Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada federaalka iyo kuwa deegaanada ee K/Galbeed .

“Ma jirto cid adkaatay oo sameyn karta wixii ay doonto,mana jirto cid laga adkaaday oo lagu smeyn karo wixii la doono” ayuu yiri guddoomiye Shuute oo la hadlay saraakiisha ciidamada ee hoggaamineysa ciidanka ku sugan Beydhabo.

Taliyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida mar uu ka hadlaayay xaaladda Beydhabo waxa uu ku goodiyay in cid kasta oo qeyb ka noqota fal dambiyeed la horgeyn doono maxkad,isla markaana loo ciqaabayo wixii ay geysteen,isagoo intaa raciyay in sharcigu uu yahay mid loo siman yahay

Mudane Shuute waxa uu ugu baaqay qeybaha ciidamada in ay xil iska saaraan sidii looga hortago lahaa isku day kasta oo keeni kara in la sameeyo khalalaaso,aargudsi iyo kicin dadweyne.

Saraakiisha ciidamada ee ku sugan Magaalada Beydhabo waxaa lagula dardaarmay in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan soo celinta xasiloonida Magaalada Beydhabo.

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo wada hawlgalo lagu baacsanayo Khawaarijta ayaa deegaanka Abaar Cano-weyn oo u dhexeeya deegaanka Yasooman iyo degmada Moqokori ee bariga gobolka Hiiraan, waxay weerar dhabagal ah oo ay ka fuliyeen ku dileen maleeshiyo ka tirsan Khawaarijta oo watay gaari nooca Cabdi-bile ah. Hawlgalka waxaa lagu gubay gaarigiiay wateen, waxaana lagu dilay maleeshiyadii saarnaa, sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka XDS, Kornayl Cali Cagey.

Ciidanka hawlgalkan fuliyay ayaa si nabad ah ugu soo laabtay goobihii ay weerarka ka qaadeen, iyagoo la wareegay hubkii ay wateen argagixisadu.

Safaaradda Soomaaliya ee Switzerland oo soo dhaweysay Guddiga Xuquuqul Insaanka

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhisa dalalka Switzerland iyo Austria, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u jooga Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, Danjire Khadra Axmed Ducaale, ayaa kulan soo-dhaweyn ah u sameeyay wafdiga Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay magaalada Geneva.

Wafdiga oo ay hoggaaminaysay Guddoomiye Dr. Maryan Qaasin Axmed, ayaa Danjire Khadra uga mahadceliyay dadaalladeedii diblomaasiyadeed ee ay kaga qayb qaadatay soo dhiraandhirinta qaraarkii taariikhiga ahaa ee bishii Oktoobar 2025 ay Golaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva ku gaareen. Qaraarkaas oo ay hormuud ka ahayd Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa Soomaaliya si buuxda loogu wareejiyay awoodda maamulka iyo la socoshada arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka.

Booqashada wafdiga ee safaaradda ayaa gebagabo u ahayd shaqadii ay wafdiga Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanku ka hayeen magaalada Geneva saddexdii maalmood ee u dambeeyay, taas oo ku soo dhammaatay guul.

      

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo dib u eegis ku sameeyay heshiisyada kirada ee dhulka dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u eegis gaar ah ku sameeyey heshiisyada kirada dhulka dowladda ee 7 shirkadood oo kamid ah shirkadaha ganacsiga gaarka ah ee ka howlgala xerada Bootiko, ama Xalane, ee magaalada Muqdisho.

Dib u eegista gaarka ah ee lagu sameeyey heshiiska kirada dhulka ee Shirkadda SKA International Group ayaa muujisay in shirkaddu ay ku ganacsanayso dhul dowladeed oo cabbirkiisu ku dhow yahay 40,000 SQM, isla markaana ay dowladda uga baaqatay lacag dhan $860,000.00.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa Warbixinta Dib u eegista gaarka ah ee heshiiska kirada dhulka ee Shirkadda SKA International Group la wadaagay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Taliyaha ciidanka dhulka oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika, General Brown.

Kulankan ayaa si qoto dheer loogu lafa-guray dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta iyo kaalinta howlgalka AFRICOM ee garab istaagga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ka mahadceliyay taageerada Dowladda Mareykanka ay la garab taagan tahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Taliyaha Howlgalka AFRICOM ee Geeska Afrika, General Brown, ayaa dhankiisa ka hadlay wada-shaqeynta Dowladda Soomaaliya ay la leedahay howlgalka AFRICOM ee Geeska Afrika, wuxuuna sheegay in ay sii xoojin doonaan howlgalka iyo garab istaagga Ciidanka Xoogga Dalka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta.

  

LIVE: Munaasabadda dhaarinta golaha deegaanka Xamar oo bilaabatay

Munaasabadda dhaarinta xubnaha golaha deegaanka Xamar oo ka kooban 390 xubin ayaa goordhow ka bilaabatay magaalada Muqdisho.

Wasiirro ka tirsa xukuumadda, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qaybgalaya munaasabadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud, ayaa si rasmi ah u dhaariyay dhammaan 390-ka xildhibaan ee golaha deegaanka Xamar.

Cabdikariim Axmed Xasan Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa xusay in dhowaan ay soo saari doonaan jadwalka doorashooyinka deegaanada Koonfur Galbeed oo ah kuwa isu sidkan oo lagu dooran doono golayaasha deegaanka degmooyinka iyo xubnaha golaha wakiilada.

 

 

            

Shirweynaha Ururrada Xuquuqul Insaanka oo Geneva lagu soo gabagabeeyay

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI) oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo Soomaaliya ay markii ugu horreysay ka qayb gashay shirweynahaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Drs Maryan Qaasim Axmed oo hoggaaminaysay wafdiga ayaa shirka ka jeedisay khudbad ka hadleysa xaaladaha Soomaaliya ,taas oo taabaneysa dhinacyo badan.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray saameynta ay xuquuqda aadanaha ku leeyihiin teknoolojiyadda casriga ah, gaar ahaan garaadka gacmeedka (artificial intelligence) iyo aaladaha dhijitaalka ah. Guddoomiye Maryan Qaasim Axmed oo hadal ka jeedisay shirka, ayaa si gaar ah uga hadashay horumarrada Soomaaliya ay ka gaartay dhinaca xuquuqul aadanaha, iyo dhismaha Guddiga Qaran ee loo idmaday inuu ka shaqeeyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha iyo Wafdiga ay hoggaamineysay ayaa kulan doceed la yeeshay dhiggooda dalka Itoobiya oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Berhanu Adelo, waxayna si gaar ah u falanqeeyeen sii xoojinta iskaashiga labada Hay’adood.

  

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhaweeyay Beydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga uu hoggaaminaayo hoggaamiyaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan xukuumadda, siyaasiyiinta deegaanka, saraakiil iyo qeybaha kale ee bulshada.

Socdaalka hoggaamiyaha KMG ah ayaa la xiriira dhammeystirka qorshaha dhisidda nidaam maamul oo ku yimaada rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed, taas oo ay ballan qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

   

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyey hindise-sharciyeedyo, heshiisyo iyo xeer-nidaamiyayaal muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey hindise-sharciyeedyo, heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah oo waxtar u leh tayeynta hey’adaha dowladda.

Dhammaan qodobadaasi muhiimka ah ee la ansixiyay waa kuwo loo qaaday  iskaashiga iyo horumarka dalka, waxayna kala yihiin.

1- Hindise-Sharciyeedka Hey’adda Maamulka Garoommada Diyaaradaha Soomaaliyeed.

2- Siyaasadda-Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Howlgallada Ciidan iyo Colaadaha.

3- Hindise-Sharciyeedka La-dagaallanka Tahriibta iyo ka Ganacsiga Dadka

4- Xeer-nidaamiyaha Sharciga Shaqada Arrimaha Dibadda.

5- Heshiiska Caalamiga ah ee ka Hortagga Falalka Sharci-darrada ah ee ka dhanka ah Bad-qabka Socdaalka Badda 2005 (Heshiiska SUA ee 20025).

6- Baratakoolka 1992 ee wax ka badalaya Heshiiska Caalamiga ah ee Masuuliyadda Madaniga ee wax-ka beddelka Wasakhowga Saliidda.

7- Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Isbaaniya kuna saabsan Wadatashi Siyaasadeed.

8- Qaraarka Hirgalinta Hannaanka Tartanka Furan.

Kulanka Golaha oo uu Guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu bogaadiyey ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed oo deegaanno hor leh maalmahan ka xoreeyay kooxaha Khawaarijta isla markaana dadaal ugu jira sidii ay uga sifayn lahaayeen guud ahaan dalka.

Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga XFS, ayaa Golaha warbixin ka siiyey dadaallada dowladda ay waddo ee lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo dhowaanna la qorshaynayo howlgallo lagaga sifaynayo deegaannada yar ee ay wali ku suganyihiin.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada Xukuumaddu waxa ay bogaadisay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed iyo caasimadd KMG ee Baydhabo sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen ciidamada qalabka sida. Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidanka qaranka sidii mas’uuliyadda iyo taxadarka ku jirey ee ay u maareeyeen hawlgalkii la isugu furey waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo.

Ugu dambeyntii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag ugu baaqaysaa dhinacyada ay colaaddu u dhexayso inay si bilaa shuruud ah u joojiyaan xabbadda, qaataanna nabadda, iyadoo lagu dhiirigelinayo inay khilaafaadka ka dhashay deegaanka ku xalliyaan hab wadahadal iyo is-afgarad ah. Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa maamulka Somaliland in uu qaataan mas’uuliyadda kaga aaddan xallinta dhibaatadan, door hogaamineedna ka ciyaaro deminta iska horimaadyada sokeeye, iyo xasilinta deegaanka. Xukuumaddu waxay codsi u diraysaa hoggaanka dhaqanka, culimada diinta, aqoonyahanka iyo dhammaan waxgaradka deegaanka, iyadoo ka sugaysa inay u istaagaan daminta colaadda iyo xoojiyaan walaaltinnimada, kana shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal waara oo meesha ka saaraya sababaha keena iska horimaadyada soo noqnoqda.

Xafiiska Hantidhowrka Guud JFS oo soo xiray aqoon kororsi la xiriiray qiimeynta khatarta musuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa soo gabagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan qiimeynta khatarta musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii u dhexeysay 30-ka Maarso ilaa 1-dii Abriil.

Aqoon isweydaarsigan waxaa uu qayb ka yahay dadaallada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee lagu xoojinayo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo ilaalinta habraacyada ku aadan ka hortagga musuqmaasuqa.

Hirgelinta aqoon isweydaarsigan ayaa ku yimid iskaashi u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortagga Daroogada iyo Dembiyada  ee UNODC.

Hey’adda UNODC ayaa bixisay taageerada farsamo ee lagu socodsiiyay aqoon kororsigaasi, halka Xafiiska Hantidhowrka Guud uu lahaa hoggaaminta iyo jihaynta aqoon isweydaarsiga.