Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo tobnaad, isla markaana ay qabanayso Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxaa habeenkii xalay ahaa ku baratamay degmooyinka Gubadley iyo Galbahaarey. Tartankan oo si toos ah looga daawado Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, lagana dhageysto Radio Muqdisho ayaa habeen walba inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa ku tartama labo degmo oo ka mid ah degmooyinka dalka.

Hadaba, waxaa Xalay tartanka ku loollamay degmooyinka Gubadley iyo Galbahaarey oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo. Degmada Gubadleey ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartanka kaddib markii ay heshay 16 dhibcood, halka Degmada Galbahaareey ay heshay 12 dhibcood.

Barnaamijkan waxaa si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka

Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar Xasan Kobac ayaa maanta deegaanka Maroodile ka daah-furtay wajiga labaad ee biyo-dhaamin gaaraysa 50 booyadood, kuwaas oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Biyo-dhaamintan laga daah-furay Maroodile ayaa waxaa ka faa’iideystay shacabka iyo xoolaha ay abaartu saameysay ee ku nool deegaanka iyo tuulooyinka hoos yimaada, kuwaas oo si weyn ay u saameysay abaarta daran ee ka jirta dalka.

Hey’addu waxay muddooyinkii dambe waday dadaallo biyo-dhaamin ah oo ay ka fulinaysay gobollada Hiiraan iyo Bakool, si qoysaska iyo duunyaduba u helaan biyo nadiif ah oo wax ka qabta baahida biyo la’aaneed ee ka dhalatay abaarta.

Madasha lagu daah-furayay wajiga labaad ee biyo-dhaaminta ayaa waxaa ka hadlay, kana mahadceliyay Sanatar Xasan Kobac, Sheekh Cabdullaahi, Sheekh Aadan, Nabadoon Maxamed Xasan Ibraahim iyo Barre Cali Dheere oo ka mid ah guddiga deegaanka Maroodile.

Ugu dambeyn, Ibraahim Cabdi Maxamed oo ku hadlayay afka Hey’adda Xasan Kobac Foundation ayaa sheegay in hay’addu ay ka go’an tahay sii wadista dadaallada biyo-dhaaminta iyo u gargaaridda dadka ay saameeyeen abaaraha, si loo yareeyo saameynta abaarta loona badbaadiyo nolosha dadka iyo duunyada.

 

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran ugu hambalyaynaysaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya aan walaalaha nahay munaasabadda Maalinta Aasaaska, taas oo calaamad u ah taariikh iyo hiddaha qaran ee Boqortooyada.

Maalintan taariikhiga ah, Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin gaar ah u diraysaa Ilaaliyaha Labada Masjid ee Barakeysan, hoggaanka, dowladda, iyo shacabka Sacuudi Carabiya, iyada oo u rajaynaysa xasillooni waarta barwaaqo, iyo horumar qaran.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u qadarinaysaa xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal, kaas oo ku dhisan ixtiraam, kalsooni, iyo danaha wadajirka ah. Soomaaliya waxay rajaynaysaa in xiriirkani sii xoojin doono iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, si loo gaaro horumar guud oo labada dhinac ka wada faa’iideysanayaan.

Kulan Looga Hadlay Isku-Duwidda iyo Wada-Shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka);– Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (XJFS), Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa Guddoomiyay kulanka Guddiga Isku-Dhafka Wasaaradaha ee Dadaallada Xasilinta.

Ujeeddada Kulankan ayaa ahayd xoojinta Isku-Duwidda iyo Wada-Shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee ku Howlan Arrimaha Xasilinta. Waxaa si Gaar ah diiradda loo saaray qiimeynta baahiyaha Jira, kala Hormarinta faragelinta, Caqabadaha taagan, iyo sidii loo dardargelin lahaa dadaallada ka socda Deegaannada dhowaan laga xoreeyay Khawaarijta, gaar ahaan Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Mas’uuliyiinta ka socday Hay’adaha kala duwan ee Dowladda ee ka qaybgalay kulanka ayaa adkeeyay muhiimadda mideynta dadaallada, dejinta mudnaanta qorsheyaasha, iyo is-waafajinta howlaha socda. Waxay sidoo kale muujiyeen go’aan adag oo ku aaddan hirgelinta iyo horumarinta dadaallada xasilinta ee heer Qaran, si loo xaqiijiyo Nabad Waarta iyo dib u soo kabashada Deegaannada la xoreeyay.

    

Ciidamada Xoogga Dalka oo Hawlgallo Qorshaysan ka wada Degmada Xawaadley ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Muqdisho(Wargeyska Dalka);–Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga Deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Kooxaha Argagixisada ee Amni-Darrada ka wada Deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle.

Deegaanka Xawaadley, oo hoos taga Magaalada Jowhar, ayaa ah meel Istaraatiiji ah oo Muhiim u ah isku socodka Gaadiidka iyo Isku Xirka Tuulooyinka Gobolka.
Ciidamada ayaa sameynaya Baaritaanno Guri-Guri ah, iyagoo hubinaya inaysan jirin Xubno ka Tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanaya Goobahaasi. Sidoo kale, waxaa la adkeeyay Ammaanka Waddooyinka Muhiimka ah si loo xaqiijiyo Badqabka Shacabka iyo Gaadiidka Isticmaala.

Saraakiisha Hoggaamineysa Howlgalka ayaa sheegay in Ujeeddadu tahay in la xaqiijiyo Xasiloonida Deegaanka, lana burburiyo Fariisimaha iyo Godadka ay Kooxdu ku dhuuman karto.

Howlgalkani wuxuu qeyb ka yahay Istaraatiijiyadda Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula dagaallamayso Khawaarijta, si loo xoojiyo Amniga Guud ee Dalka, Gaar ahaan Gobollada Bartamaha.

Deeq Raashin ah oo la gaarsiiyay Qoysaska ay saameysay Abaarta ee ku Nool Bariga Gobolka Mudug

Muqdiaho(Wargeyska Dalka);- Ku dhowaad 130 Qoys oo ku dhaqan Deegaannada Afbarwaaqo, Qoriweyn iyo Tuulooyinka hoos yimaada, kuwaas oo ay si weyn u saameysay Abaarta ka jirta qaybo ka mid ah Bariga Gobolka Mudug, ayaa la gaarsiiyay Deeq isugu jirta Raashin, Biyo iyo Xoolo Nool.

Deeqdan ayaa ka timid Ganacsade Khadar Nuur Maxamed, oo ka mid ah Aqoonyahannada ku Nool Magaalada Muqdisho,ayaa kusoo aaday xili Abaaro daran ay ka jiraan qeyba kamid Gobolka Mudug.

Maamulka Degmada Afbarwaaqo iyo Odayaasha Dhaqanka ee Deegaannadaasi ayaa si weyn uga Mahadceliyay Deeqda la soo gaarsiiyay Shacabka, iyagoo tilmaamay inay kusoo beegantay xilli ay Dadka Deegaanku baahi xooggan u qabeen Gargaar Bani’aadannimo, maadaama ay jireen Duruufo Nololeed oo adag oo ka dhashay Abaarta.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen Ganacsatada kale iyo Hay’adaha Samafalka inay ku daydaan tallaabadan, si loo Garab istaago Qoysaska Danyarta ah ee wali Wajahaya saameynta Abaarta ka jir Bariga Gobolka Mudug

Meydadka Dad Tahriibayaal ah oo laga helay Dalalka Liibiya iyo Giriigga

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Sideed Ruux oo mayd ah ayaa laga helay Biyaha Badaha Dalalka Liibiya iyo Giriiga, xilli tirada Dadka socotada ah ee ku dhintay Badda Mediterranean-ka ay sii kordhayso.

Booliska Liibiya ayaa helay meydadka Shan Qof oo Tahriibayaal ah oo ku soo caariyay Xeebta u dhow Caasimadda Tripoli Dalka Liibiya, iyadoo dhanka kale Mas’uuliyiinta Giriigga ay ku dhawaaqeen Dhimashada Saddex Qof oo kale oo Meyd ah iyaguna in laga helay Xeebta Crete.

Wakaaladda Wararka ee Athens ayaa Sabtidii sheegtay in Mas’uuliyiintu ay soo heleen Saddex Meyd ah, isla markaana ay badbaadiyeen ugu yaraan 20 Qof oo kale kadib markii Doon Alwaax ah oo siday Tahriibayaal magangalyo doon ah ay ku degtay Xeebta Crete.

Inta badan Dadkii badbaaday waxay ahaayeen Masaari iyo Suudaan, sida la sheegayna waxaa ku jiray afar carruur ah oo aan qaan-gaarin.

Meydadka Liibiya waxaa Sabtidii helay Dadka deggan Magaalada Xeebta ee Qasar al-Akhyar, sida uu sheegay Sarkaal Boolis ah ee Hassan Al-Ghawil,wuxuuna intaa raaciyay in dhammaan meydadkaasi oo ahaa dad madow ah ay ku jireen  laba haween ah.

Musiibadaan ayaa timid Toddobaadyo kadib markii Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ay sheegtay dhimashada Konton iyo Saddex Muhaajiriin ah, kadib markii doon Caag ah oo ay saarnaayeen 55 Qof ay ku degtay Xeebta Magaalada Zuwara ee Galbeedka Tripoli.

Sidoo kale dhimashada Dadka Tahribka ah ayaa timid xilli Mas’uuliyiinta Giriiggu ay ka jawaabayeen dhacdo kale oo ka dhacday Bariga Mediterranean-ka.

 

Degmada Deyniile oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):’Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo tobnaad, isla markaana ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, lagana dhageystaa Radio Muqdisho habeen walba,xalay waxaa tartanka ku loollamay degmooyinka Waabari iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir. Barnaamijka waxaa si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Degmada Deyniile ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartanka kaddib markii ay heshay 10 dhibcood, halka Degmada Waabari ay ka heshay 8 dhibcood.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cabdiqaadir Cali ayaa shir istiraatiiji ah la yeeshay mas’uuliyiinta wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, si dib loogu qaabeeyo jihada wada shaqeynta iyo isku-dubaridka barnaamijyada mudnaanta leh.

Kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey Iswaafajinta qorshayaasha istiraatiijiga ah ee labada wasaaradood, Xoojinta isla-xisaabtanka iyo nidaamka dabagalka mashaariicda, Kordhinta dhaqaalo dheeri ah la heli karo, iyo Dardargelinta fulinta barnaamijyada dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhisidda

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo abuuri lahaa hannaan wada shaqeyn oo joogto ah, loona mideyn lahaa qorsheyaasha fulineed si loo gaaro natiijooyin la cabbiri karo oo saameyn xoogan ku leh maamulada iyo bulshooyinka Soomaaliyeed.

Gunaanadka shirka ayaa lagu go’aamiyey in la dhiso guddi farsamo oo wadajir ah, kaas oo diyaarin doona khariidad-hawleed (roadmap) cad, dejin doona jadwal fulineed oo waqtiyeysan, islamarkaana xaqiijin doona in mashaariicda la qorsheeyey ay noqdaan kuwo wax-ku-ool ah, waara, isla markaana la jaanqaadaya qorshaha qaran ee horumarinta dalka.

       

Koonfur Galbeed oo diyaarineysa ciidamo ka qeyb qaata adkeynta amniga

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa booqasho iyo dhiiragelin ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo loo diyaarinayo adkeynta amniga iyo ilaalinta dowladnimada koonfur galbeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in dowladdu ka go’an tahay taageeridda iyo tayeynta ciidamada, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran ee ku aaddan difaaca dalka, ilaalinta dowladnimada, iyo ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso amniga, dib u dhiska hay’adaha dowliga ah, iyo sugidda nabadda shacabka ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed.