Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Dalka Jarmalka oo uu Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Dalka Hungary

Budapest(Wargeyska Dalka):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Jarmalka, Ambassador Cabdulcasiis Maxamuud Maxamed Farabadan, oo sidoo kale ah Safiirka Soomaaliya ee Poland, ayaa maanta si rasmi ah loogu guddoomay Warqadihiisa Aqoonsiga Safiirnimo ee Dalka Hungary.

Munaasabadda guddoonka Warqadaha Aqoonsiga ayaa ka dhacday Magaalada Budapest, halkaas oo Safiir Farabadane uu Warqadihiisa Aqoonsiga ku wareejiyay Madaxweynaha Hungary, Mudane Tamás Sulyok.

Safiirka ayaa Madaxweynaha Hungary u gudbiyay Salaam iyo Farriin uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xoojinta Xiriirka Diblomaasiyadeed, Iskaashiga Dhaqaale, Wada Shaqeynta dhinacyada Horumarinta, Ganacsiga iyo Waxbarashada ee u dhexeeya Labada Dal.

Dhankiisa Madaxweynaha Hungary Tamás Sulyok ayaa soo dhoweeyay Safiirka cusub, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Hungary in la sii xoojiyo Xiriirka iyo Iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.

Ambassador Cabdulcasiis Farabadane ayaa haatan Soomaaliya uga wakiil ah saddex dal oo Yurub ah Jarmalka, Poland iyo Hungary taas oo muujinaysa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ballaarinta xiriirrada Diblomaasiyadeed iyo kor u qaadidda matalaadda Caalamiga ah.

   

Wasaaradda Shaqada oo Shaacisay Xilliga Shaqada Inta Lagu Jiro Bisha Barakeysan ee Ramadan

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shaacisay xilliga Shaqada inta lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadan.
Wasaaraddu, iyadoo Tixgelinaysa Xurmada iyo fadliga Bisha Ramadan, ayaa Hambalyo u dirtay dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo Guud ahaan Ummadda Muslimiinta bilashada Bisha Barakeysan.

Sida ku cad Ogeysiiska Wasaaradda, Saacadaha Shaqada ayaa wax-ka-beddel lagu sameeyey, waxaana laga dhigay sida soo socota.

09:00 Subaxnimo, soo gelidda Shaqada

03:00 Galabnimo, ka bixidda Shaqada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo iyo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Muslimiinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadan, isaga oo ku baaqay in loo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidamada Qalabka Sida oo har iyo habeen, qorraxda iyo dhaxanta u taagan badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay ku bixinayaan sugidda amniga, xoreynta iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta danta guud oo uu amnigu ugu horreeyo, isla markaana ay xoojiyaan midnimada iyo wadajirka bulshada.

Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada (Social Protection Coordination Meeting), kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, iyo bah-wadaagta si loo dardargeliyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Salim Aliyow Ibroow, oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada ilaalinta bulshada iyo gaarista dadka nugul ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Aamina Xuseen Cali, ayaa ka qeyb-gashay shirka, iyadoo iftiimisay doorka hoggaanka Wasaaradda ku leeyahay horumarinta iyo isku-duwidda barnaamijyada ilaalinta bulshada.

Intii uu socday shirka, waxaa lagu soo bandhigay horumarka iyo casharrada laga bartay barnaamijyada kala ah.

Child Sensitive Social Protection (CSSP), Baxnaano, SAGAL Project, USR iyo SPDS.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka ka jawaabista dhibaatooyinka degdegga ah (Shock Responsive Social Protection) iyo kor u qaadista isku-duwidda iyo wadaagista xogta.

Shirkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Wasaaradda ee lagu dhisayo nidaam ilaalin bulsho oo waara, isla markaana gaaraya dadka nugul ee Soomaaliyeed.

          

Wasiirka arrimaha Dibadda oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfurta Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Muuse Jaamac Cali, Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfurta Suudaan. Kulankaas ayay uga wada hadleen xoojinta nabadda iyo iskaashiga amniga ee gobolka.
Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfurta Suudaan ayaa ugu hambalyeeyay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya doorashadeeda kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, isaga oo sidoo kale ku ammaanay doorka ay Soomaaliya ka qaadanayso horumarinta nabadda iyo amniga qaaradda Afrika, iyo taageerada ay siiso xasilloonida iyo koboca dhaqaale ee Koonfurta Suudaan, iyada oo loo marayo xubinnimada wadajirka ah ee Ururka Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Wasiir Cabdisalaan ayaa adkeeyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee ku aaddan nabadda gobolka iyo tan qaaradda, wuxuuna ballanqaaday in la xoojin doono wada-shaqeynta iyo isku-duwidda IGAD iyo la-hawlgalayaasha gobolka.     

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah la yeeshay xubnaha golaha mustaqbalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah maanta ku maamuusay xubnaha Madasha Mustaqbalka ee ajiibay gogoshii Xukuumaddu ay u fidaysay 19 bishii Jannaayo 2026.
Kulanka qadada ee Madaxweynuhu ku martiqaaday Golaha Mustaqbalka ayaa hordhac u ah shirka Wadatashiga Qaran ee ay fidisay Xukuumadda, si looga wada hadlo xaalada guud ee dalka sida Doorashooyinka, Midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, abaaraha iyo la dagaalanka Khawaarijta.
Kulankan qado sharafta ah waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xubnaha kala duwan ee Golaha Mustaqbalka.
       

Dowladda Soomaaliya oo loo ogolaaday inay bixiso Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

Dodoma(Wargeyska Dalka):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), Danjire Ilyaas Cali Xasan, ayaa kuwareejiyey Wasiirka Amniga Gudaha Mudane General Abdulahi Sheikh Ismail “Fartaag” iyo Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Mudane Mustafa Sheekh Axmed Dhuxulow, go’aanka rasmiga ah ee Dowlada Soomaaliya loogu Ogalaadey Daabacaada Baasaboorka EAC iyo Naqshadiisa (Passport Features)

Go’aankan ayaa ayaa kusoo beegmaya xili ay Shaley kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania sidoo kaleed go’aanka Rasmiga ah ayaa u ogolaanaya in laga bilaabo Bishii hore ee December 2025 ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si Rasmi ah u daabacan karto Baasaboorka Ururka Bulshada Afrika Bari (EAC), Arintaan ayaa Dowlada Soomaaliya uga dhiganta Horumar Diblomaasiyadeed oo Muhiim ah, isla markaana xoojinaysa Isdhexgalka Gobolka, Fududeynta isu socodka Muwaadiniinta EAC.

Madaxweynaha Dalka Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdogan oo booqanaya Dalka Ethiopia

Addis-ababa(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa Maanta oo Taalada ah Booqasho Rasmi ah ku imaanaya Magaalada Addis Ababa, ee Caasimada Dalka Ethiopia, si Ankara ay sare u qaado Xiriirka Laba Geesoodka ah ee kala dhaxeeya Qaaradda Africa.

Inta booqashada uu ku joogo Addis Ababa, Isaga iyo Wafdigiisa waxa ay Kulan la qaadanayaan Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, waxana la filayaa in ay wada saxiixdaan Heshiisyo ayna wada qabtaan Shir Jara’id kadib kulamada sida ay ku waramayso Wakaalada Wararka u faafisa Turkiga Anadulu.

Jara’idka kale ee Turkiga, Daily Sabah ayaa Shalay daabacay in Erdogan uu booqasho Hal Maalin ku tagayo Abu Dhabi, Caasimada Isu-tagga Emerate-ka Carabta balse ma suura-gelin oo waa uu ka baaqday balse waxa ay Daily Sabah ku sheegtay Ujeedada Booqasha in ay qayb ka tahay dadaalkiisa  Diblomasiyadeed ee Xasiloonida Gobalka iyo in Ankara ay sare u qaado Xiriirka Laba Geesoodka ah ee kala dhaxeeya Khaliijka iyo Africa.

Daily Sabah ,Waxa ay intaasi ku dartay in Madaxweyne Erdogan uu sidoo kale la soo qaadayo dhowrista Madax Bananida, Midnimada Dhuleed iyo Wadajirka Soomaaliya.

Erdogan ayaa horaantii Bishan Booqosha ku kale bixiyey Dalalka Masar iyo Sacudi Carabiya.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga oo Magaalada Addis Ababa kula kulmay Mas’uul Sare oo QM ka Tirsan

Addis Ababa (Wargeyska Dalka): Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa Magaalada Addis Ababa kula kulmay Mudane Claver Gatete, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, isla markaana ah Madaxa United Nations Economic Commission for Africa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, Horumarinta Maalgashiga, iyo Kobcinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa adkeeyay Muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo Taageerada farsamo iyo tan Maalgashi ee lagu kobcinayo wax-soo-saarka Gudaha, fududeynta Ganacsiga, iyo Horumarinta Warshadaha Dalka.

  

Qoysas Khawaarijta ka barakicisay Sabiid iyo Caanoole oo Dib-U-Dejin loo sameeyey

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Gaashaandhigga XJFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Maanta gaaray Deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, si Dib-U-Dejin loogu sameeyo Qoysaskii ay Kooxda Khawaarijta ka dumisay Guryahoodii, kana barakicisay Deegaannadan.

Ujeeddada socdaalka Mas’uuliyiinta ayaa ahayd fulinta ballanqaadkii Dowladda ee xasilinta Deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta, isla markaana la dardargeliyo howlaha Dib-U-soo-kabashada Bulshada.

Dadka Deegaanka ayaa lagu wareejiyay Guryo Cusub oo la dhisay kaddib xoreyntii Deegaannadan.

Sidoo kale, waxaa la gaarsiiyay Raashin iyo adeegyo Gargaar oo loogu talagalay Qoysaska Danyarta ah ee ku Nool Deegaannadaas, si loo xoojiyo Nolol-Maalmeedka Bulshada loona dardargeliyo Dib-U-Dhiska Deegaannada Xorta ah.