Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee JamhuuriyaddA Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Sii-Hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Raisedon Zenenga.
Wasiirka iyo Sii- Hayaha Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa kulankooda kaga hadley horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dib u heshisiinta, dhaqaalaha iyo adeegyada arrimaha bulshada.
Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyay taageerada ay u fidiso Soomaaliya oo uu ku tilmaamey inay kaalin wax ku ool ah ka qaadaneyso dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.
Sii-Hayaha Wakiilka Qaramada Midoobay Mr. Zenenga ayaa dhinaciisa waxaa uu bogaadiyay tallaabooyinka ay hiigsaneyso Dowladda Soomaaliya, isagoo xusay sida Qaramada Midoobay uga go’an tahay sii wadista garab istaagga hawlaha ka socda dalka ee ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.


