Soomaaliya markii ugu horeyso laga furayo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM

Geneva: Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay meteleyso Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Geneva ee dalka Switzerland ku kala saxiixday Heshiis lagu Hirgelinayo Qaraarkii Golaha Xuquuqul Insaanka QM Lambarkiisu ahaa A/HRC/RES/60/28 kaasoo suntanaa lasoo wareegidii Maareynta Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, qaraarkaas oo tilmaamayey iskaashiga iyo taageerrada farsamo ee ay u baahan tahay Soomaaliya si ay u hormariso Xuquuqul Insaanka islamarkaana u maareeyso waajibaadkeeda Qaran ee Xuquuqul Insaanka iyo midka caalamiga ah.

Tani ay waxa ay ka dhigan tahay iney Dowladda Federaalka Soomaaliya markale fagaarayaasha Caalamka kasoo hoysay guul muhiim ah ayadoo dowladdu ay dadaal xooggan u gashay in markii ugu horeysay taariikhda ay QM Soomaaliya ka furato xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM(OHCHR) kaasi oo dhowaan laga furi doono magaalada Muqdisho , tani oo noqoneysa in markii ugu horeysay taariikhda QM ay u fuliso heshiis noociisa ah mudo taasi oo ku timid dadaalka iyo ka go’naashaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka.

Soomaaliya waxaa heshiiskan u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayadoo dhanka QM uu u saxiixay Volker Türk Madaxa Xafiiska Sare QM ee Xuquuqul Insaanka, waxaana heshiiskan uu yahay mid Soomaaliya muhiimad gaar ah u leh maadaama dalkeenu uu ku jiro marxalad soo kabasho ah.

Magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxaa ku sugan wafdi sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay hogaamineyso Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed A-Makhzoumi ayadoo wafdigaasi ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Bashiir Cumar, la taliyeyaal iyo quburrada Wasaaradda , waxaana guushani ay qeyb ka tahay dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bixisay sanad iyo barkii lasoo dhaafay hormarinta Xuquuqul Insaanka iyo maareyntiisa, ayadoo ka sokoow guushii weyneyd ee Octobar ay Soomaaliya ka gaartay Shirkii Xuquuqul Insaanka QM ee Geneva iyo dhismihii Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ay tanitahay guul kale oo ballaaran.