Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka daah-furay Tababar loogu talagalay Howl-Wadeennada ka shaqeyn doona Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee la qorsheynayo in ay ka qabsoomaan Degmadaasi.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray tayeynta Aqoonta iyo Xirfadaha Howl-Wadeennada, iyadoo la barayo habraacyada muhiimka ah ee Doorashooyinka, sida diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, maareynta goobaha Codbixinta, habka tirinta Codadka iyo ilaalinta hufnaanta iyo daahfurnaanta geeddi-socodka Doorashada.
Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa horey u shaaciyay in dhawaan ay si isku xiran uga bilaaban doonaan Doorashooyin ka dhaca Dowlad-Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo la dardargelinayo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Dalka.


