Wasiirka Waxbarashada XFS oo soo dhoweeyay wafdi ka socday Jaamacaad Carabta

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi ka socday Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminaayey Xoghayaha Guud Dr.Maxamed Walad Acmar.

Wasiirka iyo wafdiga uu horkacayo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ,ahna wakiilka Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmiga waxa ay kulan ay yeesheen ay kaga wada hadleen qodobbo ay kamid yihiin kor u qaadidda iyo horumarinta waxbarashada iyo tacliinta dalka.

Imaatinka wafdiga ka socda Jaamacadda carabta oo salka ku hay indho indheynta xaaladda dalka iyo sidii loo yeelan laha  xiriir dhinacyo badan oo u dhaxeeya maamulka Jaamacadda Carabta iyo wasaaradda waxbarashada XFS.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo guddoomiyay kulan doceed ka mid ah shir-madaxeedka Afrika

Iyadoo ay barbar socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, isaga oo ah Isu-duwaha Kooxda A3, ayaa guddoomiyay Shirkii Lixaad ee Heerka Wasiirrada A3.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Liberia, Marwo Sara Beysolow Nyanti; Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Marwo Noëlla Ayeganagato Nakwipone; Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka, Danjire Bankole Adeoye; iyo Kormeeraha Joogtada ah ee Midowga Afrika u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Mohamed Fathi Edrees.

Wasiirradu waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay horumarinta mudnaanta iyo danaha Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyaga oo adkeeyay baahida loo qabo xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda u dhexeysa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Kooxda A3, si loo mideeyo codka Afrika loona kordhiyo saamaynteeda istaraatiijiyadeed ee heer caalami.

Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda midnimada Afrika oo ku dhisan aragti istaraatiiji ah oo cad iyo mabda’ wada-tashi ku saleysan, xilli ay jirto hubanti la’aan sii kordhaysa oo ka jirta nidaamka caalamiga ah, iyaga oo ku baaqay in la dhowro lana xoojiyo nidaamka wada-jirnimada caalamiga ah (multilateralism).

Danjire C/Kariim Axmed oo waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Boqorka Norway

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Dalalka Nordiga Mudane C/Kariim Axmed Maxamed ayaa waraaqihii aqoobsiga danjiranimo u gudbiyay Boqorka Dalka Norway Boqor Herald.

Kuulankaasi oo ka dhacay xarunta qasriga boqortooyada waxaa labada dhinac ay kaga wada hadleed Bilowga shaqada xagga dibolomaasiyadda iyo xoojinta xiriirka labada dal ee soo jireenka ah.

Danjiraha Soomaaliya waxa uu boqor Herald u gudbiyay salaan uu uga sidday madaxweyne Xasab Sheekh,waxaana halkaasi la iskula soo qaaday in si wadajir ah labada dal ay uga wada shaqeyn doonaan arrimaha siyaasadda iyo dhinaca dibolomaasiyadda.

Danjire C/Kaeiim Axmed Maxamed oo ah safir fadhigiisu yahay Dalka Sweden waxa uu dowladda Soomaaliya wakiil uga yahay dalalka la isku yiraahdo Nordigga ee ay ku jirto Norwey.

Danjiraha ayaa maanta La kulmay jaaliyadda Soomaalida ee Norwey,isagoo siiyay warbixin ku saabsan shaqada safaaradda Soomaalida ee dalkaasi iyo howlaha kala duwan ee ay u qaban doonto ,gaar ahaan adeegyada khuseeya dukumiintiyada iyo baasaboorada.

Safiirka ayaa horay ula kulmay madax ka socotay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Norwey

R/Wasaaraha XFS oo la kulmay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo xubno kale

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sh Axmed ,xilli loo madlan yahay shirka wadahadalka dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa booqashadiisa waxa ay qeyb ka tahay niyad wanaagga madaxda dowladda ku wajahayaan dadaalada lagu abuurayo jawi kasta oo keeni kara in dalka lagu sii waso xasillooni waara.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qiray in gogosha dowladda ay mar kasta fidsan tahay, albaabka madaxdana uu furanyahay, muhiimna tahay in dhinacyada lagala fariisto xal-u-helista arrimaha taagan, si dalka uu horey ugu tallaabsado, loogana xoreeyo cadowga Khawaariijta, meelna looga soo wada jeesto faragalinta dibadeed ee lagu sameeyay gudaha dalka.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo xubin ka ah Golaha Mustaqbalka.

R/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 ee 𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xalay ka qaybgalay Baalfurka Buug ka hadlaya Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika oo lagu qabtay Muqdisho.

Buuggaan aya iftiiminaya dadaalladii kala dambeeyay ee lagu dhisaayey dowladnimada Soomaaliya ,xilliyadii burburka iyo marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in nabadda Soomaaliya ay saameyn ku leedahay guud ahaan gobolka Geeska Afrika, isaga oo tilmaamay in kala qeybinta Soomaaliya ay halis ku tahay amniga iyo xasilloonida Gobolka, loona baahanyahay in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xamsa waxa uu tilmaamay in Buuggan oo ku qoran luuqadda Soomaaliga uu mudnaan u leyahay bulshooyinka gobolka isaga oo boorriyey ahmiyadda ay leedahay in Gobolka Geeska Afrika la gaarsiiyo Luuqadda Soomaaliga, ayna mudnaan gaar ah siiyaan si loo ilaaliyo Dhaqanka, Afka iyo Diinteenna

Ra’iisul Wasaaraha oo dhiirrigalinaya akhriska tagtadii shalay iyo taariikhihii kala duwanaa ee lasoo maray ayaa sheegay in bulshooyinka wax akhriya ay mar walba aragti fog kasii yeeshaan waxyaabaha kusoo socda, isaga oo u mahadceliyay Qoraaga Buugga Danjire Maxamed Cabdi Afey, oo dadaal ku bixiyey uruurinta iyo curintiisa muhiimka ah.

 

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maalinimadii shalay cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland,iyagoo ku dhawaaqay in tallaabadaasi ay tahay waxba kama jiraan sida ku xusan sharciga caalamiga ah.

Bayaan laga soo saaray xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, ayaa lagu xaqiijiyay midnimada dhuleed ee Soomaaliya,waxaana la dalbaday in si degdeg ah looga noqdo go’aanka aqoonsiga ee dhacay Diseembar 2025.

Midowga Afrika ayaa ku nuuxnuuxsaday in xuduudaha Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan,iyagoo si cad u diidaya Jamhuuriyadda Somaliland,isla markaana taageeray madaxbannaanida buuxda ee Soomaaliya.

Dhinaca kale.golaha ayaa soo dhaweeyay guulihii laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee al-Shabaab, waxaana lagu dhiirrigeliyay ciidamada amniga Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee caalamka inay xoojiyaan howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu xusay in maamulada ka jira dalka ay sii wadaan dhinacooda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Israa’iil ayaa weli ah dalka kaliya ee aqoonsaday Soomaaliland ,waxaana tallaabadaasi ay dhalisay dhaleeceyn xooggan oo ka soo yeertay Geeska Afrika iyo guud ahaan dalalka caalamka.

Warsaxaafadeed: Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta u caddeyneysaa in habraaca soo jireenka ah ee sugida amniga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle uu si buuxda u shaqeynayo, islamarkaana uu khuseeyo cid kasta oo dooneysa inay gasho ama ka baxdo garoonka.

Habraacaasi wuxuu dhigaya in wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo laga soo galo albaabka Mariina Gate, isla markaana aan loo oggolayn in ciidan hubeysan lala galo gudaha garoonka.

Si kastaba ha ahaatee, xalay waxaa dhacday in qaar ka mid ah masuuliyiintii hore ee dalka ay ku xadgudbeen nidaamkaas, iyagoo gudaha garoonka la galay ciidamo aad u tiro badan, isla markaana isticmaalay albaab aan ahayn midka loo asteeyey in xilliga habeenkii la isticmaalo. Tallaabadaas waxay halis ku tahay amniga iyo badqabka garoonka, waxayna jebinaysaa habraaca rasmiga ah ee sugista amniga.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay mar kale caddeyneysaa in habraacyada amniga garoonka ay wada khuseeyaan dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta, xil haya iyo kuwo horeba, isla markaana aan cidna laga reebayn fulinta nidaamkaas.

Dhanka kale, Wasaaraddu waxay iftiimineysaa in aanay jirin masuuliyiin hore oo loo diiday inay galaan garoonka, balse ay jireen kuwo diiday inay u hoggaansamaan habraaca amniga ee u degsan garoonka.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay ku boorrineysaa dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan sharciyada iyo habraacyada amniga si loo xaqiijiyo badqabka guud ee garoonka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya oo Kulan wada qaatay

Addis Ababa:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya oo Kulmay Intii uu Socday Shirarka Midowga Afrika.

Intii ay socdeen shirarka Midowga Afrika ee ka qabsoomaya magaalada Addis Ababa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Jamhuuriyadda Kenya, Mudane Dr. Hon. Musalia Mudavadi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray
Si loo horumariyo loona mideeyo mudnaanta wadajirka ah ee labada dal, oo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga gobolka, iskaashiga xuduudaha, iyo horumarinta ganacsiga. Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay derisnimo wanaaga iyo sii wadidda wada-tashiyada joogtada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada qaranka ku qaabilay wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika Marwo Jenny Chapman.

Madaxweynaha ayaa wafdiga la wadaagay guulaha muuqda ee Soomaaliya ay ka xaqiijisay dowlad-dhiska, ammaanka iyo geeddi-socodka dimuquraadiyadda, isagoo adkeeyey xiriirka istiraatiijiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo kobcinta maalgashiga.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada, la dagaallanka argagixisada iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Dhankeeda, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska Marwo Jenny Chapman ayaa adkeeysay sida Dowladda Ingiriisku ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhow ee kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda.

       

Soomaaliya iyo Nayjeeriya oo Xoojinaya Xiriirkooda Laba Geesoodka ah

Addis Ababa:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Nayjeeriya, Danjire Yuusuf Maitama Tuggar, intii uu socday shirka Midowga Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga labada dal, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay arrimaha mudnaanta u leh qaaradda Afrika, oo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga, horumarka waara, iyo adkeynta midnimada Afrika.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay in la sii xoojiyo wada shaqeynta loo marayo qaab dhismeedka Midowga Afrika, iyo in la joogteeyo wadatashiyada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Nayjeeriya, si loo horumariyo danaha wadajirka ah iyo doorka labada dal ee arrimaha qaaradda.