Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo ka Warbixiyay Natiijooyin la Taaban karo ee laga gaaray Horumarinta Waxbarashada Dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka Warbixiyay Natiijooyin la Taaban karo oo laga gaaray Horumarinta Waxbarashada Dalka, isaga oo sheegay in Isbeddel Dhab ah lagu sameeyay Nidaamka Waxbarashada Muddo ka yar 45 Bilood

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Waxbarashada Tayadeeda Sare loo qaadayo ay ahayd hadaf Qaran oo Saldhig u ah Horumarka, Sharafka iyo Mustaqbalka Dalka, Wuxuu tilmaamay in Ballanqaadyadii Hore loo beddelay Waxqabad Muuqda iyo Natiijooyin la Taaban karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xusay in markii ay Xafiiska la wareegeen ay jireen 900 Macalin oo keliya oo ku diiwaangashanaa Shaqaalaha Dowladda ee Mushaariga ah, Halka wax ka yar Afar Carruur ah Midkood uu Dugsi dhiganayay, Wuxuu Caddeeyay in Xaaladdaasi si Weyn isku beddeshay hadda.

Muddo laba sano ku dhow, ayuu sheegay in la shaqaaleysiiyay 6,000 macalin oo leh tababar ku filan, kuwaas oo loo kala diray guud ahaan dalka, laga bilaabo magaalooyinka waaweyn ilaa tuulooyinka fogfog, Tirada macallimiinta ayaa la qorsheynayaa in dhawaan la gaarsiiyo 10,000, halka bartilmaameedku yahay 12,000 dhammaadka sannadka 2026.

Sidoo kale, markii ugu horreysay taariikhda dhow, mushaarka macallimiinta ayaa gebi ahaanba laga bixiyaa dakhliga gudaha ee dowladda, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid ka tarjumeysa isku filnaansho iyo maalgashi qaran oo lagu dhisayo mustaqbalka dalka.

Dhanka tacliinta sare, ku dhowaad 250,000 Arday oo qalinjabisay iyo 200,000 Arday oo hadda waxbarashada ku jira ayaa ka diiwaangashan nidaamka tacliinta sare, Tirada Ardayda u fariisatay imtixaanka dugsiyada sare ayaa kor uga kacday 7,000 ilaa 39,000 Arday, iyadoo markii ugu horreysay Muddo 30 Sano ah Imtixaan Qaran lagu qabtay Magaalada Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qiray in Dalka uu weli u baahan yahay ku dhowaad 120,000 Macalin si loo daboolo baahida Waxbarasho ee Carruurta Soomaaliyeed, balse wuxuu adkeeyay in la xaqiijiyay in Isbeddel Dhab ah la sameyn karo, Nidaamyadana dib loo Dhisi karo.

Ugu Dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda ay ka Go’an tahay in Ilmo kasta oo Soomaaliyeed, meel kasta oo uu joogo, uu helo Fursad Waxbarasho oo Tayo leh, si loo xaqiijiyo Qaran dib u soo kabtay oo Mustaqbalkiisa si kalsooni leh u hoggaaminaya.

Dowladda oo dishay Xubnihii ugu Badnaa ee Khawaarijta u qaabilsanaa Baada ay ka qaado Shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Khawaarijta, iyadoo Hawlgallo Qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidammada Amniga lagu dilay Saddex Horjooge oo ka Tirsanaa Garabka Maaliyadda iyo boobka Hantida Shacabka ee Kooxda Khawaarijta.

Hawlgalladan oo ka kala dhacay Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubadda dhaxe ayaa lagu beegsaday Horjoogeyaal si gaar ah ugu lug lahaa ururinta Baadda, dhaca Hantida Shacabka iyo Maalgelinta falalka Argagixiso ee ay Kooxdu Khawaarijtu ka waddo Dalka.

Horjoogaha Koowaad ayaa lagu Magacaabi jiray Cabdillaahi Xasan, oo loo yaqaanay Cabdillaahi Wadaad, kaas oo lagu dilay Hawlgal ka dhacay Deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Ninkan ayaa ahaa Horjooge u qaabilsanaa Kooxda dhibaataynta iyo ka qaadista Lacago Baad ah Shacabka ku dhaqan Gobollo kala duwan oo uu uga soo Hawlgalay Khawaarijta.

Horjoogaha Labaad, Axmed Dhubad Xiddig oo loo yaqaanay Aadan Dheere, ayaa isna lagu dilay hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Cutubyo ka Tirsan Kumaandooska Gaashaan, Hawlgalkan ayaa ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose Halkaas oo uu ku dhuumaaleysanayay. Aadan Dheere ayaa ahaa Horjoogihii u qaabilsanaa Kooxda ururinta Baadda iyo Dhaqaalaha laga qaadi jiray Shacabka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Hawlgal Gaar ah ayaa lagu dilay Maxamed Sahal oo loo yaqaanay Abu Usama, kaas oo Xilal kala duwan ka soo qabtay Kooxda, oo ay ka mid ahaayeen waxa ay ugu yeeraan Dabagalka Maaliyadda iyo Horjoogaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa Xubnaha ugu dhow Horjoogaha Guud ee Kooxda, Axmed Diiriye.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Hawlgalladan ay qeyb ka yihiin Dadaallada Joogtada ah ee lagu Burburinayo Shabakadaha Maaliyadeed ee Kooxaha Khawaarijta, si loo Ciribtiro Awooddooda Dhaqaale loona Badbaadiyo Hantida iyo Nolosha Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyn Dowladda ayaa ku celisay Baaq ay u dirtay Shacabka Soomaaliyeed, kuna dhiirrigelisay inay la shaqeeyaan Hay’adaha Amniga, si loo dardargeliyo Ciribtirka Kooxaha Nabad Diidka ah loona Xaqiijiyo Amniga iyo Xasilloonida Dalka.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, oo ka dhacay Villa Somalia, kaas oo looga hadley arrimaha masiiriga sida doorashooyinka, dhameystirka dastuurka, abaaraha iyo dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka ee ajiibay gogoshii xukuumaddu ay u fidaisay 19 bishii Jannaayo 2026.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Muslimiinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, isaga oo ku baaqay in loo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thaani, iyagoo diiradda ku saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka Qaramada Midoobay, kaas oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa, kana mid ahaa kulan-doceedyada muhiimka ahaa ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika.
6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed midnimo iyo wadajir, isaga oo kula dardaarmay in ay u naxariistaan dadkeenna ay abaartu saamaysay.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Safiirka Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi . waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Qatar.
8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika,isagoo carrabka ku adkeeyey fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka jira dhinacyada dekadaha, beeraha iyo kalluumeysiga.
9- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u kala wareegay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya qalab ciidan oo loogu talagalay cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad.
10- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa daah-furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan, isagoo hambalyo u diray bahda Warbaahinta Qaranka oo sanadkii 16-aad wada barnaamijka dood cilmiyeedka tartanka.
11- Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xqaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP u qaabilsan Soomaliya Hameed Nuru, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta horumarinta maamulka biyaha iyo adeegsiga hannaanka casriga ah ee xogta biyaha.
12- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada,kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, iyo bah-wadaagta si loo dardargeliyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.
13- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa qaabilay Danjire Muuse Jaamac Cali oo ah Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfurta Suudaan, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta nabadda iyo iskaashiga amniga ee gobolka.
14- Wasiirada Gaashandhiga ,Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa kormeer ku tagay degaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo dib-u-dejin rasmi ah u sameeyeey qoysaskii ay horey uga barakiciyeen kooxda Khawaarijta degaannada.
15- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Claver Gatete, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, iyadoo kulanka looga hadlay dhinacyada ganacsiga iyo fursadaha maalgashiga ee ka jira Soomaaliya.
16- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal.
17- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah u furay kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab, isaga tilmaamay ahmiyadda mashruucan uu u leeyahay dowlad-dhiska dalka.
18- Wasiirka Batroolka Daahir Shire Maxamed ayaa maalin weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay in dalka Turkiga laga soo sagootiyay Markabka Cagri Bey, oo howlgal shidaal qodis ka sameyn doona xeebaha dalkeenna.
19- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige, ayaa shir guddoomiyay kulankii 24-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo a diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku dubbaridka hannaanka maamulka maaliyadda dalka.
20- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac. ayaa la kulmay wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo uu horkacayey Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi Axmed Diiriye.
21- Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hambalyo u diray Ciidanka Cirka Soomaaliyeed munaasabadda sannad-guurada 66-aad ee aasaaskooda, iyagoo ku bogaadiyay doorka ay ku leeyihiin difaaca dalka iyo la dagaallanka argagixisada.
22- Dalka Turkiga ayaa laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona xeebaha dalkeenna.
23- War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay aqoonsiga sharci darrada ah ee Israa’iil ay sheegtay in ay siisay gobolka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya , iyagoo mar kale adkeeyay mowqifkooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
24- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Ilyaas Cali Xasan, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey madaxda amniga iyo socdaalka ee Dowladda Soomaaliya go’aankii lagu ansixiyey naqshadda iyo daabacaadda Baasaboorka cusub ee Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC) ee Soomaaliya.
25- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cumar Cali Afrax ayaa guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha dhismaha waddooyinka iyo nidaamka bulaacadaha ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
26- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa kulan la qaadatay Kirsten Young oo ah madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya.
27- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jarmalka, Mudane Cabdulcasiis Maxamuud Maxamed ayaa si rasmi ah loogu guddoomay warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo ee dalka Hungary.

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran  iyo kuwa barakacayaasha ah ee ka soo cararay abaaraha ba’an ee ka jira gudaha dalka.

Dowladda Sooaaliya,qaar kamid ah dalalka carabta, Hey’adaha samofalka iyo bulshada Soomaaliyeed ayaa bilaabay in ay taakuleeyaan dadka la ildaran dhibaaatooyinka ee ku soo jabay caasimadda dalka iyo deegaanada kale ee ay ka maamulaan dowlad goboleedyada.

Maalinimadii shalay Hay’adda Qadar Charity ayaa magaalada Muqdisho ka daahfurtay mashruuc ballaaran oo deeq gargaar ah lagu gaarsiinaayo ilaa 6 kun oo qoys oo danyar ah,kuwaas oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo ay saameeyeen abaaraha ba’an ee dalka ka jira.

Sidoo kale maamulka Somali Action Network ayaa raashin u qeybiyay qoysas ka soo barakacay abaaraha oo ku sugan duleedka magaalaa Muqdisho,halka Hay’adda SSWC ay iyaduna lacago maalgelin iyo gargaar raashin ah gaarsiiseen haweenka leh ganacsiyada yaryar iyo kuwa dantayar ee degmada Hodan.

Dhinaca kale, dadka xoola dhaqatada ah ee wajahaya abaaraha ka jira gobolada dhexe,gaar ahaan deegaanada dhaca Magaalada Cadaado ayaa helay deeq biyo dhaamin ah oo lagu diirsaday.

Sidoo kale,Urur Siyaasadeedka Xornimo iyo Xaqsoor ayaa magaalada Baydhabo ka bilaabay gurmad biyo dhaamin ah oo lagu taageerayo qoysaska danyarta ah.

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo ka hadlay xaflad loo sameeyay la wareegidda 11 gaadiid ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahay sidii loo ilaalin lahaa badqabka xoolaha oo inta badan ay ku tiirsan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa yiri “Gaadiidka gurmadka deg degga ah ee aan la wareegnay waxaa muhiimaddu tahay in loogu shaqeeyo dadka xoolo dhaqatada ah ee ku kala sugan gobolada dalka”.

Wasiirka Xanaada Xoolaha XFS ayaa xusay in gaadiidkaasi oo ku qalabeysan adeegyada loogu talagalay caafimaadka xoolaha loo qeybin doono dowlad goboleedyada,si wax loogu qabto dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanada ka fog magaalooyinka.

Deeqdaan gaadiidka ah oo ay maalgaliyeen  Bangigga Horumarinta Afrika waxaa loo soo marsiiyay Hey’adda Caruurta Save The Children ee ka howlgasha gudaha Dalka Soomaaliya

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Saleh bin Nasser Al-Jasser.

Heshiiskan ayaa khuseeya iskaashiga dhinacyada Gaadiidka Badda iyo Horumarinta Dekadaha, waxa uu xoojinayaa xiriirka istaraatiijiyadeed iyo wada-shaqeynta qotada dheer ee u dhexeysa labada dal.

Iskaashigan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta kaabeyaasha dekadaha, tayeynta adeegyada gaadiidka badda, dhiirrigelinta maalgashiga, iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta farsamo.

Heshiiskan ayaa kor u qaadaya hufnaanta iyo wax-soo-saarka dekadaha dalka, kordhinta isku xirka ganacsiga badda, iyo xoojinta doorka Soomaaliya ku leedahay marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee gobolka. Sidoo kale, waxa uu kaalin muuqata ka qaadan doonaa kobaca dhaqaalaha qaranka iyo abuuridda fursado horumarineed oo waara.

    

Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed

Qaar ka mid ah akoonnada baraha bulshada ayaa faafinaya eedeymo lagu sheegayo in Dowladda Turkiga ay si hal dhinac ah uga faa’iideysanayso kheyraadka dabiiciga ah iyo tamarta Soomaaliya, gaar ahaan shidaalka. Eedeymahaasi waa warar been abuur ah oo marin habaabin ah, kuwaas oo si ula kac ah loo abuuray si loo leexiyo xaqiiqda loona wiiqo iskaashiga wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Heshiiska wadajirka ah ee ay kala saxiixdeen Shirkadda Batroolka Turkiga ee Turkish Petroleum Corporation (TPAO) iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa si cad u qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay si buuxda u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana dhammaan howlaha sahminta iyo soo saarista lagu fulinayo si waafaqsan shuruucda iyo danaha qaranka.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa marar badan adkeeyay in iskaashiga tamareed uu ku saleysan yahay hufnaan, ixtiraam wadajir ah iyo ilaalinta madaxbannaanida qaran ee Soomaaliya.

Xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya waa mid taariikhi ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyo badan leh, oo ay ka mid yihiin horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, amniga iyo maalgashiga. Waa xiriir u dhexeeya laba dal oo madaxbannaan, saaxiib iyo walaalo ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga waxay mar kale ku boorrinayaan shacabka iyo warbaahinta in aysan rumaysan wararka been abuurka ah iyo macluumaadka marin habaabinta ah ee lagu bartilmaameedsanayo iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada dal, isla markaana ay ku kalsoonaadaan macluumaadka rasmiga ah ee laga helo hay’adaha dowladda.

Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee XFS, Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wakiilka iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya (WFP), Mudane Hameed Nuru. Kulanka ayaa lagu xoojiyey iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada (MoECC) iyo Hay’adda WFP.

Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray la qabsiga isbeddelka cimilada, sugnaanta cuntada, barakaca, iyo saameynta ka dhalata isbeddelka cimilada sida abaaraha, fatahaadaha, iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Labada dhinac waxay dib u xaqiijiyeen ka go’naanshahooda wadajirka ah ee ilaalinta nolosha, dhowrista deegaanka, iyo dhisidda adkaysi waara ee bulshooyinka nugul ee Soomaaliya.

    

Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah ee hoos ku xusan:

Axdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Hortagga Isku-Dhacyada Badda (COLREG 1972)

Axdiga Caalamiga ah ee Aasaasidda Sanduuqa Caalamiga ah ee Mag-dhawga Waxyeellada Wasakheynta Shidaalka (1992)

Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga,

U-diyaar-garowga iyo Ka Jawaabista Wasakhowga Saliideed (1990)

Meel-marinta axdiyadan waxay muujinaysaa dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo badbaadada, ilaalinta deegaanka badda, iyo kor u qaadista sumcadda iyo kalsoonida Soomaaliya ee saaxadda caalamiga ah.

Sidoo kale, waxay laf-dhabar u yihiin horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee gaadiidka iyo ganacsiga badda, iyagoo waafaqsan heerarka iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinkan istiraatiijiga ah ay qeyb ka yihiin qorshayaasha Wasaaradda iyo siyaasadda guud ee Xukuumadda Dan-Qaran, iyagoo si toos ah u taageeraya hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), difaacidda danaha qaranka, iyo sare u qaadista kaalinta Soomaaliya ee ganacsiga iyo gaadiidka badda ee heer gobol iyo mid caalami ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo Taliyaha Ciidanka AUSSOM, Sareeye Guud Sam Kavuma.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Howlgalka AUSSOM, hirgelinta Qorshaha Kala guurka Amniga, iyo dardargelinta howlgallada socda ee lagula ciribtirayo Khawaarijta, Taliyaha Ciidanka XDS ayaana uga mahadceliyay AUSSOM doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo xasillinta dalka.