Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Ciraaq

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya Mudane Dr. Qahtan Taha Khalaf Al-Janabi, wax ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dib-u-dhiska, iyo gargaarka bani’aadannimada iyada oo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo fursadaha wada shaqeyneed si ay uga faa’iideystaan labada shacab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey doorka Dowladda Ciraaq ee ku aaddan taageerada midnimada iyo madaxa-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, isaga oo xusay in Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dalalka Carabta.

Dhankiisa, Danjire Dr. Qahtan, ayaa caddeeyey sida ay dowladdiisu uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, isla markaana ay sii kordhin doonto taageerada dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaranka la wadaagay hambalyada xubinimada golaha nabadda Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan hay’adaha Qaranka, taas oo ku aaddan guusha taariikhiga ah ee dalkeennu uu ku hanatay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, muddada 2026–2028.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guushan ay astaan u tahay horumarka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo dib u soo kabashada doorka hoggaamineed ee dalkeennu uu ku leeyahay heer qaaradeed iyo heer caalam iyo shaqada wanaagsan ee ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalkeena.

“Kalsoonida iyo taageerada ay Soomaaliya ka heshay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika waxay caddeyn u tahay isbeddelka togan ee dalka ka socda iyo xiriirka iskaashi ee sii xoogeysanaya. Horey waxaan xubin uga noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, maanta waxaynu fadhinnaa Golaha Amniga iyo Nabadda Afrika”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan dalalkii taageeray una codeeyay Soomaaliya, isagoo xusay in guushan ay ka tarjumeyso wadajir, saaxiibtinimo iyo aragti mideysan oo ku aaddan Afrika nabad ah, xasilloon, isla markaana horumar leh.

Soomaaliya oo ku guuleysatay ka mid noqoshada golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika

Addis Ababa: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay inay ka mid noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) muddada u dhaxeysa 2026–2028, taas oo ah guul taariikhi ah oo muujineysa horumarka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo dib u soo noqoshadeeda kaalinta ay ku lahayd saaxadda qaaradda iyo tan caalamkaba. Doorashada Soomaaliya waxay ka tarjumeysaa kalsoonida iyo taageerada ay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika u muujiyeen.

Soomaaliya waxay u mahadcelineysaa dhammaan dalalkii taageeray una codeeyay musharaxnimadeeda. Taageeradan wadajirka ah waxay muujineysaa iskaashi xooggan iyo aragti mideysan oo ku wajahan Afrika nabdoon, xasilloon, isla markaana barwaaqo ah.

  

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb ah danjirayaal lagu casuumay madaxtooyada Kenya

Nairobi: Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle ayaa ka qeyb galay kulankii Sanadlaha ah ee Diblomaasiyadeed ee Bilowga Sanadka cusub oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee dalka Kenya. Kulanka ayaa waxaa martigeliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Mudane William Ruto, una dhaxeeyay safiirrada, wakiillada sare, iyo madaxda hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala dalka Kenya.

Danjire Jabril oo ka hadlay Kulanka ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha Dalka kenya da’daaliisa uu ku doonayo in la iskugu furo ganacsiga wadamada Afrika, gaar ahaan dalalka ku bahoobay ururka Goboleedka Bariga Afrika.

Ganacsiga dadka Soomaaliyeed ayaa ku sii fidaya guud ahaan dalalka Afrika.

   

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha oo kulan la qaatay Danjiraha Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa Kulan la qaatay Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya, isaga oo ay wehliyaan Masuuliyiin kale, waxaana Kulanka lagu gorfeeyay Arrimo la xiriira Iskaashi Wadajir ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-Shaqeynta dhinacyada Maamulka iyo Dowlad-Dhiska, gaar ahaan Arrimaha Federaalka, dhismaha awoodda Hay’adaha, iyo dadaallada Dib-u-Heshiisiinta. Waxa sidoo kale la isla qaatay Is-Weydaarsiga khibradaha, taageerada Farsamo, iyo Iskaashiga Horumarineed ee kor u qaadaya Adeegyada Dadweynaha ee Dalka.

Agaasimaha Guud, Mudane Cabdulqaadir, ayaa uga Mahadceliyey Safaaradda Shiinaha Taageerada joogtada ah, isagoo caddeeyey sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xoojinta Iskaashi wax-ku-ool ah oo lagu taageerayo Midnimada, Dowlad-Dhiska, iyo Horumarka waara ee Soomaaliya.

    

Wasiirka Cadaaladda XJFS oo Booqasho ku tagay Maxkamadda Sare ee Dalka Aljeeriya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa Booqasho ku tagay Maxkamadda Sare ee Dalka Aljeeriya, kadib saxiixii Heshiiska Is-Afgaradka ee lagu xoojinayay Iskaashiga Garsoorka iyo Caddaaladda Labada Dal.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu Horumarinayo xiriirka Hay’adaha Garsoorka, is-weydaarsiga Khibradaha, iyo adkaynta wada-shaqeynta Sharciga ee u dhexeysa Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya.

    

Wasiir Dowlaha Gaashaandhigga XJFS oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Badda ee Dowladda Turkiga

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiir Dowlaha Wasaarada Gaashandhigga XJFS Cumar Cabdi Cali uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Badda ee Dowladda Turkiga.

Imaanshaha maraakiibta dagaal ayaa kusoo aadeyso xili Dowlada Fedaraalka Soomaaliyeed ay muhiimad gaar ah siinayso Dhismaha iyo Tayaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Soo dhaweyntan ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiiru Dowlaha Dekeda iyo Gaadiidka Badda Xukuummada Federaalka Soomaaliya,Kaaliyaha Guud Ciidanka XDS, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Ciidanka XDS, Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiyo Soomaaliya iyo Saraakiil kale.

                   

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta oo Kulan La Qaatay Maal-Gashadayaal Caalami ah

Cape Town(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa Kulan Miro-Dhal ah la yeeshay Madax ka socotay Empire Investment Bank, oo ah Bangi Caalami ah oo Maalgelin ku sameeya Shirkadaha ka shaqeeya Macdanta, isla markaana Xaruntiisu tahay Dalka Shiinaha, iyo Madaxweynaha Rugta Ganacsiga ee Dalka Koonfur Afrika, President Adv. Mtho Xulu.

Kulankan ayaa ka dhacay Magaalada Cape Town, xilli Wasiir Daahir Shire Maxamed uu ka qaybgalayay Shirka Maalgashiga Macdanta Afrika. Wasiirka waxaa Kulanka ku wehlinayay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika, Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq.

Intii uu Kulanku socday, Wasiir Daahir Shire Maxamed ayaa Madaxda ka socotay Bangiga iyo Rugta Ganacsiga si faahfaahsan ugu soo bandhigay Macdanta iyo kheyraadka Dabiiciga ah ee Soomaaliya hodanka ku tahay. Madaxdaasi ayaa si weyn u soo dhaweeyay Warbixinta qotada dheer ee uu Wasiirku bixiyay, iyaga oo muujiyay xiisaha ay u qabaan Fursadaha Maalgashi ee ka jira Dalka.

Dhankooda, madaxda bangiga iyo Madaxweynaha Rugta Ganacsiga ayaa qiray in Soomaaliya ay leedahay khayraad macdan iyo mid badeed oo ballaaran, isla markaana ay Muhiim tahay Horumarinta iyo sare u qaadidda Maalgashiga kheyraadka Dabiiciga ah ee Gobolka.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul iyo is-afgarad, iyadoo lagu heshiiyay in kulanka xiga uu ka qabsoomo gudaha Soomaaliya, si loo sii dardargeliyo wadahadallada la xiriira maalgashiga macdanta.

 

 

 

 

Wasiir Faarax:Wasaaraddu waxay baahisay adeegyada Waxbarashada iyadoo gaarsiisay Deegaannadii laga xorreeyay Khawaarijta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Wasiir Faarax: Wasaaradda Waxbarashada XJFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa si rasmi ah u furay Maalinta 4-aad ee Shirweynaha 3-aad ee Waxbarashada Qaranka,ayaa ka hadlay daadejinta iyo kordhinta Goobaha Waxbarashada.

Wasiirka ayaa xusay in ay gaarsiiyeen Adeegyada Waxbarashada Goobihii laga xorreeyey Khawaarijta. Wasiirka ayaa yiri”Wasaaraddu waxay baahisay Adeegyada Waxbarashada iyadoo gaarsiisay Deegaannadii laga xorreeyay Khawaarijta, si Carruurta iyo Dhallinyarada Deegaankaas ay u helaan Fursado Waxbarasho oo ku habboon.”

Dhinaca kale Wasiir Faarax ayaa ku dhawaaqay in la dhisay Xarumihii Wasaaradddaha Waxbarashadda Jubaland iyo Hirshabeelle dhowaanna la dhisi doono Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Waqooyi Bari.

 

Shir Cilmiyeed Looga Hadlay Sugnaanta Cuntada iyo Horumarinta Abuurka Dalagyada oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Shir Cilmiyeed Heer Qaran ah oo diiradda lagu saaay Sugnaanta Cuntada, Horumarinta Abuurka Dalagyada Beeraha, iyo la qabsiga isbeddelka Cimilada. Shirkan ayaa si gaar ah u iftiimiyay doorka Digirta iyo Dalagyada kale ee Nafaqada leh ku leeyihiin Mustaqbalka wax-soo-saarka Beeraha Soomaaliya.

Shirka ayaa isu keenay Aqoonyahanno, Khubaro ku Takhasusay Beeraha, Hay’ado Dowladeed, Jaamacado, iyo Shirkado gaar loo leeyahay. Ujeeddadiisu waxay ahayd xoojinta Wada-Xaajoodka ku saabsan sida Cilmi-Baarista, Abuur Tayo leh, iyo Tiknoolajiyada Casriga ahi uga qayb qaadan karaan Sugnaanta Cuntada, adkaysiga Cimilada, iyo Koboca Dhaqaalaha, gaar ahaan Bulshada ku tiirsan Beeraha iyo Nolosha Reer Miyiga.
Ka qaybgalayaashu waxay adkeeyeen baahida loo qabo Nidaam Abuur oo la isku halayn karo, kaas oo taageera wax-soo-saar joogto ah. Intii uu socday Shirka, Khudbadaha furitaanka iyo doodaha Wiisaska wareega (panels) ayaa muujiyay in Horumarinta Hidde-Sidaha Dalagyada, gaar ahaan Digirta, ay tahay tiir muhiim u ah kor u qaadidda wax-soo-saarka iyo Sugnaanta Cuntada.

Waxaa la isla gartay in Abuur Tayo sare leh uu si toos ah u saameeyo wax-soo-saarka Beeraha, kordhinta Dakhliga Beeraleyda, iyo helitaanka Cunto ku filan. Sidoo kale, doodaha ayaa iftiimiyay doorka muhiimka ah ee beeraleyda yaryar ku leeyihiin sugnaanta cuntada, iyada oo la xusay baahida loo qabo in la siiyo taageero dhinaca aqoonta, adeegyada beeraha, iyo siyaasad u fududeysa wax-soo-saarkooda.

Shirku wuxuu sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda la qabsiga isbeddelka cimilada, iyadoo la muujiyay in isku xirka siyaasadda, Cilmi-Baarista, iyo Farsamada Beeraha uu yahay furaha lagu yareyn karo saameynta Cimilada ku yeelato Wax-Soo-Saarka.

Ka qaybgalayaashu waxay tilmaameen doorka ay Dowladda, Ganacsiga Gaarka loo leeyahay, Xarumaha Cilmi-Baarista, iyo Jaamacaduhu ka qaadan karaan Horumarinta wax-Soo-Saarka Beeraha, iyada oo la adeegsanayo Tiknoolajiyada Casriga ah.

Jaamacadda Zamzam ee Sayniska iyo Teknolojiyadda, oosoo qabanqaabisay Shirka, ayaa mar kale muujisay Kaalinteeda Hoggaamineed ee isku xirka Aqoonta, Cilmi-Baarista, iyo Horumarinta Qaranka. Jaamacaddu waxay caddeysay in Shirkan uu qayb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu taageerayo Xalal Cilmiyeed ee wax ku ool ah, kuwaas oo Gacan ka geysanaya Sugnaanta Cuntada iyo Horumarinta Nolosha Bulshada Soomaaliyeed.