Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”, oo lagu dhiirigelinayo doorka dhallinyarada ee faafinta wanaagga, diinta iyo khayrka bulshada dhexdeeda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hambalyo u diray dhammaan ka qaybgalayaasha barnaamijka oo hal-ku-dhigiisa ahaa “Soomaali sheeganaysa sheekadeeda”, isaga oo ku bogaadiyey dadaalkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo kor-u-qaadidda akhlaaqda wanaagsan.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in qof kasta uu shaqadiisa isaga oo haysta Alle ugu dhawaan karo, isla markaana horseedi karo guul adduun iyo abaal marin aakhiro, isaga oo tilmaamay in ganacsatada, wariyeyaasha, siyaasiyiinta, culimaduba ay door muhiim ah ka qaadan karaan dhismaha bulsho suubban.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay caqabadaha jira sida qabyaaladda, musuqmaasuqa, argagixisada, faragelinta shisheeye iyo hoos u dhaca dhaqanka wanaagsan, kuwaas oo khatar ku ah midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in tiknoolojiyadda iyo warbaahinta bulshada loo adeegsado faafinta wanaagga, wacyigelinta bulshada iyo kobcinta dhaqanka wanaagsan, isla markaana laga hortago waxyaabaha lidka ku ah nabadda iyo horumarka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidanka dowladdu ay gacanta ku hayaan amniga guud ee magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana aysan jiri doonin wax aargoosi ah, isaga oo caddeeyey in talada dadka dib loogu celin doono, bulshaduna ay soo dooran doonaan hoggaanka maamulkooda.

            

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku-xigeenka xafiis Goboleedka Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha OHCHR, ahna Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika Marwo Maymuchka Lauriston iyo wafdi ay hogaamineyso.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo OHCHR, hirgelinta Qaraarka Golaha Xuquuqul Insaanka ee A/HRC/RES/60/28, gaar ahaan dejinta Qorshe Hawleedka labada sano ee 2026-2027 iyo dardargelinta dhismaha xafiiska rasmiga ah ee OHCHR ay ku yeelaneyso gudaha Dalka.

Kulankan waxa uu qeyb ka yahay dadaallada ay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ugu jirto Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dalka, oo sanadkii lasoo dhaafay ay guulo ballaaran ka sameysay dhinacaas Wasaaradda, horumarradaas oo ay ugu horeeyaan inaan 32 sano kadib dib ula soo noqotay madax bannaanideeda Xuquuqul Insaanka, si la mid dowladaha Caalamka iyo in lagu guuleystay dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo markii ugu horeysay taariikhda ay Soomaaliya yeelatay.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka hawlgala

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha la wadaagay warbixin ku saabsan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay ka xaqiijiyeen dhinacyada amniga, doorashooyinka tooska ah, la-dagaallanka Argagixisada, gurmadka abaaraha, xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Safiirrada taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dib-u-dhiska dowladnimada, amniga iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya, isaga oo xusay in dowladdu ay sii xoojin doonto iskaashiga caalamiga ah ee ku saleysan ixtiraamka iyo dano wadaagga.
        

Ra’iisal wasaare Xamsa oo magacaabay wasiir ku xigeeno cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub oo ka mid noqon doona Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS.
Ra’iisul Wasaaruhu markii uu arkay howlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda, isla markaana gudanaya waajibka dastuuriga iyo talada Madaxweynaha JFS, waxa uu magacaabay Wasiir Ku-xigeennada cusub ee kala ah:
Mudane Xasan Maxamed Cali Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Marwo Nadiifa Aadam Isaaq, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.
Mudane Ismaaciil Ciid Maxamed Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa u rajeeyay xubnaha cusub in ay xilkooda u gutaan si hufnaan oo karti iyo mas’uuliyad ku dheehan tahay, isla markaana ay mudnaan siiyaan danta guud iyo horumarinta adeegyada ay Xukuumadda DanQaran u hayso Bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS oo Maamul Cusub u magacowday Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta DFS ayaa Maanta Maamul Cusub u magacowday Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Muqdisho(Wargeyska Wargeyska):- Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray Magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer ka sifeeyeen maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa.

Dhinaca kale, Saraakiisha Amniga ayaa gudaha Magaalada Baydhabo ka wada hawlgallo lagu xaqiijinayo Amniga, ka dib markii laga saaray Magaalada maleeshiyaad uu marin-habaabiyay Hoggaamiyihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, gudaha Magaalada waxaa kula kulmay Shacabka Baydhabo, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed oo horay uga soo horjeestay xadgudubyadii Maamulkii hore iyo xiriirkii lala yeeshay Khawaarijta.

Boqolaal ka mid ah Shacabka Baydhabo ayaa gudaha iyo daafaha Magaalada kusoo dhaweeyay Ciidamada Qaranka, iyagoo muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin in laga xoreeyay Maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa iyo kuwii xiriirka la lahaa.

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva(Wargeyska Dalka)-Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, oo ay Hoggaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryam Qasim Axmed, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha Caalamiga ee Ururrada Xuquuqulka Insaanka Adduunka oo maanta ka furmay Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva, kaasi oo socon doona Muddo Saddex Maalmood ah.

Wafdiga oo ay Guddoomiyaha ku wehliyaan Guddoomiye Ku Xigeenka Mudane Maxamed Haaruun Maxamuud iyo Komishiner Farxaan Maxamed Jimcaale, ayaa Shirka Maanta waxaa diirradda lagu saaray dhibaatada ka dhalata Tahriibka iyo saameynta ay ku leedahay waddamada Caalamka gaar ahaan Dalalka Qaaradda Afrika.

Wafdiga Soomaaliya ayaa inta uu Shirku socdo waxaa kulamo gaar ah uu la yeelan doono Hay’ado ka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa Maanta ku daahfureysa Caasimadda Muqdisho 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐭𝐚 𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧-𝐤𝐨𝐫𝐨𝐫𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚: Tayeynta Xaqiijinta Xogta, Xirfadaha Sheeko-sameynta iyo Xiriirka Isku-haynta Bulshada.

Siminaarkan ayaa isu keenaya Saraakiisha Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda, Wariyeyaal ka tirsan Hay’adaha Warbaahinta gaarka ah iyo dhalinyarada saameynta togan ku leh Baraha Bulshada.

Arrintan ayaa looga gol leeyahay kor u qaadista wacyiga Dhalinyarada iyo helidda Warbaahin Mas’uul ah oo ilaalisa Qiyamka Bulshada.

Muxuu yahay heshiiska cusub ee wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda XFS uu saxiixay?

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha (MoU) Shirkadda Somali Ship Register Limited mudane Çağdaş Oykun Saltaș heshiis kaas oo lagu dhisayo diiwaanka maraakiibta Soomaaliyeed, si maraakiibtu u qaataan Calanka Soomaaliya, taaso ah tallaabo weyn oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay horumarinta iyo casriyeynta arrimaha baddeenna.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xusay in heshiiskani abuuri doono fursado cusub oo dhinaca maalgashiga ah, shaqo abuurka iyo kor u qaadida sumcadda calanka Soomaaliyeed, annagoo ka faa’iideysanayna khibradda saaxiibo kale.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay in tani tahay tallaabo kale oo istiraatiiji ah oo Xukuumadda Dan-Qaran ku xoojineyso maamulka iyo sumcadda Soomaaliya, si ay uga mid noqoto dalalka ku tartama howlaha maraakiibta ee caalamka.

     

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka XFS oo shir muhiimka qabatay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed socon doono mudo laba cisho ah oo ku saabsan kor u qaadida Hogaaminta Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen Dhaqdhaqaaqa Sinnaanta Jinsiga Soomaaliyeed ee SOMGEM.

Kulankan oo ay ka qeybgalayaan Hogaamiyeyaasha Haweenka, ururrada Haweenka iyo Bulshada Rayidka ayaa inta uu socdo waxaa la isku dhaafsan doonaa doodo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa in la kordhiyo amaba sare loo qaado doorka Hogaaminta Haweenka Soomaaliyeed maadaama ay Haweenku kaalin muhiim ah uga jiraan bulshadeenna.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo khudbad ka jeedisay furitaanka ayaa Haweenka uga warbixisay tallaabooyinka ay Wasaaradda Qoyska u qaaday hormarinta Hogaaminta Haweenka oo ay ka mid yihiin:- in markii ugu horeysay qoondada Haweenka lagu cadeeyey 30% sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Axsaabta, Ansixinta Sharciga ka hortagga Tacadiyada ka dhanka ah arrimaha Jinsiga, Sharciga ka hortagga Gudniinka Fircooniga, Sharciga Arrimaha Qoyska oo ay dhamaantood ansixiyeen Gollaha wasiirddu kuwaasoo waxbadan xuquuq siinaya Haweenka.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa kula dardaarantay ka qeybgalayaasha iney doodahooda kasoo saaraan tallooyin wax ku ool ah oo sii xoojin doona dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto Hormarinta Hogaaminta Haweenka iyo dhiiri gelintooda.