Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo sii wada gurmadka iyo taakuleynta shacabka ku nool deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta ayaa maanta dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo ka socda Hoggaanka Caafimaadka ee Taliska Taakuleynta u diray deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Kooxda caafimaadka ayaa bulshada deegaanka u sameeyay baaritaanno iyo daaweyn lacag la’aan ah, kadib markii cadowga Khawaarijta ah ay burburiyeen adeegyadii iyo kaabayaashii caafimaadka ee deegaankaas.
Muqdisho,(SONNA):- Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka caafimaad ee laga fuliyey deegaanka Mubaarak ayaa sheegay in Taliska Ciidanka XDS uu markasta garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu ka qeyb qaadanayo dib u soo kabashada adeegyada aas-aasiga ah ee ay burburiyeen kooxaha argagixisada ah.
Sidoo kale, Taliska Ciidanka XDS ayaa hore adeegyo caafimaad uga fuliyay deegaannada Sabiid, iyo Caanoole, Bariire iyo Awdheegle, halkaas oo shacabka deegaanka loogu sameeyay baaritaanno iyo daaweyn kala duwan.


