Muqdisho (Wargeyska Dalka): Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirkii Hore ee Dowladda Walaalahana nahay ee Jabuuti, Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, oo ugu yimid booqasho iyo sagootin, taasoo ku aadan dhammaadka muddadiisii shaqo ee uu ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiyay Dalka Soomaaliya.
Wasiirka Cabdisalaam ayaa si weyn u ammaanay doorka iyo dadaalka Safiirka ee ku aaddanaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sidoo kale horumarinta iskaashiga heer Gobol.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay u muujinaysaa mahadcelin buuxda, iyadoo u rajaynaysa Safiirka mustaqbal wanaagsan iyo guulo badan.





