Qoysas Khawaarijta ka barakicisay Sabiid iyo Caanoole oo Dib-U-Dejin loo sameeyey

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Gaashaandhigga XJFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Maanta gaaray Deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, si Dib-U-Dejin loogu sameeyo Qoysaskii ay Kooxda Khawaarijta ka dumisay Guryahoodii, kana barakicisay Deegaannadan.

Ujeeddada socdaalka Mas’uuliyiinta ayaa ahayd fulinta ballanqaadkii Dowladda ee xasilinta Deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta, isla markaana la dardargeliyo howlaha Dib-U-soo-kabashada Bulshada.

Dadka Deegaanka ayaa lagu wareejiyay Guryo Cusub oo la dhisay kaddib xoreyntii Deegaannadan.

Sidoo kale, waxaa la gaarsiiyay Raashin iyo adeegyo Gargaar oo loogu talagalay Qoysaska Danyarta ah ee ku Nool Deegaannadaas, si loo xoojiyo Nolol-Maalmeedka Bulshada loona dardargeliyo Dib-U-Dhiska Deegaannada Xorta ah.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka oo Khudbad ka jeediyay Shirka Ganacsiga ee Qaaradda Afrika

Addis Ababa (Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad Muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo ay ka qeyb galeen madax, ganacsato, iyo daneeyayaal heer Gobol iyo heer Calami ah.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa Khudbaddiisa ku soo bandhigay Horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada dib-u-habeynta dhaqaalaha, xoojinta Hay’adaha Dowliga ah, iyo Abuurista Jawi ku habboon maalgashiga. isaga oo adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhiirrigalinta Ganacsiga, soo jiidashada Maalgashiga, iyo xoojinta Iskaashiga Dhaqaale ee Soomaaliya la leedahay Dalalka Afrika iyo Caalamka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa Carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay leedahay Fursado ballaaran oo maalgashi, gaar ahaan dhinacyada Dekadaha, Beeraha, Kalluumeysiga, waxa uunna ku booriyay Maalgashadayaasha Caalamiga ah inay ka faa’iideystaan fursadahaas.

Intii uu shirka socday, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, ayaa Kulamo Gaar-Gaar ah la yeeshay Madaxda iyo Daneeyayaasha kala duwan, si loo xoojiyo Iskaashiga Dhaqaale loona dardargeliyo dadaallada lagu Horumarinayo Maalgashiga iyo Ganacsiga Soomaaliya.

 

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh oo wadahal Dhanka Teleefanka ah la yeeshay Amiirka Dalka Qatar

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wadahadal miro dhal ah oo Khadka Taleefanka ah la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thaani.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa Wadahadalkooda diiradda ku saaray Xoojinta iyo Horumarinta Xiriirka Istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar, iyadoo Labada Hoggaamiye ay isla qaateen Muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo Iskaashiga iyo Wadashaqeynta ka dhaxeeya Labada Dal

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga Mahadceliyey Dowladda Qatar, Go’aankii aan leex leexadka lahayn ee ay ku Garab istaagtay Madax-Bannaanida iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ku bogaadiyay taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Qatar u fidiso Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Gaar ahaan dhinacyada Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Gargaarka Bani’Aadannimo iyo Dhismaha Hay’adaha Dowliga ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka ganacsiga Afrika

Addis Ababa: Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo ay ka qeyb galeen madax, ganacsato, iyo daneeyayaal heer gobol iyo heer caalami ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada dib-u-habeynta dhaqaalaha, xoojinta hay’adaha dowliga ah, iyo abuurista jawi ku habboon maalgashiga. isaga oo adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhiirrigalinta ganacsiga, soo jiidashada maalgashiga, iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya la leedahay dalalka Afrika iyo caalamka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay leedahay fursado ballaaran oo maalgashi, gaar ahaan dhinacyada Dekadaha, Beeraha, kalluumeysiga, waxa uunna ku booriyay maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka faa’iideystaan fursadahaas.

Intii uu shirka socday, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay madaxda iyo daneeyayaasha kala duwan, si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale loona dardargeliyo dadaallada lagu horumarinayo maalgashiga iyo ganacsiga Soomaaliya.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahal Teleefanka ah la yeeshay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thaani.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa wadahadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar, iyadoo labada hoggaamiye ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhaxeeya labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar, go’aankii aan leex leexadka lahayn ee ay ku garab istaagtay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ku bogaadiyay taageerada joogtada ah ee ay dowladda Qatar u fidiso hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimo iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ahmiyad siinaysa Ilaalinta xuquuqda macaamiisha Isgaarsiinta

ay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay kulan wadatashi hal maalin ah si dib-u-eegis iyo talooyin looga helo qabyo-qoraalka Xeer-Nidaamiyaha Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha Isgaarsiinta.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay shirkadaha isgaarsiinta, bixiyeyaasha adeegga internet-ka (ISPs), shirkadaha ka shaqeeya xargaha badda hoosteeda mara, wakiillo ka socday macaamiisha, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah si ay u falanqeeyaan qaab-dhismeedka qabyo-qoraalka una bixiyaan talooyin ku saabsan hirgelintiisa wax-ku-oolka ah.

Wadatashigu wuxuu iftiimiyay ujeeddada siyaasadeed, mabaadi’da hagta xeer-nidaamiyaha, iyo qodobbada muhiimka ah ee ku jira qabyo-qoraalka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka kulanka, ayaa tilmaamay baahida loo qabo xoojinta kalsoonida macaamiisha maadaama suuqa dijitaalka ee Soomaaliya uu sii ballaaranayo.

“Jawi isgaarsiineed oo caddaalad ah, hufan, isla markaana isla-xisaabtan leh ayaa lagama maarmaan u ah dhisidda kalsoonida dadweynaha iyo taageeridda isbeddelka dijitaalka ah ee dalka. Ilaalinta xuquuqda macaamiishu waa masuuliyad wadajir ah oo ka dhexaysa Hay’adda iyo bixiyeyaasha adeegga.”

Qabyo-qoraalka xeer-nidaamiyuhu wuxuu dejinayaa ilaalin cad oo ku saabsan xuquuqda macaamiisha iyo heerarka tayada adeegga; wuxuu xoojinayaa hufnaanta qiimeynta iyo shuruudaha qandaraaska; wuxuu qeexayaa waajibaadka hawl-wadeennada iyo shuruudaha u hoggaansanaanta, wuxuuna dhigayaa tallaabooyin fulineed iyo ganaaxyo lagu xaqiijinayo isla-xisaabtanka guud ahaan qaybta Isgaarsiinta.

Daneeyayaashu waxay soo jeediyeen aragtiyo la xiriira arrimaha hirgelinta, jadwalka waqtiga, iyo diyaar-garowga u hoggaansanaanta. Sidoo kale, waxaa dib-u-eegis lagu sameeyay natiijooyinka Sahanka Ilaalinta Macaamiisha iyo qorshaha lagu dhammeystirayo.                                                                                                                                    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay tixgelin doontaa dhammaan talooyinka la soo jeediyay ka hor inta aan la soo saarin nuqulka kama dambaysta ah ee Xeer-Nidaamiyaha Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha Isgaarsiinta. Hay’addu waxaa ka go’an horumarinta suuq Isgaarsiineed oo tartan leh, ammaan ah, isla markaana si buuxda u ilaaliya danaha macaamiisha guud ahaan dalka.

    

Wasiirka ganacsiga oo Addis Ababa kula kulmay mas’uul sare oo QM ka tirsan

Addis Ababa: Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Mudane Claver Gatete, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, isla markaana ah Madaxa United Nations Economic Commission for Africa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, horumarinta maalgashiga, iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo taageerada farsamo iyo tan maalgashi ee lagu kobcinayo wax-soo-saarka gudaha, fududeynta ganacsiga, iyo horumarinta warshadaha dalka.

  

Wasiirka Gaashaandhiga ee XJFS Mudane Axmed M. Fiqi oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Shiinaha u Fadhiya Soomaaliya

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Xoojinta Iskaashiga Labada Dal ee dhinacyada kala Duwan, Guulaha Ciidamada Qalabka Sida ay ka gaareen Furimaha la-Dagaallanka Argagixisada, iyo doorka Saaxiibada Soomaaliya ee Taageerada iyo Awoodsiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Muhiimadda ay Xasilloonida Soomaaliya u leedahay Nabadda iyo Amniga Guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Ugu Dambayn, Wasiirka ayaa Hambalyo u diray Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, Gaar ahaan Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, Munaasabadda Sannadka Cusub ee Shiinaha.

Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania oo kala Saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan Arrimaha Socdaalka Labada Dal

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee Tanzania ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan Iskaashiga Maareynta Arrimaha Socdaalka iyo xoojinta Wada-Shaqeynta Hay’adaha la xiriira.

Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Halka dhinaca Tanzania uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Patrobas Paschal Katambi. Sidoo kale Munaasabadda saxiixa waxaa Goob Joog ka ahaa Madaxda Hay’adaha Socdaalka ee Labada Dal, Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow iyo Marwo Dr. Anna P. Makakala.

Heshiiskan cusub waxa uu xoojinayaa Xiriirka Diblomaasiyadeed, Amni iyo Ganacsi ee ka dhexeeya Labada Dal, isaga oo qayb ka ah dadaallada lagu Hormarinayo Iskaashiga Dalalka ku bahoobay East African Community.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in si Degdeg ah loo hirgeliyo Qodobbada Heshiiska, kuwaas oo Diiradda saaraya fududeynta Isku-socodka Muwaadiniinta. Muwaadiniinta sita Baasaboorrada Diblomaasiga ah iyo kuwa Shaqaalaha Dowladda ayaa laga dhaafay Dal-ku-Galka (Visa on Arrival). Sidoo kale, Muwaadiniinta ku safaraya Baasaboorrada Caadiga ah ee Labada Dal ayaa 24 saacadood Gudahood ku heli doona Dal-ku-gal, si loo Dardargeliyo Isku-socodka Dadka iyo Ganacsatada.

Ugu dambeyn, waxaa si gaar ah loogu mahadceliyay dadaalka iyo shaqada hagar la’aanta ah ee Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, iyo Dhammaan Howlwadeennada Safaaradda Soomaaliya ee ka Howlgala Dalka Tanzania, kuwaas oo door muuqda ka qaatay Hirgelinta Heshiiskan.

      

Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soo jeedinta Guddiyada Dastuurka Labada Aqal

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Waxaa Maanta si Rasmi ah u furmay Kulanka 17-aad ee Wadajirka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay Xildhibaannadu kaga doodayaan Wax-Ka-Beddel lagu sameynayo Cutubka 6-aad ee Soo Jeedinta Guddiyada Dastuurka.

Doodda kulanka ayaa si Gaar ah diiradda u saareysa Qodobbada la Xiriira awoodaha Labada Gole iyo Habraaca Sharci-Dejinta Baarlamaanka, iyadoo la falanqeynayo sida loo Waafajin karo Nidaamka Dastuuriga ah iyo Hannaanka Shaqo ee Hay’adaha Sharci-Dejinta.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhameystirayo Dib-u-eegista iyo Wax-ka-Beddelka Dastuurka, si loo helo Hannaan Sharci oo Sugan, Hufan, kana Tarjumaya Baahiyaha Dowladnimada iyo Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed.