Hoggaamiyaha KMG ee Koofur Galbeed oo qaabilay Musharax Madaxweyne Cabdicasiis Jawaari

Baydhabo (Wargeyska Dalka): Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Musharax Madaxweyne Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Kulankan ayaa ahaa wadatashi siyaasadeed iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda guud ee siyaasadeed, geeddi-socodka Doorashooyinka iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wadajirka iyo xasilloonida Deegaannada.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa soo dhoweeyay Musharaxa, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Doorashooyinka ay ku dhacaan jawi hufan, Caddaalad ah, isla markaana waafaqsan Shuruucda Dalka.

Musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran, wuxuuna carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada Horumarinta Dowladnimada, Nabadda, iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee Hoggaamiye Jibriil ku xoojinayo wadatashiyada siyaasadeed iyo diyaar garowga Doorashooyinka Dalka.