Madaxweyne xasan sheekh oo xubnaha golaha mustaqbalka ku soo dhaweeyey madaxtooyada qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka, kuwaasi oo soo ajiibay Gogosha wadatashi ee ay fidisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Soo dhoweyn kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan labo-geesood ah oo lagaga hadlayo xaalada guud ee dalka, doorashooyinka, adkeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, gurmadka abaaraha iyo la dagaalanka Khawaarijta.

 

Golaha Wasiirrada XFS oo Muqdisho ku yeeshay shirkii todobaadlaha ee golahaasi

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo abaaraha ba’an ee saameeyay qaybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Golaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda gurmadka bani’aadannimo iyo dardargelinta qorsheyaasha wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha abaarta.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku saabsan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, waxaana loo magacaabay Mudane Liibaan Cabdi Cigaal.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhagaystay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kuwaas oo ku saabsanaa saameynta bacaadka uu ku yeeshay dalka, iyo xaaladda diyaaradaha ka howlgala gudaha Soomaaliya iyo tallaabooyin ay qaaday wasaaraddu oo shaqada lagaga joojiyey diyaarado dhamaystiri waayey shuruudihii looga baahnaa ee dhanka badqabka, waxaanna guddi loo saaray kasoo talo-bixinta iyo baarista tayada diyaaradaha iyo adeegyada ay bixiyaan kuwaas oo golaha usoo bandhigi doona warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda diyaaradaha dalka.

Golaha ayaa ansixiyay Axdiyo iyo Siyaasado muhiim u ah horumarinta iskaashiga caalamiga ah iyo ilaalinta badaha, kuwaas oo kala ah

  1. Axdiga Caalamiga ah ee Asaasidda Sanduuqa Caalamiga ah ee Magdhowga Waxyeelada Wasakhaynta Shidaalka (1992).
  2. Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga u Diyaargarowga iyo Ka Jawaabista Wasakhowga Saliideed (1990).
  3. Axdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Kahortagga Isku-dhacyada Badda (1972).

Ugu dambeyn, Golaha, ayaa ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, taas oo hagaysa jihada iyo mudnaanta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo danaha Qaranka.

Maamulada warbaahinada ee hey’adaha dowladda oo yeeshay kulan la xiriiray xaaladda abaaraha

Maamulada warbaahinada ee he’yadaha dowladda ayaa ka qeybgalay kulan ka dhacay xarunta Hey’adda SODMA oo looga hadlaayey xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka iyo sida gacan looga geysan karo dhinaca wacyigalinta bulshada.

Kulanka oo ay soo xaadireen agaasimeyaasha iyo  uqaybsanayaasha warbaahinta waxaa soo qabanqaabiyey Xafiiska Warbaahinta ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliy.

Kulanka waxaa furay Agaasimaha Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadweynaha ahna Afhayeen Xukuumadda Mudane Abdinasir Ahmed Bashir,iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray warbixin ka hadleysa  xaaladda abaaraha dalka oo ay soo diyaariyeen hey’adda SoDMA.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo shir-guddoominayay kulanka ayaa soo xiray gunaanadka shirka isagoo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo warbaahinta ,si loo wacyigeliyo bulshada ,isla markaana loo dardar-geliyo gurmadka Abaaraha.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah xalay u daah-furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad kasta loo qabto degmooyinka dalka.

Wasiirka  oo ka hadlay xafladdii furitaanka ayaa ugu horeyn bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadan,isagoo hambalyo u diray bahda Warbaahinta Qaranka oo sanadkii 16-aad wada barnaamijka dood cilmiyeedka tartanka.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in ahmiyadda uu tartanka u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ay tahay mid lagu kororsanaayo clmi iyo aqoon ,isagoo boogaadiyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta sida ay markasta uga go’antahay u adeegidda bulshadooda,gaar ahaan xilliyada adag.

Xafladdii furitaanka tartanka waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Wasiirka Tamarta oo qaabilay agaasimaha cusub ee WFP u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP u qaabilsan Soomaliya mudane Hameed Nuru.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan horumarinta maamulka biyaha, kobcinta karaanka aqoonta hay’adaha dawliga ah, iyo adeegsiga hannaanka casriga ah ee xogta biyaha (Hydrological Modeling).

Wada-shaqeyntan waxa ay laf-dhabar u tahay qorshaha qaran ee lagu xaqiijinayo helitaanka biyo waara oo la isku halleyn karo guud ahaan dalka.

   

Wasaaradda amniga oo la wareegtay qalab ciidan oo loogu talagalay Ciidanka Haramcad

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah uga kala wareegay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya qalab ciidan oo loogu talagalay cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusman Cabdullahi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Yuusuf Cali iyo mas’uuliyiin kale.

Qalabkan, oo lagu wareejiyey munaasabad ka dhacday xarunta Ciidanka Harmacad, ayaa la sheegay inuu yahay mid casri ah, isla markaana kor u qaadaya awoodda howlgal, tababar iyo u-diyaargarowga cutubka, kaas oo dhowaan soo dhameystay tababar sare oo lagu xoojinayey xirfadaha amni iyo la-dagaallanka argagixisada.

Mas’uuliyiintaan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, iyagoo xusay in qalabkani uu door weyn ka qaadan doono sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.

     

Mudanayaasha labada aqal ee BJFS oo soo gaba gabeeyey ka doodista dastuurka cutubyada 7-aad iyo 8-aad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa sii amba qaaday ka doodista qodobada labada cutub ee 7-aad iyo 8-aad ee dastuurka KMG-ka ah, waxaana kulanka shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, guddoomiye kuxigeennada labada aqal.

Kulanka wadajirka ah ee maanta ayaa Xildhibaanadda labada aqal waxa ay kusii amba qaadeen ka doodista dastuurka KMG-ka ah, qodobadiisa 7-aad iyo 8-aad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyey ka doodista cutubyada todobaad iyo sideedaad ee dastuurka, islamarkaana kulanka kan xiga la bilaabi doono ka doodista cutubka 9-aad ee dastuurka.

           

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi . waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dowladood ee Qatar iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dawladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aadantinimo, isaga oo xusay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso hirgelinta heshiisyadii iskaashi ee dhowaan ay labada dal kala saxeexdeen, gaar ahaan kuwa la xiriira difaaca iyo horumarinta bulshada.

Dhankiisa, Danjire Dr. Cabdullaahi , ayaa caddeeyey in dawladda Qatar ay ka go’an tahay taageerada ay siiso dawladda Soomaaliya, isaga oo boggaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo xasillinta dalka.

   

Safiirada Dalalka Carabta u fadhiya Dalka Koonfur Afrika oo Kulan la qaatay Guddoomiyaha Xisbiga ANC

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika Waxaa ka qabsoomay Kulan Muhiim ah oo u dhexeeya Safiirrada Dalalka Carabta ee fadhigoodu yahay Koonfur Afrika iyo Xoghayaha Xisbiga Talada haya ee African National Congress (ANC), Mudane Masibulele Xaso.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Xiriirka Taariikhiga ah ee u dhexeeya Dalalka Carabta iyo Koonfur Afrika, iyo Iskaashiga dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, iyo Arrimaha Caalamiga ah.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq, oo ka mid ahaa Safiirradii ka qeybgalay Shirka, ayaa khudbad ka jeediyay Madasha.

Danjiruhu wuxuu si qoto dheer uga hadlay muhiimadda iIaalinta Madax-Bannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya, isagoo adkeeyay Doorka ay Dalalka Carbeed ka qaataan Garab istaagga Soomaaliya iyo xoojinta Wadajirka iyo Iskaashiga Gobolka.

Danjiraha ayaa sidoo kale u mahadceliyay Dowladda Koonfur Afrika iyo Xisbiga ANC sida ay u Garab istaageen Madax-Bannaanida iyo Wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday Is-Afgarad iyo ballan-qaad ku aaddan sii xoojinta Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Wadajirka ah ee u dhexeeya Dalalka Carabta iyo Xisbiga ANC.

        

SODMA oo soo xirtay Shir looga hadlaayey Nidaamka Ilaalinta Bulshada

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Hay’adda Mareynta Musiibooyinka Qaranka Somaaliyeed (SoDMA) ayaa soo gabagabeysay Shir Laba Maalmood socday oo lagu tijaabinayay Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Ka Jawaabista Masiibooyinka.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Hay’adaha Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo la Hawlgalayaal Caalami ah, ayaa lagu qiimeeyay Habraacyada Hawlgalka (SOP-yada) iyadoo la qabtay layli jilitaan iyo Kulan falanqeyn ah, iyadoo Ujeedku ahaa in la hubiyo in nidaamku si degdeg ah, Hufan oo isku xiran uga jawaabi karo Xaaladaha Degdegga ah.

Nidaamkan ayaa xoojinaya isku xirka ilaalinta bulshada iyo maareynta masiibooyinka, si loo helo Hannaan Qaran oo mideysan oo xaqiijiya in Taageero waqtiyeysan oo wax ku ool ah la gaarsiiyo Bulshada ugu Nugul marka ay dhacaan Musiibooyin.

Ugu Dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan oo si Rasmi ah u soo xiray Shirka, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku xirka Hay’adaha kala duwan iyo u-diyaargarowga Qaran ee dhamaystiran, si loo hubiyo in jawaab Degdeg ah, Hufan oo waxtar leh loo bixiyo marka ay dhacaan musiibooyin, loona yareeyo saameyntooda Bulshada iyo Hantidooda.