Wasiirka ganacsiga oo Addis Ababa kula kulmay mas’uul sare oo QM ka tirsan

Addis Ababa: Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Mudane Claver Gatete, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, isla markaana ah Madaxa United Nations Economic Commission for Africa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, horumarinta maalgashiga, iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo taageerada farsamo iyo tan maalgashi ee lagu kobcinayo wax-soo-saarka gudaha, fududeynta ganacsiga, iyo horumarinta warshadaha dalka.

  

Wasiirka Gaashaandhiga ee XJFS Mudane Axmed M. Fiqi oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Shiinaha u Fadhiya Soomaaliya

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Xoojinta Iskaashiga Labada Dal ee dhinacyada kala Duwan, Guulaha Ciidamada Qalabka Sida ay ka gaareen Furimaha la-Dagaallanka Argagixisada, iyo doorka Saaxiibada Soomaaliya ee Taageerada iyo Awoodsiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Muhiimadda ay Xasilloonida Soomaaliya u leedahay Nabadda iyo Amniga Guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Ugu Dambayn, Wasiirka ayaa Hambalyo u diray Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, Gaar ahaan Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, Munaasabadda Sannadka Cusub ee Shiinaha.

Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania oo kala Saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan Arrimaha Socdaalka Labada Dal

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee Tanzania ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan Iskaashiga Maareynta Arrimaha Socdaalka iyo xoojinta Wada-Shaqeynta Hay’adaha la xiriira.

Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Halka dhinaca Tanzania uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Patrobas Paschal Katambi. Sidoo kale Munaasabadda saxiixa waxaa Goob Joog ka ahaa Madaxda Hay’adaha Socdaalka ee Labada Dal, Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow iyo Marwo Dr. Anna P. Makakala.

Heshiiskan cusub waxa uu xoojinayaa Xiriirka Diblomaasiyadeed, Amni iyo Ganacsi ee ka dhexeeya Labada Dal, isaga oo qayb ka ah dadaallada lagu Hormarinayo Iskaashiga Dalalka ku bahoobay East African Community.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in si Degdeg ah loo hirgeliyo Qodobbada Heshiiska, kuwaas oo Diiradda saaraya fududeynta Isku-socodka Muwaadiniinta. Muwaadiniinta sita Baasaboorrada Diblomaasiga ah iyo kuwa Shaqaalaha Dowladda ayaa laga dhaafay Dal-ku-Galka (Visa on Arrival). Sidoo kale, Muwaadiniinta ku safaraya Baasaboorrada Caadiga ah ee Labada Dal ayaa 24 saacadood Gudahood ku heli doona Dal-ku-gal, si loo Dardargeliyo Isku-socodka Dadka iyo Ganacsatada.

Ugu dambeyn, waxaa si gaar ah loogu mahadceliyay dadaalka iyo shaqada hagar la’aanta ah ee Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, iyo Dhammaan Howlwadeennada Safaaradda Soomaaliya ee ka Howlgala Dalka Tanzania, kuwaas oo door muuqda ka qaatay Hirgelinta Heshiiskan.

      

Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soo jeedinta Guddiyada Dastuurka Labada Aqal

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Waxaa Maanta si Rasmi ah u furmay Kulanka 17-aad ee Wadajirka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay Xildhibaannadu kaga doodayaan Wax-Ka-Beddel lagu sameynayo Cutubka 6-aad ee Soo Jeedinta Guddiyada Dastuurka.

Doodda kulanka ayaa si Gaar ah diiradda u saareysa Qodobbada la Xiriira awoodaha Labada Gole iyo Habraaca Sharci-Dejinta Baarlamaanka, iyadoo la falanqeynayo sida loo Waafajin karo Nidaamka Dastuuriga ah iyo Hannaanka Shaqo ee Hay’adaha Sharci-Dejinta.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhameystirayo Dib-u-eegista iyo Wax-ka-Beddelka Dastuurka, si loo helo Hannaan Sharci oo Sugan, Hufan, kana Tarjumaya Baahiyaha Dowladnimada iyo Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si Rasmi ah u furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab, isaga oo ka hadlay Ahmiyadda Mashruucan uu u leeyahay Dowlad-Dhiska Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in Mashruuca Dowlad-Kaab uu yahay Tiir muhiim u ah Ajendaha Dowlad-Dhiska, Gaar ahaan xoojinta Dowladaha Hoose. Wuxuu tilmaamay in Tan iyo markii Mashruucan la bilaabay la gaaray Horumarro Wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin:

Dhammaystirka iyo Hirgelinta Siyaasado iyo Habraacyo Heer Federaal, Dowlad-Goboleed iyo Degmo, sida Siyaasadda Qaran ee Maamul-Daadejinta, Xeerka Ururka Dowladaha Hoose, iyo Istaraatiijiyadaha iyo Habraacyada Maaliyadda iyo Adeeg-bixinta.
Xoojinta Nidaamyada Maaliyadeed, iyadoo la hirgeliyay Hannaan Casri ah oo lagu Maareeyo Dakhliga iyo kharashaadka si loo helo Isla-Xisaabtan Dhab ah.Kor u qaadidda Awoodda Shaqaalaha Wasaaradaha, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Degmooyinka Mashruucu Taageero.

Horumarinta Nidaamyada Dijitaalka ah si loo fududeeyo Adeeg-bixinta loona yareeyo Dib-u-Dhacyada iyo khaladaadka.

Degmooyinka uu Mashruucu ka shaqeeyo oo Dhammaantood ku daray Qoondo Lacageed oo dhan 3% kharashaadka Mashruuca, taas oo muujinaysa Lahaansho iyo ka-Go’naansho.

Wasiir Cali Xoosh ayaa Hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Mashruuca Dowlad-Kaab in uusan ahayn oo keliya Mashruuc Horumarineed, balse uu yahay Hannaan lagu dhisayo Kalsoonida Shacabka iyo Dowladnimada Dalka.

     

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo gaaray Dalka Tanzania

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo uu Wehliyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa gaaray Magaalada Daaru-Salaam ee Dalka Tanzania, halkaas oo ay ku tageen Booqasho rasmi ah oo qaadan doonta laba Maalmood.

Wasiirka iyo Wafdiga uu Hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Julius Nyerere International Airport, waxaana halkaas ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan.

Booqashadan rasmiga ah ayaa la filayaa inay xoojiso Xiriirka iyo Iskaashiga Labada Dal, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Socdaalka, iyo Horumarinta Wada-Shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Soomaaliya iyo Tanzania.

     

Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo Shiraacday Dalka Turkiye.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa shalay laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo Howlgal sShidaal qodis ah ka sameyn doona Xeebaha Dalka Soomaaliya, iyadoo tallabadaasi ay qeyb ka tahay fulinta Heshiisyo Iskaashi Dhaqaale iyo Difaac oo ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiye,waxayna haatan u muuqataa in la guda galay fulintooddii. Ceelasha Seddexda ah ee uu Turkiga u qodaayo Soomaaliya hadda waa Badda Gunteeda hoose, iyadoo Seddaxda Ceel Shidaal ee ugu horeeyo ee Soomaaliya loo qodi doono waxa ay kala yihiin:- Xirmooyinka 142, 152 iyo 153,

Dekadda “Mersin” oo ah Dekadda 2aad ee ugu weyn Dalka Turkiga ayuu ka soo baxay  Markabka Weyn ee Drilling Ship, laguna Magacaabo ” Cagri Bey (IMO 9705457)”, kaasi oo ah midka ugu muhimsan  Maraakiibta Shidaalka Qodo ee Dalka Turkiga, si uu ugu dambeeyn u bilaabo Qodidda Shidaalka, bacdaama ay soo dhamaatay howlihii kale ee hubinta shidaalka ahaa.

Munaasabadda sagootinta Markabka waxaa shalay ka qeyb galay Wasiirrada Batroolka iyo Dekadaha Soomaaliya, Maareeyaha Hay’adda Batroolka, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Turkiga iyo Masuuliyiin kale, Dhanka Turkiga Masuuliyiin sare oo Wasiirka Batroolka uu Hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Taariikhiga ah ee sagootinta Markabka Cağri Bey.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Jaamac ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay Garab Istaageeda dhan kasta ah.

Wasiirka Battoolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa Maalin Weyn oo Taariikhi ah ku tilmaamay in Dalka Turkiga laga soo Amba-Bixiyo Markabka Cagri Bey oo Howlgal Shidaal Qodis ka sameyn doona Xeebaha Soomaaliya. “Maanta waxay noo tahay Maalin Weyn, waxaan gaarnay Xilligii aan lasoo bixi laheyn kheyraadka Dalkeena”.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay muujineyso in ay Soomaaliya dib u soo kabaneyso, islamarkaana si rasmi ah uga faa’ideysaneyso Kheyraadkeeda dihan. “Maanta waa Maalin Weyn oo Taariikhi ah, waa Maalin,muujineysa in Soomaaliya dib u soo kabaneyso, dib u dhisaneyso aayaheeda si kalsooni ugu tallaabsaneyso Mustaqbal Horumar leh, markabkan Maanta u Amba-baxaya Biyaha Soomaaliya ma ahan oo kaliya qalab farsamo waa astaan qaran,waa rejo waa fursad waa bilow cusub oo ku suntan Sharci iyo Hufnaan mas’uuliyad,”.

Sidoo kale, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Kheyraadkeenna uu yahay Hanti Qaran, islamarkaana ay Xukuumaddu ka go’an tahay in loo maareeyo si hufan oo Cadaallad ah, islamarkaana waafaqsan Xeerarka Caalami ah si ay uga faa’ideystaan Jiilasha Maanta iyo kuwa dambe, waxa uuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Gudaha iyo Dibadda in ay muujiyaan Garab Istaag, Midnimo iyo Horumarka socda ah ee ah Shidaal Qodista.

“Turkiye ayaa u soo dirtay Soomaaliya markabka Cagri Bey Axadii, taasoo uu Wasiirkeeda Tamarta ku sheegay in uu noqon doono Howlgalkii ugu horreeyay ee Sahaminta Badda ee Ankara ee ka baxsan Aagga Badda”, sidaasi waxaa qortay Warbaahinta Turkiye ee TRT. Alparslan Bayraktar oo ku tilmaamay tillaabada mid “waqti Taariikhi ah” ku jirta dadaalka sahaminta Saliidda iyo Gaaska ee Turkiga. Wasiirka Tamarta Alparslan Bayraktar wuxuu sheegay in Markabku uu Bisha Abriil ka bilaabi doono Qodista ‘Ceelka Curad-1’ ee Soomaaliya.

“Waa markii ugu horreysay, Markabkayaga Qodista Badda Gunteeda hoose, ee u socda Howl ka baxsan (Aagga baddeena),” Bayraktar ayaa ka sheegay xaflad ka dhacday Dekedda Tasucu ee Gobolka Koonfureed ee Mersin, isagoo xusay inay tahay markii ugu horreysay ee uu ka Howl Galo meel ka baxsan Dalka Turkiye.

Sida laga soo xigtay Bayraktar, howlgalka ayaa ka dhigaya Cagri Bey Markabkii labaad ee Turkiga ee ka howlgala Biyaha Soomaaliya, kadib Oruç Reis, kaasi oo sameeyay ‘Sahmin’ iyo Markabkii ugu horreeyay ee qodaya oo loo diray meel ka baxsan awoodda badda ee Turkiga.

Arrintaani waa guul wayn iyo himilo muddo dheer la sugayay in uu ka soo ambabaxay dalka Turkey Markabkii qodi lahaa Shidaalka ku jira badda dalkeena Soomaaliya. Rajadaani waxay ku soo beegmeeysaa xili dalkeenu uu wajahayo abaaro ba’an iyo gaajo ka dhalatay abaartaas, waxaanse rajeeynayaa in riyadii Ummadda Soomaaliyeed ay muddada dheer ku taamayeen, oo aheyd, in ay mar uun arkaan khayraadka dalkooda, oo ay ka baahnaayeen muddadaas fog in ay la soo baxaan, kuna barwaaqoobaan Eebe Idamkiis, waxaana looga baaha yahay Ummadda Soomaaliyeed in ay ku fara adeegaan rajadaas soo bidhaantay ee mudadda fog la sugayay, si dalkeenu u helo dhaqaalo lagu hormariyo, islamarkaasna looga maarmo gacan hoorsiya Shisheeyaha.

Madaxweynaha JFS Mudane Dr:Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qodista Ceelkii ugu horreeyay ee Shidaalka ugu magac-daray ” Curudkii koowaad”. Waayoo marka uu cidda ku soo biro Wiil waxay Soomalidu dhahdaa ‘Curad’, madaama uu Ceelkaasi noqonayo Ceelkii ugu horreeyay ee Shidaal waa noo Curad. Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure ayaa farxaddaasi awgeedna isna Murti ku yiri:- ALLOOW REJEDA NOO RUMEEY

RAFAADKA AAN KA REYSANNEE.

By: Cabdullaahi Ruush

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Ilyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Magaalada Nayroobi

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Magaalada Nairobi ayaa lagu qabtay Munaasabad Mahadnaq iyo soo dhaweyn isugu jirta oo loo sameeyay Danjire Ilyaas Barre Shiil, kaddib markii uu dhawaan u Magacaabay Madaxweynaha William Ruto inuu noqdo Danjire Ku-Xigeenka Dalka Keenya u fadhiyi doona Soomaaliya.

Xafladda ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Caafimaadka ee Kenya, Aden Duale, iyo Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle. Sidoo kale waxaa Munaasabadda ka soo qeyb galay Xubno ka tirsan Baarlamaanka, Danjireyaal, Senatarro, Culumaa’udiin, Odayaal, Musharraxiin Siyaasadeed iyo Wakiillo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Dadkii halkaas ka hadlay ayaa ku Bogaadiyay Danjire Elyaas Barre Shiil Kalsoonida loo muujiyay, iyagoo u rajeeyay Guul iyo Horumar Shaqadiisa Cusub, Gaar ahaan Xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga u Dhexeeya Dalalka Keenya iyo Soomaaliya.

       

 

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Saakay ku Fulisay Dil Toogasho laba Dhagar Qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa Saakay dil toogasho ah ku fulisay Laba Dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

Dhagarqabeyaasha Dilka lagu fuliyay ayaa lagu kala Magacaabaa Xasan Cali Iftiin Buule (Gacmey) Iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed (Baari & Biibaaye) kuwaas oo ay horay Xukun Toogasho ah ugu riday Maxkamadda Darajada 1aad ee CQS.

Labada Dhagarqabe ayaa loo haystay Dilal & Qaraxyo ka dhacay Caasimada laguna gumaday Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa Saakay laga oofiyay xadkii Qisaasta ahaa ee horay ugu Xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay afar dhaqar-qabe

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa caawa fiidkii dilay afar (4) dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyagoo gubay gaari ay wateen kadib markii jidka loo galay iyagoo u socda inay dhibaateeyaan oo jidka u galaan gaadiid ay wateen dad shacab ah.

Howlgalkaas oo sidii loo qorsheeyey u dhacay ayey ciidanku caawa ka fuliyeen inta u dhexeysa deegaannada Yasooman iyo Moqokori ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay heleen xogta maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo dhaqdhaqaaqooda horay loola socday.