

Tan iyo markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday Gogosha Wadatashiga Qaran Bishii Maarso 2025, waxa ay Dowladu waday Wadatashiyo joogto ah oo ay la laheyd dhamaan Madaxdii hore ee Dalka, Bulshada Rayidka ah, Aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta kala duwan, si ay u dhageysato Talooyinkooda ku aadan Dhismaha Dowladnimo Casri ah, iyo Dimuqradiyeynta Dalka taas oo ka jawaabeysa Himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa in Arrimaha Masiiriga ah ee Dalka lagu xalliyo Wada-Xaajood, Wadatashi iyo Is-aAfgarad ku dhisan Dastuurka, Sharciga iyo Danaha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda waxa ay si buuxda u Aqoonsan tahay Doorka Muhiimka ah ee ay leeyihiin dhammaan Daneeyayaasha Siyaasadeed ee Dalka, Gaar ahaan marka laga arrinsanayo Hannaanka Doorashooyinka, Dhismaha Hay’adaha Dowladeed iyo Xasilloonida Nidaamka federaalka ah.
Iyadoo laga jawaabayo Baaqii ka soo baxay Shirkii qaar ka mid ah Mucaraadka ee la baxay Golaha Mustaqbalka ee ku qabsoomay Magaalada Kismaayo 18-20 December 2025, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay fidisay Gogol Wada-Xaajood Dhab ah, kana turjumaya Niyad-Wanaag iyo Mas’uuliyad Qaran. Gogoshaas oo si Rasmi ah uga furantay Madaxtooyada Qaranka (Villa Soomaaliya) 18 Febraayo 2026, iyadoo ujeeddadu ahayd in laga gaaro Is-Afgarad Ajendyaal hore loogu soo heshiiyey.
Ka hor inta aan la guda gelin Wada-Xaajoodyada, waxaa Kulamo Doceedyo loogu soo heshiiyey in Diiradda la saaro Saddex Qodob oo kala ah:
1. In la sameeyo Guddi ka soo Talo bixiya Arrimaha Doorashada Federaalka.
2. In la qabto Doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada.
3. In Bisha Abriil 2026 la qabto Kulanka Labaad ee Gogosha si loo sii Ambaqaado Hanaanka Doorashada federaalka ah.
Dowladda waxay Nasiib Darro u aragtaa in Maalintii koowaad ee Wada-Xaajoodka ay qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Mustaqbalka si kedis ah u beddeleen Ajendihii lagu Heshiiyey, iyaga oo ku soo daray Qodobo Cusub oo aan horey loogu Heshiin, kuwaas oo aan lahayn Sal-Dastuuri ah iyo Tixraac Sharci. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa in Golaha Mustaqbalku ay Talo toos ah ku yeeshaan Hannaanka iyo Maamulka Doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada kale, taas oo ah Arrin si Cad uga hor imanaysa Mabaadi’da ku xusan Dastuurka Dalka.
Dowladdu, iyada oo ilaalinaysa ruuxda Wada-Xaajoodka iyo Hannaanka Sharciyeed ee lagu heshiiyey, waxay muujisay Dulqaad, Dabacsanaan iyo Dadaal Joogto ah oo lagu ilaalinayo Ajendihii hore loogu heshiiyey, si Wada-Hadalladu u noqdaan kuwo Miro-Dhal ah. Waxaase Nasiib Darro ah in Golaha Mustaqbalku ay soo saareen Bayaan baal-marsan Habraacyadii, Nuxurkii iyo Ruuxdii Wada-Xaajoodyada Labada Maalmood socday, iyo kulamo-Doceedyadii Gogol-Xaarka u ahaa ee ka horeeyay, taas oo dhaawacaysa Geeddi-Socodka Wada-Hadallada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay markale ku celinaysaa in Albaabada Wada-Xaajoodku u furan yihiin Cid kasta oo diyaar u ah Wada-hHadal Dhab ah, iyada oo la ilaalinayo Dastuurka iyo Shuruucda kale ee Dalka.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkaynaysaa in ay ka go’an tahay hirgelinta Hannaan Doorasho oo waafaqsan Dastuurka Dalka, kana turjumaya Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la ilaalinayo Midnimada qQaranka.
Dowladda waxay sii wadi doontaa Dadaallada ay ugu jirto Dhismaha Mustaqbal Qaran oo Mideysan, Nabad ah, Dimuqraadi ah, isla markaana ku dhisan Dowladnimo Waarta iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed.
Dhammaad
Muqdisho (Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (NEOC) ku soo dhoweeyay Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxa Cusub ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA), Mudane Per Karlsson, oo ay weheliso Marwo Cecelia.
Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (NEOC), oo lagu dhisay Taageerada Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA), ayaa haatan si buuxda u shaqeysa, waxayna door muuqda ka qaadaneysaa xoojinta Isku-Duwidda Gurmadka Degdegga ah iyo Maaraynta Musiibooyinka Dalka, taas oo Astaan u ah sida ay Dowladda Sweden uga go’an tahay Taageerada Soomaaliya, Gaar ahaan dhinacyada u adkeysiga Bulshada iyo horumarinta Hay’adaha Dowliga ah.
Inta uu socday Kulanka, Labada dhinac waxay adkeeyeen Muhiimadda xoojinta Wada-Shaqeynta Istiraatiijiga ah, Horumarinta Isku-Duwidda Heer Qaran, hirgelinta tallaabooyinka ku saleysan Saadaasha Hore (anticipatory action), iyo Sare u qaadidda Awoodda Hawlgallada Degdegga ah.
Wafdiga ka socday Dowladda Sweden ayaa sidoo kale Booqasho Qiimeyn ah ku sameeyay Qeybaha kala duwan ee Xarunta, iyagoo ku Ammaanay Hay’adda SoDMA sida ay ugu diyaargarowday ka Jawaabidda Xaaladaha Degdegga ah, Gaar ahaan Abaarta ka jirta Dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo Gurmadka iyo u-diyaargarowga Musiibooyinka.
Ugu danbeyn Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa si gaar ah u bogaadiyay Garab istaagga Dowladda Sweden ee la xiriira Howlaha maareynta Musiibooyinka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay Wada-Shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa Hay’adda SoDMA iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA),.
Muqdisho (Wargeyska Dalka):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed “CXDS” ayaa fuliyay Howlgallo Amni oo Qorsheysan oo ka dhacay Deegaanno hoos yimaada Degmada Raage Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalkan Guuleystay ayaa qayb ka ah Ololaha Qaran ee socda, kaas oo lagu Ciribtirayo Argagixisada Khawaarijta—laguna xaqiijinayo badbaadada Shacabka. Inta lagu guda jiray Howlgalkan oo ay fuliyeen Ururka 10-aad Qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor ayaa lagu naafeeyey Cadowga, wuxuuna ka dhacay Tuullooyinka Daba-Gaab iyo Xabaal-Duub oo 20-Km Dhanka Galbeedka ka Xiga Degmada Raagge-Ceelle.
Ciidamada Xoogga Dalka oo Baaris Dheeraad ah sameeyey ayaa Miino Baaris iyo Kormeer ku sameeeyey aagaga Muhiimka ah Wadooyinka Shacabka Isticmaalaan, sida uu sheegay Abaanduulaha Ururka 10-aad Qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor Laba Xidigle Cabdikariim Rashiid.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay wadaa Howlgallo Xooggan oo ka dhan Kooxaha Khawaarijta, kuwaa sii socon doona ilaa laga xaqiijinayo Amniga Guud ee Gobolka.
Degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib markii 10 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay,taas oo heshay 2 dhibcood.
Tartankaan oo habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxaa si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka,iyadoo sidoo kale laga dhageysto Radio Muqdisho.
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo tobnaad waxaa sanadkaan si wadajir ah u taaba-gelinaya Bangiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wafti uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Ayub Ismaaciil Yuusuf, ayaa Booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dhuusamareeb Xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Wafdiga Wasiirka oo ka kooban Hawlwadeennada Wasaaradda, Masuuliyiinta Mashaariicda, khubaro iyo la-Taliyeyaal Farsamo, Galmudug. Masuuliyiinta soo dhaweynta ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Amniga, Wasiirka Qorshaynta, Wasiir Dowlaha Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiin kale.
Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Wasiirka ayaa Dhagax-dhigi doona Dhismaha Waddada isku xirta Dhuusamareeb iyo Cadaado. Mashruucan oo ay maamusho Hay’adda RIPS, kana hoos shaqeysa Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XJFS, waxaa maalgelinaya Bangiga Horumarinta Afrika iyo Midowga Yurub.
Wasaaradda Hawlaha Guud, oo masuul ka ah dejinta iyo hirgelinta Siyaasadda Qaran ee dhismaha iyo Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha, ayaa sii xoojin doonta dadaallada lagu Horumarinayo Kaabeyaasha Dalka iyo kor u qaadista Adeegyada Bulshada.


Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Xarunta hay’adda ku qaabbilay Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, Mudane Hameed Nuur.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashiga Labada dhinac, gaar ahaan u-diyaargarowga iyo ka-jawaabista degdegga ah ee Musiibooyinka, dhisidda adkeysiga Bulshada, iyo Horumarinta nidaamyada digniinta hore. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay Xaaladda Bani’aadannimo ee Dalka iyo falanqaynta Nidaamka Kala Saarista Heerarka Sugnaanta Cuntada (IPC).
Agaasimaha WFP ayaa intaa ku dartay soo bandhigista Qorshaheeda Istaraatiijiyadda Dalka ee 2026–2028, kaas oo la jaanqaadaya qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Fadliga Bisha Ramadaan Awgiis, markale Cafis u fidiyay Dhallinyarada la qalday ee ka Tirsan Khawaarijta, haddii ay ka tanaasulaan Fikirka Xagjirka ah oo ay dib ugu soo laabtaan Dadkooda iyo Dalkooda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda ay diyaar u tahay inay Cafis siiso Dhallinyarada la marin-habaabiyay, isla markaana loo abuuri doono Nolol Cusub iyo Fursado ay dib ugu dhisan karaan Mustaqbalkooda, si ay uga mid Noqdaan Bulshada inteeda kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq u diray Dhallinyaradaasi, isaga oo yiri:
“Waxaan Baaq u dirayaa Dhallinyarada la marin-habaabiyay ee ka Tirsan Khawaarijta. Waxaad tihiin Dhallinyaro Soomaaliyeed oo la qalday. Dowladda idinlama rabto inaad ku dhammaataan Jid Qaldan. Waxaan rabnaa inaad badbaaddaan, Nolol Dhisataan, Nabad ku Noolaataan, Dadkiinna ka mid noqotaan, kana shaqeysaan Wanaagga iyo Horumarka Dalka iyo Dadka.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Bisha Ramadaan ay tahay Bil Naxariis, Cafis iyo isu-soo noqosho, isla markaana ay tahay Fursad Qaali ah oo Qof walba ku sixi karo khaladaadkii hore, si uu ugu laabto Jidka toosan iyo Nolol Sharaf leh.
Muqdisho(Wargeyska Dalka);–Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa Weerarrada Argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara ee Waqooyi-Galbeed Dalka Nigeria, kuwaas oo sababay Dhimashada in ka badan 50 Qof oo Rayid ah, isla markaana lagu Afduubtay Haween iyo Carruur.
Soomaaliya waxay Garab istaag u Muujineysaa Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, waxayna Tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Qoysaska ay ka Geeriyoodeen Dadkooda, iyadoo u Rajeynaysa Dhaawacyada Bogsasho Degdeg ah.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in si Degdeg ah oo Shuruud La’aan ah loo sii daayo Dhammaan Dadka la Afduubtay, waxayna Taageeraysaa Dadaallada ay Nigeria ku doonayso in Caddaaladda la horkeeno kuwii Falalkan geystay.
Qaaradda Afrika waa inay Midnimo ku wajahdaa Argagixisada isla markaana mudnaanta siisaa ilaalinta Rayidka.
