Ra’iisul Wasaare XJFS Muadane Xamsa Cabdi Barre oo magacaabis iyo isweeydaarin ah ku sameeyay Wasaaradaha Xukuumadda Dan Qaran
Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dowladda Soomaaliya Sh. Mukhtaar Roobow Cali ayaa oo Daahfuray Duulimaadyadii ugu horreeyay ee Xujeyda Soomaaliyeed ee ka dhoofaya dalka.
Wasiir Roobow ayaa sheegay in xal loo helay dhibaatooyin badan oo horay u heystay Xujeyda Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay howluhu u socdaan si habsami leh.
Dhinaca kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Maxamed Xasan Bullaale ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay usoo kordhisay Xujeyda Soomaaliyeed adeeg Caafimaad oo dhameystiran, ayna raaci doonaan dhaqaatiir la socon doonta xaaladdooda.
Xujeyda maanta dalka ka dhooftay ayaa gaareysa 432 Xujey Soomaaliyeed ah, kuwaas oo ka kala duulay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa .
Kulanka ka dhacay Magaalada Baydhabo oo Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu Shir-guddoomiyey
Baydhabo(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Howlo Shaqo u jooga Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maanta kulan la qaatay sii hayaasha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana uu Warbixin ka siiyey ujeedka imaanshaha Wafdiga uu hogaaminayo, isagoo faray in la dardargeliyo howlaha Wasaaradaha Koonfur Galbeed, si aysan hakad u gelin adeegyada loo haayo Bulshada.
Mas’uuliyiinta ka socotay Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdigiisa warbixin ka siiyey Howlaha ay Bulshada reer Koonfur Galbeed u haayaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kula dardaarmay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed in ay xoojiyaan dardargelinta u adeegida Bulshada, isagoo u sheegay in ay Shaqada Wasaaradaha ay sii wadaan inta laga qabanaayo Doorasho ay raali ka yihiin Bulshada Deegaanada Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.
Duqa Magaalada Muqdisho oo xarig jaray wadada Sheekh Cali Suufi
Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi ee Degmada Hodan, oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay kadib burbur muddo dheer iyo culeys uu ku hayay isu-socodka Shacabka.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha waddadaan uu qeyb ka yahay Miraha ka dhashay iskaashiga ka dhaxeeya Bulshada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, taasi oo keentay in Canshuurta laga qaado Bulshada dib loogu celiyo, waxa uuna xusay guulaha laga gaaray dhanka Amniga iyo Dowladnimada in uu furo u yahay Horumarka, Shacabkana loogu baahanyahay in ay ilaashadaan Nabadgalyada oo ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa hoosta ka Xariiqay in dib u dhis isku dheeli tiran ee ka socdaan magaalada muqdisho, asigoona rajeeyay in dhawaan ay isku xermi doonaan isgoyska Al-baraka illaa iyo isgoyska Dabka, sidoo kalena la dhisi doonno Waddada Warshadaha, ayna barbar socon doonaan dhireynta, naleynta iyo qurxinta Caasimadda.
Ugu danbeyn waxa uu Shacabka ugu baaqay in ay ilaashadaan badqadka iyo Nadaafada waddadaan, isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir uu dhawaan soo saari doonno Xeerka Nadaafada oo haatan meel gabogabo ah maraya si Qofkii ku soo shubo qashin wadada in talaabo Sharciga waafaqsan laga qaado.
Dowladda Federalka Soomaaliya oo ahmiyad gaar ah siinaysa Abaaraha iyo sugnaanta Cunnada
Muqdisho (Wargeyska Dalka): Waxaa Maanta Xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha U Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada (FSCPP).
Kulanka waxaa Shir Guddoomiyay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kamaal Guutaale, waxaana kulankaan qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya George Conway, hay’adaha Qaramada Midoobay sida WFP, OCHA, UNICEF iyo FAO, Bangiga Adduunka, Midowga NGO-yada, iyo Wakiillo ka socday Wasaaradaha Dowladda Federaalka.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta Wejiga Koowaad ee qorshaha FSCPP, oo loogu talagalay wax ka qabashada xaaladda Abaarta iyo Amni darrada Cunnada ee sii kordheysa. Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay Horumarka Deeqihii lagu ballanqaaday Shirkii Bangiga Adduunka iyo baahida loo qabo in la dedejiyo gaarsiinta Gargaarka.
Guddiga ayaa adkeeyay muhiimadda isku-duwidda dadaallada Dowladda iyo Saaxiibada Caalamiga ah, iyadoo mudnaan la siinayo Bulshooyinka ugu daran ee ay Abaartu saameysay.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay saraakiishii fulisay hawlgalkii wadada Muqdisho-Baydhabo
Baydhabo(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Kulan xasaasi ah Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo kula qaatay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay fulinta Howlgalkii Maleeshiyaadka Khawaariijta looga sifeeyey Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, oo ay wehliyaan Saraakiisha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xooga Dalka iyo sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Deegaanka.
Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa u kuur galida xaaladaha Amni ee magaalada Baydhabo oo ay shalay soo gaareen Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Ciidamada Deegaanka, iyo sidoo kale dardargelinta howlgalada amni ee magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku hareereysan.
Saraakiisha Kulanka ka qeyb gashay ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Warbixin ka siiyey Howlgalkii guuleystay ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay Khawaariijta kaga sifeeyeen Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee Deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Magaalada Baydhabo ee Caasimadda ku-Meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidamada Qalabka sida qeybahooda kala duwan uga mahadceliyey naf-hurnimadooda ku aadan Difaaca Sharafka Qaranimada Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee XFS, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan ka hortagga iyo la dagaalanka fikradaha Xagjirka ah ee rabshadaha wata, iyo sidoo kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Tanzania iyo Ururka Bulshada Bariga Afrika Danjire Ilyees Cali Xasan.
Hawlgallo lagu naafeeyey Khawaarijta oo ka dhacday Shabeelooyinka
Muqdisho (Wargeyska Dalka): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay farsameynta Qaraxyada, Dayactirka Hubka iyo abaabulka Maleeshiyaadka, kuwaas oo ku kala yaallay Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe. Howlgalladan ayaa sidoo kale lagu dilay Injineero iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda.
Howlgalka koowaad, oo Maanta ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu beegsaday Xarumo qarsoodi ah oo kooxdu u adeegsan jirtay farsameynta Qaraxyada iyo dayactirka Hubka. Howlgalkan ayaa lagu burburiyay Qalabkii farsamada, keydkii ku jiray Xarumahaasi iyo Labo Gaari oo ay u diyaarinayeen Walxaha Qarxa, waxaana la dilay Toddobo Dhagarqabe oo ka kala tirsanaa qeybaha Injineerada Qaraxyada iyo Maleeshiyaadka kooxda.
Howlgalka labaad, oo labadii Maalin ee la soo dhaafay ka dhacay Deegaanka Laba-Garas ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa lagu beegsaday Maleeshiyaad loo diyaarinayay in ay weerar Argagixiso fuliyaan. Howlgalkaas Wajigiisa koowaad waxaa lagu dilay 12 Dhagarqabe, halka Wajiga Labaad lagu soo afjaray Sagaal Dhagarqabe, kuwaas oo qaarkood ka firxaday weerarkii hore balse mar kale lagu beegsaday Goob ay gabaad ka dhiganayeen.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Argagixisada iyo burburinta Xarumaha muhiimka u ah falalka Argagixiso. Fadlan Muwaadin, wixii khatar Amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.
Guddoomiyaha Guddiga madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir caalami ah uga qayb galay Geneva

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka oo Baydhabo gaaray

Xulka K/Cagta Qaranka Soomaaliya oo Caawa la Ciyaaraya dhiggooda Dalka Mauritius
Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa Caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah ee Tartanka Qaramada Afrika 2027 la Ciyaaraya dhiggooda Mauritius.
Ciyaartan oo ah Lugta labaad ee is-aragga Labada Xul ayaa ka dhici doonta Garoonka Côte d’Or National Sports Complex. Labada Xul kulankoodii koowaad oo lagu Ciyaaray Magaalada Maputo ee Dalka Mozambique ayaa kusoo dhammaaday 0–0, waxaana mid walba uu rajo ka qabaa inuu guuleysto si uu ugu soo baxo wareegga xiga ee isreeb-reebka Tartanka Qaramada Afrika 2027.
Xulka Mauritius ayaa wajahaya cadaadis weyn, maadaama aysan wax guul ah gaarin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay dhammaan Tartamada. Qaab ciyaareedkooda liita ayaana walaac ku haya Taageerayaashooda.
Dhanka kale, Xulka Soomaaliya (Ocean Stars) oo uu hoggaamiyo tababare Yuusuf Cali Nuur “Yuu Cali” ayaa muujiyay Horumar iyo qaab ciyaareed wanaagsan, waxayna haystaan laba guul shantii kulan ee ugu dambeysay, taasoo siinaysa rajo wanaagsan oo ay ugu gudbi karaan wareegga xiga.
Si kastaba, kulankan waa mid si buuxda u furan. Labada Xul kii guuleysta ayaa u soo bixi doona wareegga xiga ee isreeb-reebka AFCON 2027. Haddii kulanku ku dhammaado barbaro, waxaa lagu dari doonaa waqti dheeri ah, haddii ay kala bixi waayaanna waxaa lagu kala saari doonaa Gool-kulaad.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, iyo dhammaan mucaashiqiinta kubadda Cagta Soomaaliya ayaa guul u rajeeyay xulkeenna oo ay matalayaan xiddigo tayo leh oo laga soo kala xulay gudaha Dalka iyo Dibadda.










