Ku-Simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ku-Simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi heer sare ah oo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka u Qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmi Baarista (ALECSO).

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee ALECSO, Dr. Mohamed Ould Amar, waxaana sidoo kale kulanka ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashiga dhinacyada Waxbarashada, Dhaqanka, iyo Cilmi-Baarista, iyadoo Xubnaha Wafdiga ALECSO ay Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaageen Warbixin ku saabsan howlaha ay Hay’addu ka waddo Soomaaliya, iyo sidoo kale heerka Wada-Shaqeynta ay la leeyihiin Hay’adaha Waxbarasho ee Dalka.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa uga mahadceliyey Ururka ALECSO doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan Horumarinta Waxbarashada, ilaalinta Hidaha iyo Dhaqanka, iyo sidoo kale kobcinta Cilmi-Baarista, asigoo Wafdiga ku boorriyey in ay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tayada Waxbarashada, Cilmi-Baarista, iyo Horumarinta Aqoonta Jiilka Cusub.

          

 

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi Heerkiisu sareeyo oo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi heerkiisa sareeyo oo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta, oo uu hoggaaminayay Dr. Maxamed Walad Acmar, Xoghayaha Guud ee ALECSO (Hey’adda Jaamacadda Carabta u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Culuumta).

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta Iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, gaar ahaan dhinacyada Waxbarashada, Dhaqanka, Culuumta iyo kobcinta iyo kor u qaadidda luqadda Carabiga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Wafdiga siiyay Warbixin ku saabsan Xaaladda guud ee Dalka, horumarka ballaaran ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo Dib-u-Dhiska Hey’adaha, iyo sidoo kale dadaallada lagu tayeynayo Nidaamka Waxbarashada Dalka.

Dhankooda, Wafdiga Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Carrabka ku adkeeyay Muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado Iskaashiga Waxbarasho, iyaga oo xusay in Soomaaliya ay dib u soo ceshatay kaalinteedii Ururrada Waxbarashada Caalamiga ah, isla markaana la sameeyay Horumar muuqda oo lagu tayeynayo heerarka Waxbarashada Dalka. Waxay sidoo kale caddeeyeen in Jaamacadda Carabtu diyaar u tahay in ay Bulshada Soomaaliyeed siiso Fursado iyo Deeqo Waxbarasho oo kala duwan.

Intii uu Kulanku socday, waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii kor loogu sii qaadi lahaa Horumarinta Luqadda Carabiga oo ah Luqadda Labaad ee Dalka, isla markaana leh mudnaan gaar ah marka loo eego doorka ay ku leedahay Aqoonta, Diinta Islaamka iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dunida Carabta.

          

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XJFS: Soomaaliya waxay Dalal badan kaga horaysaa Isticmaalka adeegyada Dhijitaalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay Horumar muuqda ka sameysay dhinaca Dhijitaalka, isla markaana ay Dalal badan kaga horreyso adeegsiga iyo hirgelinta adeegyada Casriga ah ee Dowladda.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay in ay jiraan Dalal badan oo hadda hiigsanaya inay soo gaaraan heerka ay Soomaaliya ka joogto isbeddelka dhanka Dhijitaalka, taas oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa dadaalka iyo horumarka ay sameysay Dowladda Federaalka.

Sidoo kale, Saalax Axmed Jaamac ayaa shaaca ka qaaday Qorshe Cusub oo lagu mideynayo adeegyada Dowladda, isagoo tilmaamay in Sanadka soo socda la doonayo in Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu hal meel ka wada heli karo adeegyada muhiimka ah ee Dowladda, sida warqadda Dhalashada, Warqadda Guurka iyo adeegyo kale oo Dowladeed.

Ra’iisul Wasaare -Ku-Xigeenk ayaa Wuxuu Carrabka ku adkeeyay in tallaabadan ay fududeyn doonto helitaanka adeegyada Aas-Aasiga ah, isla markaana ay sare u qaadi doonto hufnaanta iyo daahfurnaanta Hay’adaha Dowladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beryahan waday dadaal xooggan oo ay ku bixinayso casriyeynta adeegyada Dadweynaha iyo Kobcinta Nidaamka Dhijitaalka ee Dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse: In Ka Badan 7 Milyan oo Soomaali ah ayaa Xoolahoodii ku waayay Abaaraha Jira Dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo Xalay hadal ka jeediyey Madal lagu xusayey Guulaha laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbeddelka Cimilada Adduunka ayaa sheegay in abaarta ka jirta Dalka ay saameyn ballaaran ku yeelatay Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in ku dhowaad 7 Milyan oo Qof ay Xoolahoodii ku waayeen Xaaladda Adag ee Abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Abaartu ay si gaar ah u saameysay Bulshooyinka ku tiirsan Xoolaha Nool, kuwaas oo Laf-Dhabar u ah Dhaqaalaha Dalka iyo Nolosha miyiga. Wuxuu Carrabka ku adkeeyay in Xaaladdu u baahan tahay Gurmad Degdeg ah oo mideysan.

“7 Milyan oo Soomaali ah ayaa Xoolahoodii ku waayay Abaarta jirta, waxaan Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay u Gurmadaan Dadka dhibaataysan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ugu baaqay Ganacsatada, Culimada, Qurba-Joogta iyo Hay’adaha Samafalka inay kaalin mug leh ka qaataan Gurmadka loo fidinayo Dadka ay Abaartu saameysay, si loo yareeyo saameynta ba’an ee ka dhalatay Biyo la’aanta iyo Daaq la’aanta.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado dadaallo lagu xoojinayo Gurmadka Bani’aadannimo, isla markaana ay la shaqeynayso Hay’adaha gudaha iyo kuwa Caalamiga ah si loo gaarsiiyo Gargaar Degdeg ah meelaha ay dhibaatadu sida gaarka ah u saameysay.

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii iyo natiijooyinkii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo hooysay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada Adduunka ee COP30 oo ka dhacay dalka Brazil.

Munaasabaddan, ayaa lagu soo bandhigay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan dadaallada dowladda ee ku aaddan saameynta isbeddelka cimilada, mashaariicda dib-u-soo-kabashada deegaanka, qorshayaasha yaraynta fatahaadaha iyo fursadaha maalgelinta deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey doorka firfircoon ee wafdiga Soomaaliya ay ka qaateen doodaha caalamiga ah, isaga oo xusay in Soomaaliya ay markan dunida u gashay gorgortan dhab ah oo ku aaddan helitaanka Maalgelinta Cimilada (Climate Finance) iyo magdhowga khasaaraha ka dhasha Isbeddelka Cimilada ee ay sameeyaan dalalka horumaray.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay samaysay wasaarad gaar u ah arrimaha deegaanka si xal loogu helo saamaynta abaaraha iyo isbeddelka cimilladq, taasi oo ka tarjumaysa mudnaanta ay dowladda siisay arrimaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed xilligan ay wajahayaan abaar aad u adag oo loo baahanyahay in loo kaco sidii gurmad loo gaarsiin lahaa sidii xaaladda ba’an ee ay ku jiraan bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal ugu jirtaa gurmadka dadka tabaalaysan iyada oo dowladdu ay samaysay Sanduuq lagu uruuriyo dhaqaalah loo qorsheeyay gurmadka abaaraha, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, uu la kulmay safiirrada dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay madaxda dalalka iyo hey’adaha caalamiga in ay gacan ka gaystaan arrimaha taagan.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay culimada, ganacsada iyo samafalayaasha Soomaaliyeed in ay ka qeyb-qaataan sidii ay dadka Soomaaliyeed ee duruufaha qalafsan ku jira loo gaarsiin lahaa gurmad iyo taakulo.

Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga

Addis Ababa(Wargeyska Dalka):-Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay ee Talyaaniga iyo Afrika waxaa lagu guddoomiyay in laga gudbo hannaanka iskaashiga soojireenka ahaa, lana yagleelo iskaashi ku saleysan arrimaha hortabinta u leh Afrika iyo in Afrika ay iyadu go’aamiso masiirkeeda.

Marka laga ambaqaado aragtideenna, iskaashiga Talyaaniga iyo Afrika waxa uu jidaynayaa ahmiyadda ay leedahay maalgelinta kaabayaasha halbowlaha ah ee horseedaya xasillooni iyo koboc dhaqaale oo waara.

Waxyaabaha hortabinta u leh Soomaaliya waa kuwo cad: xoojinta gegsiga bulshada, inaan dhallinyaradeenna u abuurno fursado shaqo, helitaanka cunto bulshada ku filan, iyo inaan dhaqaalaheenna ku xirno suuqyada heer gobol iyo heer caalami.

Horumarka ay Afrika ku tallaabsanayso waa inay saldhig u tahay ilaalinta gobonnimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee dalalka, si waafaqsan mabaadii’da Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Mabaadii’dani ma aha kuwo la tiigsado oo kali ah; waa waajibaad sharci ah oo go’aaminaya badqabkeenna. Tallaabooyinka ay sida goonida ah Israa’iil ugu beegsatay madaxbannaanideenna waxay si toos ah u wiiqayaan nidaamka caalamiga, waana inaan si adag isaga diidnaa.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika inay iska diidaan nooc kasta oo faragelin dibadeed oo wiiqaysa sharciga caalamiga ah, xasaradna ka abuuraysa gobolka, isla markaana dhaawacaysa kalsoonida u dhaxaysa wadammada.

Maadaama nabadda iyo horumarku aysan kala harin, Soomaaliya waxay ahmiyad gaar ah siinaysaa iskaashiga amniga ee u dhexeeya Talyaaniga iyo Afrika. Waxaan si gaar ah uga mahadnaqaynaa taageerada Talyaaniga ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Talyaaniga iyo dhammaan bahwadaagta qaybta ka ah Qorshaha Mattei, iyadoo qorshahaas lagu hagayo kalsooni, xilkasnimo, dan-wadaag iyo aragti mideysan oo ku wajahan Afrika oo barwaaqo ah.

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii iyo natiijooyinkii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo hooysay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada Adduunka ee COP30 oo ka dhacay dalka Brazil.

Munaasabaddan, ayaa lagu soo bandhigay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan dadaallada dowladda ee ku aaddan saameynta isbeddelka cimilada, mashaariicda dib-u-soo-kabashada deegaanka, qorshayaasha yaraynta fatahaadaha iyo fursadaha maalgelinta deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey doorka firfircoon ee wafdiga Soomaaliya ay ka qaateen doodaha caalamiga ah, isaga oo xusay in Soomaaliya ay markan dunida u gashay gorgortan dhab ah oo ku aaddan helitaanka Maalgelinta Cimilada (Climate Finance) iyo magdhowga khasaaraha ka dhasha Isbeddelka Cimilada ee ay sameeyaan dalalka horumaray.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay samaysay wasaarad gaar u ah arrimaha deegaanka si xal loogu helo saamaynta abaaraha iyo isbeddelka cimilladq, taasi oo ka tarjumaysa mudnaanta ay dowladda siisay arrimaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed xilligan ay wajahayaan abaar aad u adag oo loo baahanyahay in loo kaco sidii gurmad loo gaarsiin lahaa sidii xaaladda ba’an ee ay ku jiraan bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal ugu jirtaa gurmadka dadka tabaalaysan iyada oo dowladdu ay samaysay Sanduuq lagu uruuriyo dhaqaalah loo qorsheeyay gurmadka abaaraha, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, uu la kulmay safiirrada dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay madaxda dalalka iyo hey’adaha caalamiga in ay gacan ka gaystaan arrimaha taagan.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay culimada, ganacsada iyo samafalayaasha Soomaaliyeed in ay ka qeyb-qaataan sidii ay dadka Soomaaliyeed ee duruufaha qalafsan ku jira loo gaarsiin lahaa gurmad iyo taakulo.

             

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

Addis ababa:-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Shir Madaxeedka labaad ee Talyaaniga iyo Afrika oo ay martigelisay Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya.

Shir madaxeedkan ayaa looga hadlayay xoojinta dadaallada iskaashiga iyo kobcinta xiriirka dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Talyaaniga iyo dalalka Afrika, iyadoo wadahadalladu diiradda saarayaan ganacsiga, maalgashiga, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, iyo hal-abuurka.

          

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 13-ka February, 2026

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay kuna bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed, guusha taariikhiga ah ee dalkeennu ku hantey kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, muddada 2026–2028.

2- Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan bahda caafimaadka Soomaaliyeed, ee uu ka geeriyooday Dr. Cumar Aadan Cadde oo ka mid ahaa hormuudka caafimaadka dalka.

3- Madaxweynae Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika Marwo Jenny Chapman.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Masar doorka muuqda ee ay dowladdiisu ka qaadanayso taageerada midnimada, madax-bannaanida, iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Alsiisi oo si’ wadajir ah qabtay shir jaraa’id oo ay ku soo bandhigeen muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Masar, iskaashiga dhinacyada amniga, horumarka iyo aragtida wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadda gobolka.

6- Wasaaradda Gaashaandhigga Masar ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u soo bandhigtay ciidamada ay u diyaarisay inay ka qeyb galaan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Doha ee Qatar kulamo miro dhal ah kula yeeshay mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, isaga oo kala hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Ciraaq u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr. Qahtan Taha Khalaf Al-Janabi,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Terminaalka cusub ee Arimas, oo laga hirgeliyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kormeer degdeg ah ku tagay Garoonka Aadan Cabdulle, ayaa amray in gabi ahaanba uu lacag la’aan yahay kaarka caafimaadka ee ay bixiso Wasaaradda Caafimaadka, kadib markii ay soo gaartay cabasho ka timid shacabka Soomaaliyeed.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha e Jarmalka, Niels Annen. Iyagoo si qoto dheer uga wada hadlay danaha ka dhaxeeya labada dal.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, oo sannadkan diiradda lagu saaray dib-u-habaynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalka, horumarinta manhajka, kobcinta xirfadaha macallimiinta iyo ballaarinta fursadaha waxbarasho ee dalka.

13- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA.

14- Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay ka doodista Cutubka Shanaad ee Dastuurka KMG ah.

15- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhaweysay go’aanka ay Dowladda Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu soo noqotey Urur-Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD).

16- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay miisaankeeda diblomaasiyadeed ee caalaamka, kadib markii loo doortay inay xubin ka noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga muddada u dhaxeysa 2026 ilaa 2028.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cali , ayaa magaalada Addis Ababab uga qeybgaley shirka heer wasiir ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika (AU PSC), kaas oo diiradda lagu saaray hawlgalka AUSSOM iyo xaaladda Suudaan.

18- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, ayaa furay Shirka 8aad ee Garsoorka dalka.

19- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Kenya, Mudane Dr. Hon. Musalia Mudavadi.

20- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Aljeeriya, Mudane Sifi Ghrieb,iyadoo kulanka diirrada lagu saaray dhinacyada garsoorka, caddaaladda iyo is-dhaafsiga khibradaha.

21- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Riyaad kulan kula yeeshay Wasiirka Warshadaha Difaaca ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Vugar Mustafayev, intii uu socday Bandhigga Difaaca Adduunka 2026.

22- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa soo xiray aqoon-isweydaarsi diiradda lagu saarayay habraaca xiriirka hay’adaha dowladda, inta lagu guda jiro xaaladaha degdegga ah,isagoo xusay in dowlada mudnaan siineysa Mideynta Farriimaha oo xambaarsan xog sugan.

23- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud ayaa booqday Maxkamadda Sare ee dalka Aljeeriya , kadib saxiixii heshiiska is-afgaradka ee lagu xoojinayay iskaashiga garsoorka iyo caddaaladda labada dal.

24- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire Maxamed, ayaa magaalada Johannesburg kulan la yeeshay maalgashadayaasha caalamiga ah, oo isugu jiray madaxda bankiga Empire Investment Bank ee dalka Shiinaha iyo Madaxweynaha Rugta Ganacsiga ee dalka Koonfur Afrika, Adv. Mtho Xulu.

25- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka hadlay Shirweynaha 3-aad ee Waxbarashada Qaranka ayaa sheegay in ay gaarsiiyeen adeegyada waxbarashada goobihii laga xorreeyey Khawaarijta .

26- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo ka hadlayay Shirweynaha 3-aad ee Waxbarashada Qaranka, ayaa soo bandhigay guulaha la taaban karo oo laga gaaray ballaarinta adeegyada waxbarashada dalka, gaar ahaan deegaannada dhawaan laga xoreeyey kooxaha argagixisada.

27- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Cadaaladda Turkiga, Mudane Yılmaz Tunç,iyagoo kawada hadlay dhinacyada cadaaladda iyo garsoorka ee labada dal.

28- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xarunta Isbahaysiga Waddamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) ee ku taal Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kula kulamay Xoghayaha Guud ee xarunta, Jeneraal Maxamed bin Saciid Al-Moghedi.

29- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud iyo Wasiirka Cadaaladda dowladda Aljeeriya mudane Lotfi Boudjemaa ayaa magaalada Algiers ee dalka Aljeeriya ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada garsoorka iyo caddaaladda labada dal.

30- Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si rasmi ah u kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada tacliinta sare iyo cilmi baarista.

31- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Geneva kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus.

32- Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan gaarsiiyay qalabka isdiiwaangelinta doorashada golaha deegaanka.

33- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa magaalada Nairobi ka daahfuray Bandhigga Todobaadka Ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ka jira labada dal.

34- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac oo booqasho shaqo ku joogay dalka Qatar, ayaa booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Sare ee Warbaahinta Al-Jazeera ee magaalada Dooxa ,isagoo wada hadal iskaashi laba dhinac ah la yeeshay Agaasimaha Machadka Eman Al Amri.

35- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa heshiis iskaashi ciidan la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sucuudiga, Sumuwal Amiir Khaalid Bin Salmaan, waxaana heshiiskan lagu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada difaaca iyo milateriga ee labada dal.

36- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Riyaad laga qeybgaleu furitaanka Bandhigga Difaaca Adduunka,oo ka furmay.

37- gaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta,oo looga hadlay wadashaqaynta, iskaashiga iyo xog isdhaafsiga Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta.

38- Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qayb galay kulan sannadeedka diblomaasiyadda ee ka dhacay Madaxtooyada Kenya,oo uu martigeliyey Madaxweyne William Ruto, kaas oo looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah ee sannadka cusub.

39- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xamsa Aadan Xaadoow, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha degaanka safiirka ee Safaaradda Soomaaliya ee Daar es Salaam.

40- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye (BTK) ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad ah (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee isgaarsiinta elektaroonigga ah.

41- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Mudane Axmed Macalin Xasan, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey shil diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

42- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamud ayaa kulan la yeeshay u qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Col. Wills.

43- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer rasmi ah ku tagay markabka dagaalka ee TCG SANCAKTAR ,oo ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Jamhuuriyadda Turkiga, kaas oo ku soo xirtay dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

        

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis ababa kaga qayb gelaya shirka madaxda Afrika

Addis ababa:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa kala qeyb galaya Hoggaamiyeyaasha Afrika Meertada 39-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, isagoo xoojinaya dadaallada diblumaasiyadeed ee ku aaddan difaaca midnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la yeelan doonaa madaxda gobolka iyo kuwa Afrika ee Shirka ka qeyb-galaya, isagoo ku bogaadinaya, kuna adkaynaya mowqifka taariikhiga ah ee ay ka istaageen xadgudubka sharci darrada ah ee Israa’iil ay kula kacday midnimada Soomaaliya, ugana mahadcelinaya taageerida xubinnimada dalkeenna ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda Afrika.