Wasiirka Warfaafinta XFS oo Hambalyo u diraybahda Warbaahinta Munaasabadda 3-da May

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Hambalyo u diray dhammaan bahda Warbaahinta Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka – 3-da May, isaga oo ku bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay Saxaafaddu ku leedahay dhismaha Nabadda, Dowladnimada iyo Dimuqraadiyadda Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in maalintani ay tahay fursad lagu xuso kaalinta qiimaha leh ee Saxafiyiintu ka qaataan wacyigelinta Bulshada, Nabad dhiska, ilaalinta hufnaanta macluumaadka iyo xoojinta kalsoonida Dadweynaha.

Sanadkan, Xuska Maalintan Caalamiga ah waxaa si gaar ah diiradda loo saarayaa saameynta casriyaynta Warbaahinta iyo la qabsiga garaad-gacmeedka (AI), iyo sida Warbaahintu kaalin mug leh uga qaadan karto Nabadda, xal u helista Colaadaha iyo xasilloonida Dunida Maanta.

Wasiirka ayaa xusay in Saxaafadda Soomaaliyeed, sida Warbaahinta Caalamka oo kale, ay Maanta saaran tahay masuuliyad weyn oo ku aaddan, u qareemidda Nabadda, , xoojinta Caddaaladda, iyo taageeridda Dowladnimada.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in Munaasabaddan ay ku soo beegantay xilli Dalku ku jiro marxalad Doorasho, loona baahan yahay in tabinta Warbaahinta u hiiliso Doorashasho nabdoon oo kor u qaadaysa wadajirka Bulshada..

Wasiirka Warfaafinta ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay: xoojinta Xorriyadda Saxaafadda, ilaalinta badbaadada Saxafiyiinta, iyo horumarinta jawi warbaahineed oo u sahlaya shaqo gudasha xirfad iyo mas’uuliyad ku dhisan.

Wasiir Daa’uud ayaa ugu dambeyn sheegay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay sii wadi doonto, Tababarrada xirfadeed ee lagu xoojinayo Saxafiyiinta, kor u wada-shaqeynta Warbaahinta, iyo Hay’adaha kale ee Dowladda.