Hanti dhawraha Qaranka oo daah furay shir Fogaan arag ah oo ay ka qeyb galayeen Hantidhawrada Dowlad Goboleedyada+(SAWIRRO).

Hantidhawraha Guud ee JFS Mudane Maxamed Maxamuud Cali ayaa maanta furay Shir sannadeedka Xafiiska Hantidhawrka Guud iyo Xafiisyada Hantidhawrada Dowlad Goboleedyada 2020.

Shirka oo ay Hantidhawrada Dowlad Goboleedyada uga qaybqaateen qaabka muuqaal-aragga ah ayaa waxaa la isku waydaarsaday khibrado iyo casharro la xiriiray nuucyada kala duwan ee baarista ee lagu sameeyo hay’daha kala duwan ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleed.

Hantidhawraha Guud ayaa dhiniciisa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay isagoo uga mahadceliyay Hantidhawrada Dowlad Goboleedyada wada-shaqayntooda dhaw ee ay la leeyihiin XHG isla markaasna ballanqaaday in “Qorshaha Istiraatiijiyadda XHG ee 2020-2022 lagu dari doono qodobbo gaar ah oo ka jawaabaya baahiyaha xafiisyadaas isla markaana xoojinaya iskaashigii horay u jiray”.

Sidoo kale, Xafiisyada Hantidhawrada Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa soo bandhigay soojeedinno ku saabsan guulihii ay xafiisyadoodu ku tallaabsadeen, caqabadaha kala duwan ee ku hor gudban iyo dhinacyada ay mustaqbalka dalbanayaan in lagala shaqeeyo.

Hantidhawraha Guud ayaa shirka soo xiray isagoo adkeeyay in si dhab ah loo taabbagalin doono qodobbadii la soo jeediyay intii uu kulanku socday.

Gabar soomaaliyeed oo heysata dhalashada Mareykanka oo ka baxeysa shaqada Models.

Halimo Adan oo ah gabar soomaali mareykan ah islamarkaana oo heer sare ka gaartay dhanka Models ee dumarka dharka xayeesiiya ayaa sheegtay in ka baxday shaqada xayeesiinta dharka.

Halimo oo sanadkii 2017 iyada oo ah 19 jir ka soo muuqatay munaasabada xayeeysiinta dharka ayaa ahayd qofkii ugu horeeyay madaxu u xijaaban yahay oo tartanka gasha.

Halimo ayaa wixii mudadaas ka danbeeyay noqotay xidig ka dhaxmuuqata hablaha models .

Halimo oo iminka 23 jir ah ayaa sababta ay isaga dhaaftay shaqadan ku sheegtay in ay dooneyso in fuliso waajibaadka diineed iyo midka dhaqan oo ay leedahay.

waxay gabadhani ku dhalatay xeryaha qaxootiga ee kenya halkaas oo waalidkeeda ay ku noolaayeen.

Faransiiska oo Soomaaliya ka cafiyay lacag dhan 306 milyan.

Heshiiskaan oo dowladda Faransiisku Soomaaliya uga cafisay 306 milyan oo dolarka marekanka ah ayaa waxaa Muqdisho ku kala saxiixday Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale iyo Safiirka Dowladda Faransiiska ee Soomaaliya iyo Kenya Aline Ménager

Tani waa tilaabo kale oo Soomaalliya ay u qaaday ka guul gaarista wadahaldalka deyn cafinta oo maraya barta go’aan qaadashada.

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa saxiixa heshiiska kadib u waramay Warbaahinta Qaranka wuxuu sharxay muhiimada ay nooledahay heshiiskan.

“Faransiiska waxa weeye wadanka 4aad ee lacagta ugu Badan naguleh, wadanka 1aad waa Maraykanka, wadanka 2aad waa Ruushka halka kan 3aad uu yahay Talyaaniga, faransiisku wuxuu nagu lahaa lacag dhan 560 milyan oo maanta 306 milyan oo kamida uu naga cafiyay” ayuu yiri Wasiir Beyle

Wasiirka maaliyadda ayaa hadalkiisa ku daray in lacagaha soo harray lagu hishiiyay in muddo 3 sano gudohood ah hadii Soomaaliya ay deymo kale qaadan laga cafin doono

Horey Soomaaliya waxaa deymaha ugu cafiyay Wadamo iyo Hey’adaha dhaqaalaha Caalamka waxaana talaabada Faransiiska uga cafiyay Soomaaliya lacagtan ayaa ku timid dib u habeyntii maaliyadda iyo guulihii Soomaaliya ka gaartay wadahadalka dayn dhaafka.

Wasiirka Qorheynta oo la kulmay hay’adaha Masiibooyinka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Qorheynta Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya, mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay xubno ka socday Hay’adaha Gar-gaarka Arrimaha Beni’aadanimmada iyo Masiibooyinka Puntland.

Kulanka waxaa loo ga hadlay saameynta duufanta GATI ee ku dhuftay deeganada Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Cabdicasiis Cabdullaahi Axmed oo ah Maamulka Hay’adaha Gargaarka Arrimaha Beni’aadanimmada iyo Masiibooyinka Puntaland ayaa sheegay in saameyn ay ku yeelatay dhul baxaadleh’ oo ay ka midyihiin Xaafuun, Isku shuban, Gurdiya, Baargeele, Boosaaso iyo tuulooyin kale ah.

“Mudane Wasiir Duufaanta GATI waxa ay sababatay geerida 12 ruux oo 8 Yemaniyiin tahay iyo Afar Soomaali ah, sidoo kale qiyaasta dadka ay saameysay ayaa gaaraya 200 oo qoysas ah oo ku kala nool deegaannada Xaafuun, Iskushuban, Gurdiya iyo Baargeele.

Halka Boosaso ay saameyn ku yeelatay Afar boqal oo kun oo Barakacyaal ah, xoolo fara badan oo isugu jira Geel, Ari ayey galaafatay Duufunta, waxa ay jartay Isgaarsiinta iyo koronta oo ay dhulka la gashay Duufaanta GATI,

Waxaan ku soo gaarsiinay dhibaatada halkaasi ka jirta Mudane Wasiir waxaan codsaneynaa in gurmad deg-deg ah lala soo gaaro” ayuu yari Cabdulcasiis.

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Xukuumaadda Federaalka Somaaliya ayaa walaac ka muujiyay xajmiga ay ku dhuftay Duufanta GATI deegaanada Mamullka Puntland, waxuuna hoosta ka xariiqay ka Wasaaradd ahaan ay diyaarinayaan isku dubaridka hay’adaha Gar-gaarka deg-dega ah ee isugu jira kuwa dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu jawaaban xaaladda Beni’aadannimo ee ka jirto halkaasi.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan waxaa kulanka ku wehliyay Madaxa Xafiiska Xalka-waara, Zahra Cabdi Maxamed iyo Masuu’iliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta Maal-gaashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ethiopia oo Bilaabaysa Wajigii u Dambeeyay Howlgalka Gobolka Tigree.

Militiriga Ethiopia wuxuu bilaabi doonaa wajigii u dambeeyay howlgalka ka dhanka ah mucaaradka gobolka Tirgee, sidaa waxaa sheegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo bayaan soo saaray khamiistan maanta ah.

Hadalkan ayaa imaanaysa xilli uu dhammaaday 72 saac oo uu ra’iisul wasaaraha u qabtay in ay isku soo dhiibaan dagaalyahnada TPLF.

“72- saac oo aan siinay dambiiliyaasha TPLF in ay isku soo dhiibaan waa uu dhammaaday howlgalka ciidankeena wuxuu galayaa wajigii u dambeeyay,” ayuu Twitter ku soo qorey.

Waxaa uu intaas ku daray, in shacabka loo tureyo isla markaana horey waxaa isku soo dhiibay kumanaan dagaalyahno ah.

Wakaaladda wararka Reuters oo warkan qortay saaka ayaa sheegtay in aysan awoodin in xiriir la sameyso TPLF, sidaas awgeed sheegashada labada dhinac si madaxa banaan looma xaqiijin karo, sidoo kale isgaarsiinta degaanka ayaa hawada ka maqan.

Ergay ka socda midowga Afrika ayaa ku sugan Ethiopia waxayna ka codsadeen madaxda dalka in arrintan nabad lagu dhammeeyo, kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ka walaacsan dagaalka waqooyiga Ethiopia ayagoo ka cabsi qaba in waxyeelo ka soo gaarto shacabka.

Abiy ayaa 72 saac u qabtay TPLF in ay hubka dhigaan haddii kalena ay wajahi doonaan dagaal adag, buuraleyda ku heeran xarunta gobolka Tigree ee Mekelle ayaa la isku hayaa, magaalada waxaa ku noo 500,000 oo ruux.

Kumanaan shacab ah ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhinteen dagaalka, sidoo kale waxaa jira burbur aad u bahsan oo ay sababeen duqeymaha dhanka cirka ah, affarta bishan ayuu bilowday dagaalka u dhexeeya militiriga Ethiopia iyo xooggaga jabhadda xoreynta dadka Tigree ee TPLF, in ka badan 42,000 oo qof ayaa u kala qaxay dalalka Suudaan iyo Eritrea.