WARSAXAAFADEED: Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka Dalka (GMDHD)

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD), Avv. Burhaan Aadan Cumar, isagoo tixraacaya waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiga ee ku xusan Cutubka 15-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2026), wuxuu la wadaagayaa Hay’adaha Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed qodobadan soo socda:

1. Tallaabo kasta oo Maamul, magacaabis ama dhaar ah oo ay fulinayso Hay’ad Dowladeed waa in lagu saleeyaa axkaamta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa Dastuurka waa waxba kama jiraan, waxaana waajib ah in la saxo si ay u noqoto mid Sharciga  waafaqsan.

2. Xubnaha Golaha Wasiirrada ee ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ama Goleyaasha Wakiillada ee Dowlad Goboleedyada waa in ay baneeyaan xilka muddada lagu qeexay Qodobka 81-aad, Faqradda 1-aad, xarafka (f) ee Dastuurka. Sidoo kale, magacaabista xilalka cusub waa in lagu saleeyaa habraaca Dastuurka.

3. Guddigu wuxuu diyaarinayaa khariidad cad oo ku saabsan kala guurka iyo hirgelinta Dastuurka, sidoo kalena wuxuu soo bandhigi doonaa qorshe wacyigelin oo la xiriira Dastuurka.

4. Guddigu wuxuu ku dadaalayaa in Muwaaddin kasta uu helo nuqul ka mid ah Dastuurka, isla markaana si fudud loogu gaarsiiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.