Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka furtay Shir ay ka qeyb galayaan Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa Maanta ka daahfureyso Caasimadda Muqdisho Madasha Qaran ee Isku-duwidda Xasillinta.
Madasha oo 2 Maalin ah ayaa waxaa kaqeybgalaya Mas’uuliyiinta labada heer ee Dowladda Federaalka ah, Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka.
Ujeedka waa dib u eegista guulaha Xasillinta, wax kaqabashada caqabadaha iyo hagidda jihada Mustqabalka.