Madaxweynaha Jabuuti “Waajib ayeey nagu tahay in Soomaaliya aan la garab joogno nabad, horumar iyo midnimo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadaladaasi ka jeediyay xarunta nabadda e magaalada carta,halkaasi oo ay ka socdaan ololaha doorashada ee dalkaasi.

Kulanka hadal jeedinta madaxweynaha oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan golayaasha dowladda,maamulka magaaladaasi iyo marti sharaf kale waxa uu Ismaaciil Cumar Geelle markale si weyn u taageeray midnimada Soomaaliya.

Madaxweybnaha Jabuuti ayaa yiri “Waajib beey nagu aheyd in Soomaaliya aan la garab joogno nabad, horumar iyo midnimo,haddana diyaar ayaan u nahay in aan sii wadno waajibaadka naga saran gacansiinta Soomaaliya”.

Wasaaradda Dekedaha XFS oo diiwaangelineysa maraakiibta ganacsi ee ka howlgala gudaha iyo dibadda dalka

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya oo lagu magacaabo “Guney”,kaas oo sumadda tirsigiisu ay tahay IMO 8230417.

Tani waa markii ugu horreysay ee la diiwaangeliyo maraakiibta qaata calanka Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya , iyadoo ujeeddadku yahay xoojinta aqoonsiga iyo maamulidda maraakiibta Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa ku boorrisay ganacsatada iyo milkiilayaasha maraakiibta inay ka faa’iideystaan fursaddan, si ay uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka.

Dadaalladaan waxay qeyb ka yihiin qorshaha istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo siyaasadda Xukuumadda Dan Qaran, iyagoo taageeraya hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah.

R/Wasaare Xamsa oo K/Galbeed u magacaabay maamul ku meel gaar ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray digreeto uu ku magacaabayo hoggaamiye ku meel gaar ah oo sii wada howsha maamul ee Koonfur Galbeed.

Wareeftadaan ayaa waxaa R/Wasaare ku xigeenka labaad Mudane Jibriil Xaaji Cabdi Rashiid cabdi si ku meel gaar ah loogu magacaabay in uu noqdo hoggaamiyaha maammulka KMG ah laga bilaano kowda bishaan Apriil.

Wareegtadaan oo ka soo baxday xafiiska R/Waaraha JFS ayaa loo cuskaday qodobadaan soo socda:-

In la daboolo baahida loo qabo sii socoshada howlaha maamul ee K/Galbeed.

In la ilaaliyo xasiloonida siyaasadeed.

In la tixgaliyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la helo hoggaan KMG ah oo suga amniga guud ee shacbiga

Maamulka ku meel gaarka ah ayaa mudada uu hayo xilkaasi waxaa uu qaban doona ama u howlgali doonaa sida soo socota:-

Sii wadidda adeegga dowladeed eel agama maarmaanka ah.

Dardargalinta wadatashiyada ku aadan doorashada qof iyo codka ah inta lagu dhameystirayo dowlad goboleedka K.Galbeed Soomaaliya.

Diyaarinta iyo hirgalinta hannaanka kala gurka ee waafaqsan dastuurka dalka

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa Aadan Xadow ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho dhiggiisa dalka Suudaan danjire Mucawiya Cusmaan Khaalid.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la dardargeliyo wadatashiyada joogtada ah iyo dib-u-eegista heshiisyada horay uga dhexeeyey Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo la ballaarinayo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo ka shaqaynta arrimaha amniga gobolka, si loo xaqiijiyo danta guud iyo xasilloonida gobolka.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa wafdi heer sare ah oo uu qayb ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, mudane Cabdiraxmaan Khaliil Afandi, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada dhinac.

Tallaabadan ayaa ka turjumaysa xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah iyo sida ay labada dal uga go’an tahay xoojinta is-dhexgalka ka dhexeeya Muqdisho iyo Khartuum.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS oo daah-furay Madasha Isku-Duwidda qaybta Beeraha

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah furay Madasha Isku-Duwidda qaybta Beeraha oo ay hirgelisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, taas oo loogu talagalay xoojinta Isku-Duwidda iyo wada-shaqeynta Barnaamijyada Horumarinta Beeraha ee Dalka.
Madashan oo ay ka qayb qaadanayaan Wasaarado kala duwan iyo Hay’adaha Caalamiga ah sida FAO iyo WFP, ayaa diiradda saari doonta mideynta dadaallada Dowladda, Hay’adaha horumarinta iyo daneeyayaasha kale, si loo kordhiyo Wax-Soo-Saarka loona xoojiyo Sugnaanta Cuntada, iyadoo la hirgelinayo qorshe mideysan oo lagu horumarinayo qaybta Beeraha ee Soomaaliya.
Mudane Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka, ayaa sheegay in Barnaamijkan uu horseed u noqon doono Horumarinta Beeraleyda Soomaaliyeed, sidoo kalena laga hortagi doono xaaladaha Abaaraha ee dhanka Beeraha iyo adkeysiga isbeddelka Cimilada.

Ra’iisul Wasaare XJFS Muadane Xamsa Cabdi Barre oo magacaabis iyo isweeydaarin ah ku sameeyay Wasaaradaha Xukuumadda Dan Qaran

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda Dan Qaran si loo dardargaliyo hawlihii socday.
Mudane Xamsa oo cuskanaya qodobada 119-aad, farqada (D) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay agaasimeyaasha hoos ku xusan.
1- Mudane Yuusuf Cali Maxamed — Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga.
2- Mudane Maxamed Saney Dalmar — Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Shaqada iyo Bulshada.
3- Mudane Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax — Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
4- Mudane Guuleed Cabdijaliil Cali — Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.
5- Mudane Yuusuf Xasan Isaaq — Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
6- Mudane Maxamed Xasan Shire — Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dowladda Soomaaliya Sh. Mukhtaar Roobow Cali ayaa oo Daahfuray Duulimaadyadii ugu horreeyay ee Xujeyda Soomaaliyeed ee ka dhoofaya dalka.

Wasiir Roobow ayaa sheegay in xal loo helay dhibaatooyin badan oo horay u heystay Xujeyda Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay howluhu u socdaan si habsami leh.

Dhinaca kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Maxamed Xasan Bullaale ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay usoo kordhisay Xujeyda Soomaaliyeed adeeg Caafimaad oo dhameystiran, ayna raaci doonaan dhaqaatiir la socon doonta xaaladdooda.

Xujeyda maanta dalka ka dhooftay ayaa gaareysa 432 Xujey Soomaaliyeed ah, kuwaas oo ka kala duulay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa .

Kulanka ka dhacay Magaalada Baydhabo oo Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu Shir-guddoomiyey

Baydhabo(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Howlo Shaqo u jooga Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maanta kulan la qaatay sii hayaasha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana uu Warbixin ka siiyey ujeedka imaanshaha Wafdiga uu hogaaminayo, isagoo faray in la dardargeliyo howlaha Wasaaradaha Koonfur Galbeed, si aysan hakad u gelin adeegyada loo haayo Bulshada.
Mas’uuliyiinta ka socotay Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdigiisa warbixin ka siiyey Howlaha ay Bulshada reer Koonfur Galbeed u haayaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kula dardaarmay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed in ay xoojiyaan dardargelinta u adeegida Bulshada, isagoo u sheegay in ay Shaqada Wasaaradaha ay sii wadaan inta laga qabanaayo Doorasho ay raali ka yihiin Bulshada Deegaanada Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Duqa Magaalada Muqdisho oo xarig jaray wadada Sheekh Cali Suufi

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi ee Degmada Hodan, oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay kadib burbur muddo dheer iyo culeys uu ku hayay isu-socodka Shacabka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha waddadaan uu qeyb ka yahay Miraha ka dhashay iskaashiga ka dhaxeeya Bulshada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, taasi oo keentay in Canshuurta laga qaado Bulshada dib loogu celiyo, waxa uuna xusay guulaha laga gaaray dhanka Amniga iyo Dowladnimada in uu furo u yahay Horumarka, Shacabkana loogu baahanyahay in ay ilaashadaan Nabadgalyada oo ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa hoosta ka Xariiqay in dib u dhis isku dheeli tiran ee ka socdaan magaalada muqdisho, asigoona rajeeyay in dhawaan ay isku xermi doonaan isgoyska Al-baraka illaa iyo isgoyska Dabka, sidoo kalena la dhisi doonno Waddada Warshadaha, ayna barbar socon doonaan dhireynta, naleynta iyo qurxinta Caasimadda.

Ugu danbeyn waxa uu Shacabka ugu baaqay in ay ilaashadaan badqadka iyo Nadaafada waddadaan, isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir uu dhawaan soo saari doonno Xeerka Nadaafada oo haatan meel gabogabo ah maraya si Qofkii ku soo shubo qashin wadada in talaabo Sharciga waafaqsan laga qaado.

Dowladda Federalka Soomaaliya oo ahmiyad gaar ah siinaysa Abaaraha iyo sugnaanta Cunnada

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Waxaa Maanta Xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha U Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada (FSCPP).

Kulanka waxaa Shir Guddoomiyay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kamaal Guutaale, waxaana kulankaan qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya George Conway, hay’adaha Qaramada Midoobay sida WFP, OCHA, UNICEF iyo FAO, Bangiga Adduunka, Midowga NGO-yada, iyo Wakiillo ka socday Wasaaradaha Dowladda Federaalka.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta Wejiga Koowaad ee qorshaha FSCPP, oo loogu talagalay wax ka qabashada xaaladda Abaarta iyo Amni darrada Cunnada ee sii kordheysa. Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay Horumarka Deeqihii lagu ballanqaaday Shirkii Bangiga Adduunka iyo baahida loo qabo in la dedejiyo gaarsiinta Gargaarka.

Guddiga ayaa adkeeyay muhiimadda isku-duwidda dadaallada Dowladda iyo Saaxiibada Caalamiga ah, iyadoo mudnaan la siinayo Bulshooyinka ugu daran ee ay Abaartu saameysay.