Ka qeybgalka Xasan Sheekh Maxamuud ee caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi wuxuu xambaarsan yahay fariin ka weyn Munaasabad Dhaqameed—waa tilmaam muujineysa isku xirnaanta Dowladnimada iyo Dhaqanka.
Faaladdu waxay si cad u muujineysaa in hoggaanka sare ee Dalka uu aqoonsan yahay kaalinta ay leeyihiin Duubabka Dhaqanka, gaar ahaan nabadaynta, xalinta Khilaafaadka, iyo mideynta Bulshada. Tani waxay xoojineysaa kalsoonida u dhexeysa Dowladda iyo Shacabka.
Sidoo kale, Munaasabaddan waxay muujisay muhiimadda isku-dhafka Dowlad casri ah iyo dhaqan sugan, iyadoo la tilmaamay in labadaas ay yihiin Tiirarka horumarka iyo xasilloonida Dalka.
Gunaanadkii, ka qeybgalka Madaxweynaha waa fariin ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed oo ku saabsan in Midnimo, is-ixtiraam, iyo wadajir ay yihiin furaha Soomaaliya Nabad iyo horumar leh.


