Dowladaha Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinaya Iskaashiga Maalgashiga Istiraatiijiga ah

Muscat,(Wargeyska Dalka), Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay Magaalada Muscat Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan, Cabdulsalam bin Mohammed Al-Murshidi, si loo xoojiyo iskaashiga maalgashi ee u dhexeeya labada Dal.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo furi lahaa maalgashi ka imanaya Cumaan oo lagu sameeyo Soomaaliya, gaar ahaan qaybaha leh fursadaha sare sida Xoolaha, kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha badda (blue economy), duulista hawada, iyo Warshado kale oo istiraatiiji ah.

Waxaa sidoo kale la isla qaatay muhiimadda ay leedahay abuuridda jawi ku habboon iskaashi u dhexeeya Dowlad iyo ganacsiyo gaar loo leeyahay (public–private partnerships), iyo soo jiidashada maalgelin muddo dheer ah.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen dariiqooyin wax ku ool ah oo lagu gaari karo maalgashi nidaamsan, taasoo muujinaysa kalsoonida sii kordheysa ee Caalamku ku qabo dhaqaalaha Soomaaliya iyo doorka istiraatiijiga ah ee ay ka ciyaarto isku xirka Afrika iyo Khaliijka.

Kulankan wuxuu muujinayaa dadaalka joogtada ah ee Soomaaliya ay ugu jirto inay diblomaasiyadda Dhaqaale ka dhigto tiir muhiim u ah kobaca Qaranka, isla markaana ay iskaashiyada Caalamiga ah ugu beddesho maalgashi dhab ah oo la taaban karo.