidii Warbaahinta ay qeyb weyn uga qaadan lahayd guulaha uu ku tallaabsaday iskaashiga labada Dal oo haatan meel fiican maraya.

Labada dal ayaa isku Afgartey inay abuuraan Wadashaqeyn Istaraatiijiyadeed oo looga Hortagayo Dhibaatada Wararka been-Abuurka ah, isla markaana la iska kaashado Xirfadaha iyo Aqoonta Warbaahinta Casriga ah.

Wadahadalka Labada dhinac ayaa qeyb ka ah Kulan Caalami ah oo looga hadlayo Xoojinta Saaxiibtinimada uu Turkiga la leeyahay Afrika, gaar ahaan Iskaashiga iyo Wax Wadaqabsiga sii kordhaya ee sida gaarka ah u dhexeeya Soomaaliya.

Shirkan Caalamiga ah waxaa ka soo qeybgalay Diblomaasiyiin, Aqoonyahanno iyo Khubaro, kuwaas oo si Saraaxad leh uga doodaya Iskaashiga Dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, oo ay ku jiraan dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, Sayniska, iyo Is-Dhexgalka Dadyowga Labada Dal.

     

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada oo Faahfaahin ka bixiyey Halka uu marayo Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, iyagoo faahfaahin ka bixiyay Halka uu marayo Dagaalka ka Dhanka ah Kooxaha Khawaarijta, isla markaana Shacabka uga digay inay la macaamilaan Khawaarijta.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasiirka Amniga, Wasiirka Ganacsiga, Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta iyo Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Ugu horreyn, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macallin ayaa sheegay in Kooxaha Argagixisada ahi ay Shacabka ku dhibaateeyaan Lacago ay si qasab ah uga qaadaan. “Argagixisadu waxay nagu dishaa Maal ay ka qaaddo Shacabka Soomaaliyeed, mana aha wax Sax ah,” ayuu yiri Wasiirku, isaga oo Shacabka uga digay inay wax Macaamil ah la yeeshaan Khawaarijta.

Dhankiisa, Wasiirka Amniga Mudane Cabdillaahi Fartaag ayaa caddeeyay in Lacagaha ay qaadaan Khawaarijtu aysan ahayn Sako, balse ay yihiin Daad Sharci Darro ah. “Waa la caddeeyay inaysan Sako ahayn waxa ay qaadaan Khawaarijtu, waxaana ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Wasiirka Ganacsiga Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fogaadaan bixinta Lacago ay Kooxdu ku sheegato Canshuur. “Ganacsatada Soomaaliyeed ha iska ilaaliyaan Kooxda Khawaarijta Lacagaha ay qaadayaan, iyagoo ku gabbanaya Canshuur Baad ah,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mudane Cismaan Axmed ayaa si cad u sheegay in Baadda ay qaadaan khawaarijtu aysan wax Shaqo ah ku lahayn Sakada Islaamka. “Baadda ay qaadaan khawaarijtu ma aha Sako,” ayuu xusay.

Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa mar kale adkeeyay in Dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka Kooxaha khawaarijta, iyagoo Shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Hay’adaha Amniga si loo xoojiyo Nabadda iyo Xasiloonida Dalka

Dowladda Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Dowladda Kuwait Munaasabadda Maalinta Qarankeeda Awgeed

Mudisho(Wargeyska Dalka):-Munaasabadda Maalinta Qaranka ee Dowladda Kuwait Awgeed, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay Hambalyo iyo Bogaadin u diraysaa Amiirka Dowladda Kuwait, Sheikh Meshal Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, iyo Shacabka Walaalaha aan nahay ee Dowladda Kuwait.

Soomaaliya waxay si weyn u qadarinaysaa Xiriirka Taariikhiga ah ee Qotada Dheer ee ka dhexeeya Labada Dal, waxayna Rajaynaysaa in la sii Xoojiyo Iskaashiga iyo Wada Shaqeynta ku Dhisan Is-Ixtiraam, Walaaltinimo, iyo Horumarka Labada Dal.

Wasiir Cadaala: Shirkeenna Maanta waxa uu ku saabsanaa Bayaaminta sida DJFS u curyaamisay Dhaqaalihii Kooxaha Khawaarijta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, iyagoo faahfaahin ka bixiyay Halka uu Marayo Dagaalka ka Dhanka ah Kooxaha Khawaarijta.

Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa sheegay in Dagaalka ay Dowladdu kula jirto Khawaarijta uu leeyahay Saddex Weji oo Istaraatiiji ah,isagoo tilmaamay in Wejiga koowaad oo ahaa in Dagaal toos ah oo Militari lagu beegsado Maleeshiyaadka iyo Hoggaankooda, si loo wiiqo Awooddooda Dagaal iyo joogitaankooda Deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan taas na Dowladda Guul Weyn ka gaadhay oo ka xoraysay Dhamaan Deegaanadii Kooxdu ku dhuuman jirtay.

Wejiga Labaad Dagaalka  ayuu Wasiirku sheegay inuu ahaa Dagaal Dhanka Afkaarta ah, kaas oo lagu ciribtirayo Fikirka Xagjirka ah ee ay ku marin habaabiyaan Dhalinyarada, laguna xoojinayo wacyigelinta Bulshada iyo ka hortagga Fikirrada Qalafsan,dadaal dheer ka dibna si weyn ayaa loogu jabiyey khawaarijta iyadoo beryihii u dambaysay isa soo dhiibayeen Tirada Dhalinyaradii ugu badnad ee ka soo laabata fikir Xagjirka ah.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu Carrabka ku adkeeyay in Wejiga Saddexaad uu ahaa Dagaal Dhaqaale, kaas oo lagu beegsanayo Ilaha Dhaqaale ee ay Kooxda ka heli jirtay Baadda iyo Handadaadda ay ku hayeen Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Shirkeenna Maanta waxa uu ku saabsanaa sida DFS ay u curyaamisay Dhaqaalihii Baadda ahaa ee Khawaarijtu ka qaadi jireen Muwaadiniinta Soomaaliyeed, taas oo Guul Weyn laga gaaray,” ayuu yiri Wasiir Cadaala.

Mas’uuliyiinta ayaa xusay in tallaabooyinka la qaaday ay horseedeen in si weyn loo yareeyo Awooddii Dhaqaale ee Kooxda, taas oo qeyb ka ah Dadaallada Ballaaran ee lagu sugayo Amniga iyo Xasilloonida Dalka.

 

Hay’adda NISA oo Hawlgaladii u Dambeeyey ku dishay in ka badan 23 Qof oo Khawaarij ah

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka, ayaa Afar Howlgal oo Qorsheysan oo Toddobaadkan ay ka fuliyeen Deegaanno ka kala Tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ku dilay in ka badan 23 Dhagar-Qabe oo ka Tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo isu diyaarinayay in ay falal Amni Darro ka fuliyaan Degmooyin ka Tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Howlgalladan, oo ahaa kuwo ka hortag ah, ayaa yimid kaddib markii Hay’adda NISA ay heshay Xog Sirdoon oo muujinaysay in Kooxda Khawaarijtu ay Maleeshiyaad ku abaabulayeen Deegaannada Waab-Weyn iyo Goobo, oo hoostaga Degmada Maxaas, islamarkaana uu hoggaaminayay Horjooge lagu Magacaabo Mustaf Caato, iyo Maleeshiyo kale oo lagu uruurinayay Deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weeraradan, oo kii ugu Dambeeyay uu dhacay Xalay Gelinkii Dambe, ayaa sidoo kale lagu burburiyay Xero ku Taallay Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad u Badnaa Kuwa ay ugu yeeraan Xisbada, kuwaas oo Qeyb ka ahaa fulinta Weerarro ay Argagixisadu u maleegayeen Deegaanno ka Tirsan Gobolka Hiiraan.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay xoojisay Howlgallada ka hortagga iyo ciribtirka Argagixisada si loo xaqiijiyo Amniga iyo Xasilloonida Guud ee Dalka. Fadlan Muwaadin, wixii khatar Amni ah ama Macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454

 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay shir lagu xoojinayo xiriirka dalalka Turkiga iyo Soomaaliya

Ankara:-Shir heer sare ah oo lagu xoojinayo saaxiibtinnimada iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa ka socda magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Madasha shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta xiriirka Afrika, gaar ahaan iskaashiga sii kordhaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa waxaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga qeybgelaya Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo khubaro ka kala socota dalal kala duwan, kuwaas oo ka doodi doona horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, sayniska iyo is dhexgalka dadyowga labada dal.

Degmada Xuddur oo u gudubtay wareegga labaad ee tartanka Ramadaan

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo tobnaad, isla markaana ay qabanayso Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa si toos ah habeen kasta  uga baxa Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed iyo  Radio Muqdisho.

Xalay waxaa tartan cilmiiyeedka ku loollamay degmooyinka Xudur iyo Boondheere, oo ka kala tirsan gobollada Banaadir  iyo Bakool,iyadoo Barnaamijkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan Bangiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Degmada Xudur ayaa xalay u gudubtay wareegga labaad ee tartanka, kaddib markii ay heshay 12 dhibcood, halka Degmada Boondheere  ay keensatay 8 dhibcood.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Soomaaliya iyo Kasakhstan oo iska kaashanaya sahminta Shidaalka

Astana: Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Kazakhstan danjire Fatxudiin Cali Maxamed ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada Astana mas’uuliyiin sare oo ka tirsan waaxda tamarta ee Kazakhstan, si loo sahmiyo fursadaha iskaashi ee ku saabsan sahminta iyo horumarinta shidaalka iyo gaaska.

Kulamada waxaa ka mid ahaa la-kulanno uu la yeeshay Askhat Khassenov, Guddoomiyaha Guddiga Maamulka ee KazMunayGas, iyo Mudane Sanzhar Zharkeshov, Wasiir Ku-xigeenka Tamarta ee Jamhuuriyadda Kazakhstan.

Wadahadalladu waxay diiradda saareen iskaashi suurtagal ah oo ku saabsan waaxda tamarta gaar ahaan qeybta hore (upstream), taasoo muujinaysa dan wadajir ah oo ku aaddan dhisidda iskaashi faa’iido u leh labada dal. Dhinaca Kazakhstan ayaa muujiyay awooddooda farsamo ee xooggan, khibradda ballaaran ee ay u leeyihiin sahminta khayraadka shidaalka iyo gaaska (hydrocarbons), iyo furfurnaantooda ku aaddan iskaashi caalami ah, gaar ahaan suuqyada tamarta ee soo koraya.

Intii lagu guda jiray kulamada, Safiir Fathudin Ali Mohamed ayaa soo bandhigay fursadaha ka jira Soomaaliya ee la xiriira shidaalka iyo gaaska dhulka (onshore) iyo badda (offshore), isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta khayraadka si mas’uuliyad leh, dejinta hannaan sharci oo hufan, iyo la shaqeynta shirkado caalami ah oo khibrad leh.

Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimada sahminta juqraafiyeed (geological exploration) oo saldhig u ah iskaashi waqti dheer ah, oo ay ku jiraan adeegsiga tiknoolajiyada casriga ah sida helidda xogta seismic, falanqaynta xogta sare, iyo qaabaynta dhulka hoostiisa (subsurface modeling). Waxaa sidoo kale la isla gartay muhiimadda wareejinta aqoonta, kobcinta awoodda (capacity-building), iyo iskaashi farsamo si loo taageero horumar waara oo dhinaca tamarta ah.

Kulamada ayaa ku soo dhammaaday muujinta rabitaan wadajir ah oo lagu xoojinayo wada-hadalka iyo in la sahmiyo waddooyin wax-ku-ool ah oo iskaashi oo ku saabsan shidaalka iyo gaaska, taasoo calaamad u ah tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka tamareed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kazakhstan.