Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Sanad-Guurada 66-aad ee Aas-Aaskooda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Cirka Soomaaliyeed Munaasabadda Xuska Sanad-Guurada 66-aad ee ka soo wareegtay Aas-Aaskooda.

Wasiirku waxa uu si gaar ah u bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ku leeyihiin Difaaca Qaranka, Taageeridda Hawlgallada la dagaallanka Argagixisada, fulinta samatabbixinta degdegga ah, iyo ka qayb-qaadashada Sugidda Amniga Guud ee Dalka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku ammaanay Ciidanka Cirka Geesinimada, Hufnaanta, iyo heeganka joogtada ah ee ay u muujiyaan Difaaca Dalka iyo ilaalinta Badqabka Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-Guuradii 66-aad

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), kuwaas oo Maanta u Dabaal-Degaya Sanad-Guuradii 66-aad ee ka soo wareegtay Aas-Aaskooda.

Taliyaha ayaa ku ammaanay Ciidanka Cirka doorkooda Muhiimka ah ee ay kaga jiraan difaaca qaranka, ilaalinta Hawada Dalka, iyo ka qeyb-qaadashada Howlaha Amniga iyo badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cirka ee XDS oo maanta u dabaal-degaya xuska sanad-guurada 66-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,” ayuu yiri Taliye Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa ku boorriyay Ciidanka Cirka inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, isla markaana xoojiyaan wadajirka iyo heeganka ay u hayaan difaaca dalka, si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.

Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo la aas-aasay 15-kii Feberaayo sanadkii 1960-kii, ayaa muddo Dheer laf-Dhabar u ahaa Difaaca Hawada Dalka, inkastoo ay soo mareen marxalado kala duwan oo Dib-u-Dhis iyo tayeyn ah.

 

 

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM [African Peer Review Mechanism (APRM)], oo ah habraac uu aas-aasay Midowga Afrika si dalalka xubnaha ahi ay isu qiimeeyaan, isu la xisaabtamaan, isla markaana u horumariyaan maamul wanaagga, hufnaanta iyo tayada hay’adahooda dowladeed.

Ku biiristan ayaa lagu xaqiijiyay intii uu socday Kal-fadhigii 35-aad ee Madasha Hoggaamiyeyaasha Dalalka iyo Dowladaha ee APRM, halkaas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud, uu ku saxiixay Heshiiska Is-afgaradka ku biirista (MoU), taas oo muujinaysa go’aan heer qaran ah oo lagu xoojinayo hannaanka dib u habaynta dowladeed.

APRM ma aha hannaan kormeer dibadeed oo lagu farageliyo dalalka, balse waa nidaam ay dowladuhu si ikhtiyaari ah ugu oggolaanayaan in la qiimeeyo siyaasaddooda, hay’adahooda iyo nidaamyadooda maamul si loo ogaado meelaha horumar laga sameeyay iyo meelaha u baahan dib u habayn iyo tayeyn. Tani waxay kor u qaadaysaa isla xisaabtan, wadaagis khibradeed, iyo isbarbardhig wax ku ool ah oo u dhexeeya dalalka Afrika.

Ku biirista Soomaaliya ee APRM waxay caddeyn u tahay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga, dhisidda hay’addo dowladeed oo hufan oo isla xisaabtan leh, maareyn dhaqaale oo mas’uuliyad ku dhisan iyo horumar bulsho oo loo dhan yahay.

Tallaabadani waxay sidoo kale sii xoojinaysaa kaalinta Soomaaliya ee qaab dhismeedka Midowga Afrika, iyada oo la jaanqaadaysa himilooyinka Ajandaha 2063: Afrikada aan doonayno, kana tarjumaysa dadaallada joogtada ah ee lagu adkaynayo nabadda, xasiloonida iyo horumarka waara.

Ku biirista APRM waa astaan muujinaysa in Soomaaliya ay si kalsooni leh uga qaybqaadanayso hannaannada wadajirka ah ee qaaradda, iyada oo door firfircoon ka qaadanaysa kor u qaadidda maamul wanaagga iyo iskaashiga Afrika.

 

    

Wasiirka Beeraha oo booqasho ku tegay qaar ka mid ah beeraha degmada Afgooye

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa booqasho ku tegay qaar ka mid ah beeraha degmada Afgooye, halkaas oo ay ka jiraan xaalado biyo la’aan oo aad u daran.

Wasiirka ayaa la kulmay beeralayda deegaanka, isaga oo si dhow u dhagaystay caqabadaha ka taagan waraabka iyo saameynta ay biyo la’aantu ku yeelatay wax soosaarka dalagyada, beeralayda ayaa la wadaageen cabashooyin la xiriira yaraanta biyaha iyo dayaca kanaalada waraabka oo aan hagaagsaneyn kuwaas oo si toos ah u saameeyay hawlahooda wax soosaar.

Intii uu kormeerka ku jiray, Wasiirku waxa uu bulshada beeraleeyda ah u sheegay in Wasaaradda qaadi doonto talaabooyin wax ku ool ah oo lagu xallinayo dhibaatada biyo la’aanta, isla markaana la xoojin doono dadaalada lagu horumarinayo nidaamyada waraabka iyo kobcinta wax soosaarka beeraha.

 

         

Safiirka JFS ee K/afrika oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika, Mudane Maxamad Sheekh Isxaaq, ayaa kulan ballaaran oo is-xogwaraysi iyo wada-tashi ah la qaatay qeybo kamid h Culimada Soomaaliyeed, Odayaal Dhaqan iyo qaar kamid ah Imaamyada Masaajida magaalada Cape Town.

Kulanka oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ujeedadiisu aheyd in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Safaaradda iyo Jaaliyadda, isla markaana si toos ah looga dhageysto cabashooyinka iyo baahiyaha ay qabaan.

Safiirka ayaa sidoo kale ku boorriyay Jaaliyadda inay muujiyaan midnimo, wadajir iyo is-kaashi, si ay u xoojiyaan sumcadda iyo doorka ay ku leeyihiin bulshada ay la nool yihiin, isla markaana ay ula shaqeeyaan safaaradda si wadajir ah.

   

RW ku-xigeenka Dalka oo Daah-furay shirweynaha Kaabayaasha Dhijitaalka

Ra’iisul Waaaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daahfuray shirweynaha Kaabeyaasha Dhijitaalka, oo markii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa diirada lagu saaray aragti mideysan ee laga yeesho kaabeyaasha dhiijitaalka ee dowladda iyo sidii loo horumarin lahaa, iyada inta uu shirku socdo la filayo in lagu lafa-guro horumarka Hey”adaha Dhiijitaalka ah ee Dowladda.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Salax, ayaa sheegay in Adeegyadda dhiijitaalka ah ee dowlada ay yihiin kuwa waqtigaan Hormuudka u ah shaqada dowladda.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukumadda, ayaa sheegay in dowladi xooga saarayso barnaamijyada casriyeenta howlaha dowladda ee dhanka Dhiijitaalka ee Dowladda.      

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo la kulmay Cali Badaawi

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo wefdi uu Hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga Dalkaa ayaa kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Amniga Qaranka Aljeeriya Cali Badaawi .

Kullanka ayaa looga hadlay la dagaallanka dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka tallaaba, iskaashiga Tababarada gaarka ah iyo dhisidda Aqoonta Ciidamada, La dagaallanka dambiyada internetka ,baarista dambiyada iyadoo loo marayo dhinaca Sayniska iyo Farsamada.

    

    

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanno ka tirsan Sh/Dhexe

Ciidamada Xooogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyey deegaanno hoostaga degmada Raage Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgallada ayay Geesiyaasha Ciidanka Xoogga si gaar ah uga fuliyeen tuulooyinka kala ah Gayfo, Boscadur iyo Yonbar oo dhamaantood dhaca dhanka waqooyi degmada Raage Ceele.

Sidoo kale, Ciidanka ayaa sameeyey miino baaris ay ku sameeyeen wadooyinka iyo goobaha muhiimka ah, si looga hortago khatarta Khawaarijta ay ku sameyn karaan dadka shacabka ah iyo gaadiidka.

           

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika waxa uu kaga hadlay amniga, dimuqraadiyeynta, midnimada Afrika iyo difaaca madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay sii wadi doonto xoojinta wada-shaqeynta Afrika, gaar ahaan ka shaqeynta isku-duwidda codka Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika kalsoonida ay u muujiyeen Soomaaliya si ay uga mid noqoto Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika muddada 2026–2028.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iftiimiyey guusha doorashooyinka qof iyo cod ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dowlad-dhisidda, waxa uuna soo bandhigay diyaargarow lagu ballaarinayo hannaankan doorashada tooska ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka hadlay tallaabooyinka ay Israa’iil ku faragelisay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay dalalka Afrika mowqifka iyo bayaanka mideysan ee ay ku diideen xadgudubyadaas.

Ugu danbayntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyay dalalka Afrika inay sii xoojiyaan midnimada, wada-shaqeynta iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka qaaradda, isagoo caddeeyay in madaxbannaanidu ay tahay tiirka iskaashiga iyo horumarka mustaqbalka qaaradda.

          

Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Islaamka ee XJFS oo daah furtay Ololaha Wacyi gelinta Xujeyda Soomaaliyeed

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Maanta Daahfuray Ololaha Wacyigelinta Xujeyda Soomaaliyeed ee Sanadkan 1447/2026.

Wacyigelinta ayaa waxaa ay ku saabsan yahay si loo helo Xaaji wacyigiisa ka dhisan yahay dhan kasta iyo in laga wacyi geliyo Sharuudo lagu soo kordhiyey adeegyada Xajka 2026.

Qodobada laga wacyigelinaayo Xujeyda ayaa waxaa kamid ah.

1. Wachigeliinta Xujeyda si loo helo xaaji wacyigiisa ka dhisan yahay dhan kasta

2. Hubinta Caafimadka Xaajiga loo diyaariyey Xarun Caafimaad oo lagu daryeelo xujeyda

3. Huibinta habraaca Hadiga Xaajiga oo Sanadkan lagu laazimiyey Xujeyda

4. Muhiimada Garoomada laga dhoofayo (Mogadishu, Hargeysa, Garoowe iyo Boosaaso) iyo sidoo kale Garoomada laga degayo (Madiina) iyo kuwa laga soo baxayo ee Jeddah

5. Hubinta qaadashada Kaarkaada Aqoonsiga ee Nusuk: Madiina Al munawara

6. Muhiimadda Murshidiinta Xujeyda, inuu u hogaansan xaajiga fariimaha Shirkadaha, Xamlada iyo Bicsada ee Xaajiga adeege u ah

7. Ilaalinta Nadaafadda Goobaha Barakeysan ee Madiina, Makkah iyo Mashaacirta, sidoo kale Xaaji inuu dhowro Xaajiga kale.