Wasiirka Arrimaha Dibadda XJFS oo Ka Qaybgalay Kal-Fadhigii 48aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika

Addis Ababa(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa ka qaybgalay furitaanka Kal-Fadhigii 48aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika (AU) oo ka dhacay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa Dalka Itoobiya .

Kal-Fadhigan ayaa waxa uu isu keenayaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika, ka hor Kal-Fadhiga 39aad ee Caadiga ah ee Golaha Madaxda Dowladaha iyo Dowlad-Goboleedyada Midowga Afrika, kaas oo loo qorsheeyay 14–15 Febraayo 2026. Wasiirradu waxa ay dib u eegayaan, Ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin, Warbixinta Shirkii 51aad ee Guddiga Wakiillada Joogtada ah (PRC), diyaar-garowga Doorashooyinka iyo Magacaabista Hay’adaha Midowga Afrika, ka-qaybgalka Midowga Afrika ee G20, iyo Horumarka laga sameeyay hannaanka SACA.

    

Wasiirka Batroolka XJFS oo Kulan la qaatay Wasiiradda Dhiggiisa ee Dalal Kenya iyo Tanzania

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa Magaalada Cape Town Kulan kula yeeshay Dhiggiisa Dalalka Kenya iyo Tanzania, xilli uu ka qeyb-galayay Shirka Maalgashiga Macdanta.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Arrimaha Badaha ee Jamhuuriyadda Kenya, Mudane H.E. Hassan Ali Joho, iyo Wasiirka Wasaaradda Macdanta ee Jamhuuriyadda Tanzania, Hon. Anthony Peter Mavunde (MP).

Saddexda Wasiir ayaa ka wada hadlay Fursadaha ballaaran ee Maalgashi ee ka jira Dalalkooda, iyagoo si qoto dheer uga dooday noocyada kala duwan ee Macdanta iyo kheyraadka Dabiiciga ah ee ay Hodanka ku yihiin Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania. Waxa ay sidoo kale isla qaadaa-dhigeen sidii ay u xoojin lahaayeen Iskaashiga Saddex-Geesoodka ah ee ku Aaddan Horumarinta, maareynta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka Dabiiciga ah.

Shirka ayaa si Gaar ah diiradda u saaray xoojinta Iskaashiga Saddexda Dal, si loo dardargeliyo Maalgashiga Macdanta, korna loogu qaado qiimaha Wax-Soo-Saarka Gudaha, isla markaana loo hubiyo in Kheyraadka Dabiiciga ah si waara oo Cadaalad ah looga faa’iidaysto, loogana dhaliyo Horumar Dhaqaale iyo Shaqo-Abuur ka hirgala Dalalka iyo Guud ahaan Qaaradda Afrika.

  

Shir Sanadeedka Garsoorka oo Maanta Magaalada Muqdisho ka Furmaya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Shir Sanadeedka 8-aad ee Garsoorka Dalka ayaa Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka, Shirkan ayaa inta uu socdo waxa lagu bandhigayaa Dood Cilmiyeed muhiim ah oo ku saabsan Fal Dambiyeedka iyo saameynta uu ku leeyahay Bulshada,iyadoo ay ka qayb galayaan Doodan Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida,Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Doodda ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa Wada-Shaqeynta Hay’adaha Garsoorka, Booliska iyo Hay’adaha kale ee Amniga, si wax looga qabto Dambiyada iyo yareynta saameynta ay ku yeeshaan Bulshada.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu Horumarinayo Nidaamka Garsoorka Dalka iyo hubinta in Muwaadiniintu helaan Caddaalad Hufan.

       

Wasiirka Cadaaladda XFS oo turkiya kulan kula qaatay dhiggiisa dalka turkiga

Ankara: Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Turkiga mudane Yılmaz Tunç.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada cadaaladda iyo garsoorka iyo sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha garsoorka ee labada dowladood.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Turkiga danjire Fatxudiin Cali Maxamed, iyo howl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda.

     

Wasiirka arrimaha dibadda oo gaaray Addis Ababa si uu uga qaybgalo shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika

Addis Ababa: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, si uu uga qayb-galo Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, kaas oo lagu wado in uu si rasmi ah uga furmi doono berri Xarunta Midowga Afrika.

Inta uu shirku socdo, Wasiirku waxa uu kulamo laba-geesood ah la yeelan doonaa dhiggiisa madaxda dalalka Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah, kuwaas oo diiradda lagu saari doono horumarinta arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, gaar ahaan nabadda iyo amniga, iskaashiga gobolka, iyo horumarka waara.

Shir-Madaxeedka sannadkan waxa uu ku qabsoomayaa halku-dhigga ah, Helitaanka Biyo Joogto ah iyo Nidaamyo Fayadhowr oo Amman ah si loo Gaaro Yoolalka Ajandaha 2063 ee Midowga Afrika, iyadoo la muujinayo muhiimadda istiraatiijiga ah ee badqabka biyaha iyo fayadhowrka, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka waara iyo barwaaqada qaaradda Afrika.

 

Wasiir Fiqi oo socdaal ku jooga Sucuudiga oo booqday Xarunta la dagaalanka xagjirka ee OIC

Riyad: Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta booqday xarunta Isbahaysiga Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee xarunta, Jeneraal Maxamed bin Saciid Al-Moghedi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray la-dagaallanka fikirka xagjirka ah, ciribtirka argagixisada, iyo xoojinta wadashaqeynta labada dhinac.

Booqashada waxaa Wasiirka ku wehliyay Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad, Mudane Cabdicasiis Cabdiraxmaan Xasan, Wakiilka IMCTC u fadhiya Soomaaliya, Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Turyare, iyo masuuliin ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Safaaradda Soomaaliya.

   

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaabilay u qeybsanaha arrimaha difaaca ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay u qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Col. Wills.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo la-dagaallanka kooxaha burcad-badeedda iyo argagixisada.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Ciidanka Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Ciidanka XDS iyo ka go’naashahooda ku aaddan ciribtirka argagixisada.
   

WAR-SAXAAFADEED: In ka badan 10-dhagarqabe oo lagu dilay hawlgal ka dhacay Jubaland

Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada amniga Dowlad-Goboleedka Jubaland ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta, kaas oo ka dhacay deegaanno hoos yimaada magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo gaaray heshiis iskaashi oo dhinaca garsoorka ah

Algiers: Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, iyo Wasiirka Cadaaladda dowladda Aljeeriya mudane Lotfi Boudjemaa ayaa magaalada Algiers ee dalka Aljeeriya ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada garsoorka iyo caddaaladda labada dal.
Heshiiskan Is-afgarad ah ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi taariikhi ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, wuxuuna diiradda saarayaa is-dhaafsiga khibradaha iyo waayo-aragnimada ku saabsan dib-u-habeynta iyo tayeynta nidaamka caddaaladda iyo hay’adaha garsoorka.
Heshiiskaan ayaa xoogga saaraya horumarinta sharciyada iyo habraacyada maxkamadaha, kor u qaadista madaxbannaanida garsoorka, ku dhaqanka sarreynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, si loo dhiso nidaam caddaaladeed oo hufan, la isku halleyn karo, kana jawaaba baahiyaha muwaadiniinta.    

Hay’adda NISA oo Faahfaahin ka bixisay Howgal lagu Dilay Dhagar Qabe Horjooge ahaa oo ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa Howlgal si Guul leh u dhacay, oo ay 8-dii Bishan ka fuliyeen meel u dhow Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, ku dilay Horjooge Maxamed Sahal Iidle, oo Magaciisa Afgarashadu ahaa Abuu Usaama.

Horjoogahan, dhagartiisa la dhaafiyay Shacabka Soomaaliyeed, ayaa ka mid ahaa Shaqsiyaadka ugu dhow Horjooge Axmed Diiriye, waxaana loo diyaarinayay in uu beddelo Horjoogihii Maaliyadda Cabdullaahi Wadaad, kaas oo isna 23-kii Janaayo ay Ciidanka Hay’adda NISA iyo Saaxiibada Caalamka kusoo afjareen Howlgal ka dhacay Deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhagar-Qabe Abuu Usaama ayaa ka tirsanaa qeybta Baadda iyo Boobka Hantida Shacabka Soomaaliyeed u qaabilsan Khawaarijta, waxaana xilliga la dilay uu si toos ah ugu Howlanaa uruurinta Dhaqaale Sharci-Darro ah oo laga qaadayay Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Horjoogahan waxa uu horey u soo noqday: Horjoogaha Khawaarijta ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Horjoogaha dabagalka Baadda Shacabka, Xubin ka Tirsan waxa ay ugu yeeraan Golaha Shuurada, Horjoogaha qeybta Marin-Habaabinta, sidoo kale, intii uu Cadowgu haystay Magaalada Kismaayo waxa uu soo noqday Horjoogaha Dekedda Kismaayo iyo Horjoogaha Magaalada Kismaayo.