Wasiirka Batroolka XFS” Maanta waa maalin taariikhi ah oo aan gaarnay xilliga aan la soo bixin lahayn Kheyraadkeenna”

Screenshot

Wasiirka Battoolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maalin weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay in Dalka Turkiga laga soo amba-bixiyo Markabka Cagri Bey oo howlgal shidaal qodis ka sameyn doona xeevaya Dalkeenna.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay muujineyso in ay Soomaaliya dib u soo kabaneyso, islamarkaana si rasmi ah uga faa’ideysansyso Kheyraadkeeda dihan.

“Maanta waa maalin weyn oo taariikhi ah, waa maalin,muujineysa in Soomaaliya dib u soo kabaneyso, dib u dhisaneyso aayaheeda si kalsooni ugu tallaabsaneyso mustaqbal horumar leh, markabkan maanta u amba-baxaya biyaha Soomaaliya ma ahan oo kaliya qalab farsamo waa astaan qaran,waa rejo waa fursad waa bilow cusub oo ku suntan sharci iyo hufnaan mas’uuliyad,”.

Sidoo kale, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Kheyraadkeenna uu yahay hanti Qaran, islamarkaana ay xukuumaddu ka go’an tahay in loo maareeyo si hufan oo cadaallad ah, islamarkaana waafaqsan xeerarka caalami ah si ay uga faa’ideystaan Jiilasha maanta iyo kuwa dambe.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ku sugan gudaha iyo dibadda in ay muujiyaan garab istaag, midnimo iyo horumarka socda ah ee ah shidaal qodista.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qodista ceelkii ugu horeeyay ee shidaalka ugu magac-daray ” Curudkii koowaad”.

Guddoomiye Dr. Maryam Qaasim oo la kulantay Madaxa sare QM ee Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliya, Dr. Maryam Qaasim, ayaa kulan la qaadatay Madaxa Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Kirsten Young, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga iyo taageerada lagu horumarinayo awoodda iyo waxtarka Guddiga.

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii hoggaanka cusub ee Guddiga la doortay horraantii bishan, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xuquuqda aadanaha, dhisidda awoodda hay’adda, iyo kor u qaadista isla-xisaabtanka, iyada oo la sii xoojinayo wada-shaqaynta Qaramada Midoobay iyo Guddiga.

   

Madaxweynaha JFS” Afrika waa in ay heshaa kursi joogta ah oo Golaha Ammaanka ah”

Addis Ababa:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka Qaramada Midoobay, kaas oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa, kana mid ahaa kulan-doceedyada muhiimka ahaa ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay saameeyeen caqabado ay ka mid yihiin colaadaha daba dheeraaday, loollanka siyaasadeed iyo cadaadisyo dhaqaale, isagoo adkeeyay in loo baahan yahay dib-u-habayn lagu waafajinayo nidaamka caalamiga ah duruufaha maanta jira, si loo xoojiyo waxtarka iyo kalsoonida lagu qabo hay’adda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Afrika ay door muuqda ku leedahay ajandaha nabadda iyo amniga caalamka, iyadoo dalalka qaaraddu ay hormuud ka yihiin hawlgallada nabad ilaalinta iyo dadaallada xasillinta, waxa uuna caddeeyay in qaaraddu weli ka maqan tahay matalaad joogto ah ee Golaha Ammaanka, arrintaas oo u baahan dib u eegid degdeg ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay midnimo iyo diblomaasiyad joogto ah si loo xaqiijiyo dib-u-habayn dhab ah oo ku dhisan caddaalad iyo sinaan, isaga oo adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iyo cusboonaysiinta Qaramada Midoobay, si loo dhiso nidaam caalami ah oo ay dhammaan qaaraduhu ku leeyihiin ka-qaybgal iyo matalaad loo siman yahay.     

Markabka Cağri Bey ee Shidaal qodista oo ku soo wajahan Soomaaliya

Dalka Turkiga waxaa goordhow laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona xeebaha dalkeenna.

Tallabadaas ayaa qeyb ka ah fulinta heshiisyo iskaashi dhaqaale iyo difaac oo ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkey.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Jaamac ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay garab istaageeda dhan kasta ah.

Munaasabadda sagootinta Markabka waxaa maanta ka qeyb galay Wasiirrada Batroolka iyo Dekadaha Soomaaliya, Maareeyaha Hay’adda Batroolka, Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo masuuliyiin kale, dhanka Turkiga masuuliyiin sare oo Wasiirka Batroolka uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay munaasabadda taariikhiga ah ee sagootinta Markabka Cağri Bey.

        

Duqeyn lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta oo la fuliyay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyey duqeyn cirka ah oo lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo miinooyin ku aasayey jidka xiriiriya deegaannada Masaajid Cali Gaduud iyo Daaru Salaam ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalkan ayaa si gaar ah loogu beegsaday maleeshiyaad qorsheynayey inay dhibaato u geystaan shacabka ku safraya waddooyinka isku xira deegaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeyntan ayaa lagu dilay 15 dhagar-qabe, waxaana halkaas si buuxda loogu burburiyey gaari ay u adeegsanayeen dhigista miinooyinka, iyo dhammaan hubkii saarnaa.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan inay ka go’an tahay sii wadista hawlgallada qorsheysan ee lagu ciribtirayo haraadiga Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga, xasiloonida, iyo badqabka dadka Soomaaliyeed.

Baarlamaanka Dalka oo ka dooday cutubka 6-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Ajendaha kulanka labada Aqal ee maanta ayaa waxa uu ahaa sii wadida ka doodista cutubka lixaad ee dastuurka Kmg ah gaar ahaan Qodobadiisa 80-aad ilaa 95-aad.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda cutubka lixaad ee dastuurka ay sii socon doonto, islamarkaana lasii amba qaadi kulanka kan xiga.
                    

Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida oo xukuntay Maxamed Qadar iyo Maxamed Aadan

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kasoo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar oo Xeydar Muqtaar Afgarashadiisu tahay iyo Maxamed Qadar Cali Aadan oo loo heystay labaduba Dilal iyo Qaraxyo Magaaladda Balad Xaawo Ee Gobolka Gedo Ka dhacay 2025.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Afartii Bisha Labo iyo Tobonaad 2025. Maxamed Aadan Abuukar Shan iyo Toban Sano oo xabsi Argagaxiso ah halka Maxamed Qadar Cali Aadan isna lagu xukumay Taban Sano oo xabsi Argagaxiso ah, balse Xafiiska Xeerilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Afartii Bishan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo Dhageysatay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Maxamed Aadan Abuukar Xeydar Afgarashadiisu tahay iyo Maxamed Qadar Cali Aadan ayey Maanta Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku Wada Xukuntay Min Shan iyo Toban Sano oo Xabsi Argagixiso ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Wasiirka Maaliyadda oo shir guddoomiyay kulanka Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, oo ay weheliso Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow, ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii 24-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta wada-shaqeynta iyo isku dubbaridka hannaanka maamulka maaliyadda dalka, iyo dardargelinta dib-u-habeynta dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.

Shirka waxaa si gaar ah looga doodayaa horumarinta nidaamka wadaagga kheyraadka, mideynta dakhliga heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si loo xaqiijiyo maamul maaliyadeed oo hufan, isla xisaabtan leh, isla markaana waara.
Wasiirka Maaliyadda ayaa hadal uu ka jeediyay furitaanka shirka ku muujiyay muhiimadda ay kulamadan u leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dhisidda kalsoonida iyo wadajirka ka dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda. Wuxuu xusay in mideynta dakhliga iyo wadaagga kheyraadka ay laf-dhabar u yihiin kobaca dhaqaale iyo xaqiijinta adeegyo bulsho oo tayo leh.

Waxaa la filayaa in kulanka laga soo saaro go’aanno iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu sii xoojinayo dadaallada dib-u-habeynta maaliyadeed, si loo adkeeyo horumarka

 

    

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya

War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una diiday aqoonsiga halka dhinac ah ee Israa’iil ay sheegtay in ay siisay Somaliland, Midowga Afrika ayaa mar kale adkeeyay mowqifkooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa sidoo kale taageeray bayaankii uu 26-kii Diseembar 2025 soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, kaas oo si cad u diiday tallaabo kasta ama hindise kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsi kasta oo hal-dhinac ahi uu ka hor imaanayo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana uu halis gelin karo nabadda, xasilloonida iyo wadajirka Qaaradda Afrika.

Golaha Midowga Afrika ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka xuduudaha si caalami ah loo aqoonsan yahay iyo in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan sharci oo waafaqsan qawaaniinta qaaradda iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Kulan la yeeshay Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari

Muqdisho(Wargeyska Dalka);- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac , ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo uu horkacayey Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi Axmed Diiriye.

Wafdigan waxaa sidoo kale ka mid ahaa Wasiirka Kalluumeysiga Waqooyiga Bari Ismaaciil Sh. Axmed.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa wafdiga Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari u sharaxay Siyaasadda Dowladda ee Warbaahinta iyo Ajendayaasha hor Tebinta u leh Qaranka oo ay ugu horeeyaan ilaalinta Midnimada Dalka iyo Wadashaqeynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka ayaa sidoo kale ballan qaaday iney ka Wasaarad ahaan taageerri doonaan si dhowna ula shaqeyn doonaan Wasaaradda Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, maadaama Maamulka uu yahay mid cusub.